Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Dibed-baxyo lagu ayidayo heshiiskii maamul sameynta gobolada dhexe oo ka socda degaanada Galmudug
Inta badan waxaa manta ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo heshiiskii ay dhawaan masuuliyiinta dowlada dhexe la gaareen siyaasiyiinta iyo cuqaasha degaanka Mudug iyo Galgaduud kaasi oo dhigaya in maamul goboleed loo sameeyo gobolada dhexe ee Soomaaliya Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa siweyn arintaas u soo dhaweeyey bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shacabka gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa u arka dhismaha maamulkaan mid soo dedejinaya in laga baxo dib u dhaca muuqda ee ku habsaday deegaanadaas mudada fog.Madax ka tirsan maamulka Galmudug oo dibed baxyadaas ka qeyb galay ayaa uga Mahad celiyey shacabkii isu soo baxay sida ay u taageereen heskiiskaas oo ay sheegeen inuu yahay mid taariikhi ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay bulshada goboalda dhexe si isku mid ah u soo dhaweeyaan dhismaha maamulkaan oo u muuqda inuu noqon doono mid ka mid ah maamul goboleedyada uGu awooda badan dalka Soomaaliya marka la eego baaxada iyo qeyraadka ku xeeran bulshadan oo iyagu mar hore sidan u tasahn karay laakinse dhagar badan oo ay hada si tartiib tartiib ah u dareemayaan ay ka hortaagneyd kuwaasi oo kala qoqobnaa mudo fog.


Isku soo duuboo waa guul u soo hoyatay bulsahda degaankan ku nool mar hadii ay maant aleeyahiin maxaa inoo dan ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,612,237 unique visits