Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
penelopeyn1

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:-Wararka naga soo gaaraya dhulka Soomaali galbeed ee Killinka 5aad ayaa sheegaya in dhawaan uu deegaanadaas ka dhici doono isbedel guud oo lagu sameynayo madaxa mamulkaas Cabdi Ileey ila cidamada danaha qabiilka ku shaqeeya ee Liyuu Boolis saraakisha horboodeyso qaarkood.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu meel xasaasi ah marayo qorshahan oo ay wado dowlada dhexe ee Ethiopia. Cabdi Ileey oo aanu dhowr isbuuc ee hore aanu halkaan ku sheegnay in la bedelayo waxa arintaas dhinac socda dabagal xoogan oo ay dowlada Ethiopia ku wado ciidamada Liyuu Boolis iyo saraakisha hogaamisa qaabka ay degaanadaas uga shaqeeyaan iyadoo ay soo baxayaan warar horudhac ah oo sheegaya in ay dowlada dhexe ee Ethiopia ku jahwareereen shaqasiyaad ka soo jeeda beelaha Ogaadeen iyo Reer Owxasan oo bilahi la soo dhaafay dabagal lagu waday warbixino faraha badan oo ay horey ugu gudbiyeen dowlada dhexe ee Ethopia.

Qaabka ay dhulka Soomaali galbeed uga howlgalaan beelaha Ogaadeen iyo Reer Owxasan ayaa waxa ka soo baxaya warar horudhac ah oo ay dowlada Ethiopia heleyso kuwaasi oo hada maraya gabo gabo.Madaxda mamulka Killinka 5aad oo uu ugu horeyo Cabdi Ileey iyo saraakiisha hogaamisa ciidamada Liyuu Boolis ayaa waxa hada ka fashilmay inta badan o siweyn looga warhayaa qorshe ay doonayeen iney dagaal ku qadaan Tuulada Abaaleey oo ay duleedkeeda fadhiyaan.

Ciidamadan waxaa hogaaminaya sarkaal ka soo jeeda beesha Isaaq kuwooda degan Dhulka Soomaali Galbeed laakinse ciidamada Liyuu Bolis 90% Waxey ka soo jedaan beesha Ogadeen waxaana loogu talo galay amaba loo dhisay in lagu barakiciyo beelo deeganka wax ka degan.

Qabiilka Reer Owxasan ee uu ka dhashay wasiirka Cadaalada Farax Cabdulqaadir shaqada ay deegaanadaas ka hayan waa mid ceynkee ah?

Reer Owxasan Dadaalada siyasadeed ee hada socda waxey u muuqdaan iney meel cidlo ah ku soo dhici doonaan marka ay soo gabo gabowdo warbixino been u badan oo ay 15-kii sano ee ina dhaaftay ka gudbin jireen beelo deegaanka dhulka Ethiopia wax ka degen siiba qabiilada Xawaadlaha iyo Habargidirta maadaama ay u badan yahiin ciidamada loogu yeero Taaq taaqa ee ka howlgala inta u dhaxeysa magaalada Qaalafe ilaa laga soo gaaro Tuulada Aabaaley oo ka tirsan Hiiraan laakiinse ay qabiilka Reer Owxasan ka taageen calanka Ethiopia waxeyna hada ku xir xireen amaba hormuud u ahaayeen qorshe lagu bartilmameedsanayo beelaha aan ka mid aheyn Liyuu Boolis.

Dhinaca beesha Habargidirta degan dhulkaas wax badan kalama socdaan arimaha hada socda laakinse warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya in dhinaca Hiiraan la soo dhigay ciidamo aan qiyaastooda rasmiyan la ogeyn laakinse loo badinayo iney kor u dhaafayaan kun dhalinyarada deegaanka ah kuwaasi oo sida warar sugan lagu helayo aad u hubeysan kana soo jeeda beesha Xawaadle.

Arinta aad cajibka u ah ayaa ah ma jirto meel gooyni ah oo ciidamada deeganka iska ababuley ee ka soo jeedo beesha Xawadle saldhig u ah laakinse waxaa lagu soo waramayaa in aysan biyo u kabaneyn ciidamada Liyuu Boolis hadii uu fashil ku dhamaado shirar isdabajoog ah oo isbuucyadii la soo dhaafay u socday sargaalka ugu sareeya dowlada Ethiopia ee ka howlgala Godey ilaa Magalada Qalaafe iyo waxgarad ka soo jeedo beesha Xawaadle oo iyagu degan gudaha Ethiopia amaba dhulka Soomaali galbeed.

Warku waxuu intaas ku darayaa in durbaba si cilmiyeysan loo godoomiyey ciidamada Liyuu Boolis lagana fadhiyo dhinackasta oo hadii uu sidhab ah dagaal uga qarxo degaanka Aabaaley ee ay ku sugan yahiin Liyuu Boolis waxuu qasaraha ugu badan soo gaari doonaa qabiilka reer Owxasan oo ay deegaanka ka joogan dad maato u badan jhadeysan ciidamadaas dib uGu laban meeshi ay ka yimaadeen e laga so diray wallow ay hada wax badan sahlanayaan arintana u moodaan sidii hore ee dowlada Ethiopia waxii la doono laga dhadhicin jiray.

Inkasta oo aysan Soomali badan runta jecleyn rumeyso ama ha rumeysan ciidamada Xawaadle ee deegaankaas ku sugan hubka ay wataan kama helin kuwa Hiiraan ku sugan waxey mudo cayiman gudahood suuqyada waaweyn ee Soomaaliya geeyeen waxiiba ay xoolo dhaqan jireen waxeyna kala baxeen hub iyo risaas si ay uga nabad galaan dhagartaan ay maleegayaan hada kedib Reer Owxasan iyo Ogaadeenka wada socda ee ciidamada Liyuu Boolis doonaya iney u isticmaalan dano siyasadeed aan la ogeyn iney u meel mari doonto iyo in kale marba hadii hada siweyn loola socdo qorshahooda dal iyo dibad.

Laakinse qabiilkasta waxaa laga helaa dad wanagsan,waxa jira dadaalo intooda badan ka socda gudaha Hiiraan iyo wadamo qurbaha ka mid ah oo ay wadaan aqoonyahano iyo dad ahalu qeyr ah oo maslaxada jecel kuwaasi oo ka shaqeynaya sidii ay deris wanaag ugu Noolaan lahayeen reer Owxasan oo iyagu alada ugu weyn ee ay ku dagaal galan tahay ku hadalka afka xabashiga iyo dadka beeshan ka degan dhulka Soomaali galbeed.

Inkasta oo damaca beesha Ogaadeen yahay sidii ay mar kale u soo booqan lahayeen dhulkii Banbalaayo oo ay u xiseen sida muuqata,hadane hadii uu dagaal Liyuu Boolis iyo ciidamada aanu abaabulkooda ka soo sheegeynay dhaco waxuu noqon doonaa mid si toos ah ugu dhaxeeya beelaha Xawaadle iyo Ogaadeen waxuuna si lama filaan ah ugu fidi doonaa deegaano badan hadii aysan ciidamada Liyuu Boolis firaaqeyn isbuucyada soo socda tuulada Aabaaley oo u muuqata mid foolaneysa colaad maadaama ay ku sugan yahin labo ciidamo midna yahay Liyuu Boolis hubkooda iyo tiradooda siweyn looga warhayo iyo ciidamo ninkasta qorayga uu wato kala baxay Geelii uu lahaa siweyn oo waliba aad loo daremayona u abaabulan.

Isku soo duubo dagaalka laga cabsi qabo inuu ka dhaco Aabaaleey waxuu soo afjari doona dagaalo iyo siyaasado qarsoonaa oo waayadi danbe ka soo iftimayey killinka 5aad ugu danbeyna waxey arinta iskugu biyo shuban doontaa in la baabiyo Liyuu Bolis magac ahaan oo Kilinka 5aad loo sameyo ciidamo ay ka wada muuqdaan Soomaalida deganka dhulka halka ay hada yahiin kuwo ka soo jeedo beelo gaar ah.

Hadaba la soco wararkena danbe iyo xaalada Aabaaley.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.57 seconds
14,905,686 unique visits