Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:- Kedib geeridii halyeeyad Sado Cali Warsame waxey bulshada Soomaaliyeed dal iyo dib u aheyd maalin murugo leh maalintii ay geerideeda maqleen waxaana dal iyo dibad looga tacsiyadeeyey dhamaan umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto iyadoo la muujinayo sida log axun yahay geerideeda.

Laakinse waxuu malaayiin Soomaaliyeed waagu ku baryey Kedib markii maamulka Majeerteen ee Puntland ee uu madaxda ka yahay Cabdiweli Gaas damceen in ay geerida maxuumada siyaasadeeyaan kana dhigaan mid qabiil ka dhimatay taasi oo ah arin aan u cuntameyn Soomaaliweyn meelkasta oo ay joogan kuwaasi oo si isku mid ah uga gilgishay geerida Halyeeyad Saado Cali Warsame.

Governor-ka Puntlad Cabdiweli Gaas oo doonayey in marxuumada Meydkeeda la geeyo Garoowe waxaa arintaas nin iska hadlay ka dhigay masuuliyiinta ugu sareysa dowlada Federalka iyo qoyskii hoose oo ay marxuumadu ka dhalatay taasi bedelkeedana hab maamuus iyo sidii loo aasi jiray dadka wadaniyiinta ah ee bulshada Soomaaliyeed ku weyn loo aasay (Aas Qaran).

Siyaasadaha qabiilka ku dhisan ee maamulka Majeerteeniya amaba Puntland oo aan marnaba ka turjumeyn maslaxada guud ee dalka iyo isku soo dhaweynta Soomaaliweyn waxey tani ka dhigan tahay mid ka mid ah fashilka siyaasadeed ee ragaadiyey maamulkaas ay horboodayaan dad qabiilka ay ugu weyn tahay qaranka.

Arinta kale ee iyaduna xiisaha leh ayaa aheyd kedib markii ay shegeen in ay caasimada Soomaaliya u soo direen wafti kuwaasi oo soo gaaray Mogdishu xili marxuumada la aasay kediba iyagoo wali il adag ayey sheegeen iney u yimaadeen Mogdishu sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dilka marxuumada.

Dabcan wararka xaqiiqada ah ee aanu ka heleyno Mogdishu waxey sheegayaan in ay u yimaadeen Mogdishu sidii ay madaxda qaranka siiba R/wasaaraha iyo madaxweynaha ugala hadli lahaayeen sidii ay Puntland ula heshiin laheyd dowlada dhexe kedib markii ay arkeen in aysan siyaasadooda iyo wararkooda uusan dhaafsiisneyn inta ay dalka Soomaaliya ka degan yahiin amaba deegaanada Puntland.

R/wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan goobtii lagu duugayey marxuumada kana qudbeynaya ayaa ka jooji waayey telefoonada uu soo dirayey Cabdiweli Gaas oo inta badan dalka Soomaaliya tan iyo markii uu qiyaanay r/wasaarahii Soomaliya Farmaajo xiligaasi oo uu ahaa wasiirka qorsheynta shir ka dhacayey Kambala uu wakiil uga ahaa R/wasaare Farmaajo kedibna la gediyey siyaasada waxii markaasi ka danbeeyeyna ay Soomaali badan ugu yeeraan siyaasiga aan xishoon amaba qabiiliga ah waxaa geerida Marxuumad Saado Cali ka raacday ceeb iyo fashil siyaasadeed kale.

Run ahaantii fashilka isdaba jooga ah ee reer Puntland waxey faa'ido weyn u tahay Soomaalidii daacada ahaan jirtay ee ay 90 kii sano ee ugu danbeysay ku hayeen sadbursiga waxeyna dowlada dhexe xilalka ay ka hayaan maanta isku miisaan yahiin qabiilada ugu yar yar waxaana macquul ah iney meesha ay hada joogaan kasii hoos maraan.

Guulaha ugu waaweyn iyo taalabada ku dayashada mudan ee dowlada federalka kedib geeridii marxuumada waxey isla markii tiirka geeyeen inta badan dhalinyaradii ka tirsaneyd Shabaab ee xabsiyada ku jiray iyagoo toogtay.waxey si isku mid ah oo Soomaalinimo leh ugu tacsiyeeyeen dhamaantood geerida marxuumada. waxey u sameeyeen aas qaran iyagoo dareensan in ay marxsuumadu aheyd wadaniyad Soomaali oo dhan ka dhimatay.

Ugu danbeyn waxey u muuqataa in ay meesha ka bixi rabto fikir kala duwanaantii madaxda ugu sareysa marka aad aragto talaabooyinka ay sida wada jirka ah u qaadeen 3da masuul ee wadanka ugu sareysa maalmahii tagay.

Isku soo duuboo dowlada dhexe ayey u badan tahay hadii ay bedelaan siyaasadoodii hore iyo qilaafyadii hareeyey madaxda sare in ay dib u xisi karaan waxii ka qaldamay maadaama ay fashil ku socdaan maamuladii qabiilka ku dhisnaa sida Soomaaliland iyo Puntland oo midna loo diiday iney Soomaaliweyn ka go'aan midna damacooda waalida ah ee danaha qabiilka aan dhaafsiisaneyn ku lumiyey wax badan oo kala dhaxeeyey Soomaaliweyn.

Dadka siyaasada odorasana waxey leeyahiin hadii madaxda hada jirta go'aan cad ka qaataan oo waliba baarlamaanka la horgeeyo 22-ka kun ee ciidamada Africanka ah iney wadanka ka baxaan iyo iney wax muuqdo qabtaan in loo codeeyo wax badan ayaa bilaha soo socda u qabsoomi doono.

La soco wararkeena danbe iyo sida Puntland marba marka ka danbeysa u fashilmeysa waxkasta oo dano qabiil lagu dhisana sidaas ayaa u danmbeyn doonta.Viva dowlada Federalka Soomaaliya qaabka ay u maamuustay geerida haweeneydii wadaniyada aheyd MArxuumad Saado Cali sidaasina waxaa yiri siyaasi ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag oo ah shacab ay ku weyn tahay Soomaalinimada in badana lagu waxyeeleeyey maxaad calanka Soomaaliya ugu taageysaan deegaanadaas iyo wax la mid ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.78 seconds
14,934,433 unique visits