Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:- Inkasta oo shacabka gobolada dhexe ay mar hore tashan kareen hadane dhibaatada baaxada leh ee maamul xumo waxaa qeyb ka ahaa dhagar fara badan oo shacabkaas uga imaan jiray dhinaca Puntland.

Kedib waxii ka kadanbeeyey heshiiskii dhawaan lagu dhawaaqay kaasi oo maamul loogu sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa si isdaba jooga ah looga soo dhaweeyey gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoona ay waxgaradka magaalada Dhuuso-Mareeb siweyn u taageereen arintaas halka Ximin iyo Xeeb oo dadaalada socda hormuud u ah kaliyana dooneysa in shirka dhismaha gobolada dhexe loo balan qaado in lagu qabto Cadaado oo aysan jirin heshiiskaas cid ka soo horjeeda marka aan ka hadalno xaqiiqada masuuliyiinta maamulka iyo waliba shacabka Cadaado, hadane waxaa muhiim ah bal in aanu ifiimino dhinacaas iyo Puntland waxa ka jira maanta ilaa xaleyto.

Puntland maamul ahaan hadaad maqasho waxaa lagu dhisay burburka siyaasadeed ee ka jiray gobolada dhexe iyagoona marar badan qeyb ka ahaa dagaalo badan oo dadka degaankaas lagu sii kala fogeynayo si ay iyaga kaliya u noqdaan maamulka kaliya ee dalka ka jira dowladana maalin iyo habeen u baadaan sidii aanu horey u arki jirnay.

Awooda shacabka gobolada dhexe waxaad ka garan kartaa iyadoo aan walito maamulkii la dhisan oo uu hada galayo wajigiisii koowaad ayaa waxaa xaleyto ilaa maanta laga hurdi waayey degaanada Puntland siyaasadooda iyo hadal heynta ugu badan waxey aheyd sidan.

War hadii maamul loo sameeyo gobolada dhexe oo ay isku xirmaan dadka degan Cadaado, Dhuusa-Mareeb iyo Hobyo maxaa inoo haray gobolka Mudugna Majeerteen hal jufo baa ka degan waxaanu ka noqoneynaa minoraty iyo wax la mid ah sidaasina waxaa laga soo xigtay siyaasi reer Puntland ah oo talo ku soo jeediyey in dowlada dhexe lagu kaco .

Maamulka Galmudug ayey istusiyeen inuu saxiib hore la ahaa laakinse uu hada ka weecday waxyaabo badan oo ka dhaxeeyey waayo Cabdi qeybdiid cid la talisayba waxuu ciyaaray siyaasad aad looga sheegeyn doono mudo mar hadii ay dadkiisu iney aayahooda ka tashadaan u tanaasulayo Hawiye Turub baray ayaa ugu badnaa degaanada Puntland wararka yaalo.

Laakinse marka xaalada dhinaca kale laga eego beesha Majeerteen kama ahan iney difaaceyso jiritaanka gobolka Mudug ee waxey si hoose u ogaadeen in ay maamulka gobolada dhexe ku biirayaan shacabka degan Galdogob oo eedo hore ka tirsanaya Puntland mudo fogna sugayey meel kale oo uu ku biiro,sidoo kale meesha uu walwalka ugu badan ka imaanayo waa dhinaca dhaqaalaha oo hadii maamulka gobolada dhexe la dhiso dekeda Hobyo ayaa shaqo bilaabeysa dekeda gobolka barina sidaas ayey ku noqoneysaa meel cidlo ah dagaalka mudada fog shacabka gobolada dhexe lagula jiray ee ay dad yari fahmi jireena waa midkaas.

Sida caadada u ah dhaqanada beesha Majeerteen oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed kuwa ugu adkeysiga yar ee aan dulqaadan karin marba hadeysan siyaasada Soomaaliya aheyn sidey iyagu rabeen waxey dhawaan ku dhawaaqayaan iney dowlada federalka ka baxayaan.Nin siyaasi ah oo reer Mogdishu ah ayaa yiri walito leysma gaarin Hiiraan iyo labada Shabelle markey istaagaan ayaa si fiican leysku wareysanayaa ayuu yiri maadaama ay Banaadir noqoneyso federal Zone.

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo awooda siyaasadeed ee ka muuqato Central State of Somaliya walee Puntland wasiirka arimaha gudaha iyo r/wasaare Cabdiweli waa laga habaarayey 24-kii saac ee ina dhaaftay wax ay haleeyeena ma jirto dad dhibanaa ayey doonayaan sidii ay ugu saacidi lahaayeen maamul goboleed ay iyagu yeeshaan.Soomaali badan hada lee ayey ogaadeen muhiimada ay u leeyahiin dalka Soomaaliya gobolada Mudug iyo Galgaduud oo hadey maamul helaan ganacsiga Hiiraan iyo waxii ka xageeyana u soo wareego dadkaasi Sacuudi Arabiya iney shaqo u aadan uma baahna mar danbe ayuu yiri oday ka mid ah dadka deegaanka magaalada Galkacyo.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

#1 | VioletteBui63 on August 18 2015 19:58:00
cool asd website you got hereSmile

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.16 seconds
14,905,894 unique visits