Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 13

· Members Online: 0

· Total Members: 152,372
· Newest Member: Barniqirk

Welcome

HS:-

JournalHS:-Dalka Soomaaliya hadii aanu dhahno waxii uu soo maray ayaan dib ugu laabaneynaa wey adag tahay in aanu maalin iyo habeen ku soo koobno hayeeshee waxaanu bulshada Soomaaliyeed intooda nadiifka ah doonayana in ay maalin uun arkaan Soomaaliya oo nabad ah bulshadooduna noqdaan kuwo laga suuliyey kuwa markasta si ay sadbursi u helaan hadii ay noqon weyso sidey rabeen meel iska dhigi jiray danta guud ee caamka ah, hadane waxaan isku dayi doonaa hadba siyaasadaha qarsoon intii aan ka gaarno in aan bulshada u soo bandhigno si ugu daneyn loo helo jiil Soomaaliyeed oo sida xisbiga Tayo Part ee uu ka midka yahay r/wasaarahii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo aqoonyahano badan oo Soomaaliyeednaka buuxaan kuwaasi oo rag iyo dumarba leh, amaba loo helo jawi ka duwan midka aanu hada arkeyno ee intii aanu isku mashquulsaneyn aduunyadii aanu yasi jirnay iyo dowlado aanu sabab u aheyn in ay xornimadooda ka qaataan dalalkii gumeysan jiray in ay maanta iyagoo ka faa'ideysanaya daruufaha naheysta waxey doonaan naga sameyeen ilaa caasimadeenii Soomaaliya ay joogaan 23 kun ciidamo African ah tiiyoo ay leeyahiin dalka Soomaaliya kama xoryn karno 2500 Al Shabaab iyo Alqacida isku jiro oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Laakinse marka aragtidaas fog ee xambaarsan Soomaaliniamda laga soo tago hadaan dib u jaleecno qaabka qaldan ee ay siyaasada Soomaaliya ku dhisneyd tan iyo markaan xornimada qaadanay ilaa maanta Soomaaliweyn meelkasta oo ay joogaan waxey ahaayeen kuwo qarandoon ah amab ahaa oo ay dowladnimadu ku weyn tahay iyo kuwo wadanka hogaankiisa ku heli jiray sadbursi iyo qeyli oo sidii loo lahaa nagadaaya kuwan wadankii ugu danbeyn meel xun gaarsiiyey ilaa hogaankooda laga aamin baxo dad gaar ah iyo degaano koobana lagu dulmiyo.

Hadaba iyadoo ay siyaasada Soomaaliya tahay mid is rog rog badan hadane xagee ayey maanta wax marayaan maadaama aanu dhawr sano ka hor qoraalo badan oo aanu ka qornay siyaasada Soomaaliya siiba waxii dhacay laga soo bilaabo 1950-kii ilaa laga soo gaaro 1960 ugu danbeyna 21 sano oo Kacaankii ah la soo maray waxaan ku sheegnay in sida leyskaka dabawareegayo ay ugu danbeyn siyaasada Soomaaliya iskugu biyo shuban doonto bulshada Hiiraan ayna iyaga noqon doonaan kuwa ugu danbeyn dalkaan dejin doono inagoo waliba beel gaar ah markaasi farta ku fiiqeyno oo tanaasulka ay la timaado u horseedi doono inuu wadanku hagaago Soomaalina ay wadadaas mari doonto.

Hadaanse sii jilcino inagoo ka duuleyno tan iyo markii bulshada Soomaaliyeed la soo dhaxdhigay nidaam loogu yeeray federal kaasi oo iyadoon Soomaaliweyn si isku mid ah loo soo dhaxdhigin dad gaar ah sida reer Puntland oo iyadu xiligaas mooday in aan wax badan leyskaka daba imaaneyn marka runta lootago waxey buun buuniyeen nidaamka federalka iyagoo markaasi islahaa degaanada Puntland intey nabad yahiin ka faaideysta rabshadaha ka jira koofurta sidaasina dastuur ay sidey doonaan u soo qorteen leyska boobsiiyey ugu danbeyna maanta dastuurkii iyo nidaamkii federalka Puntland lama maqashiin karo dhawr sababood oo isbiirsaday awadeed.

1-Reer Puntland marnaba ismaweydiin maamul goboleedyada imaan doona halka uu ku danbeyn doono gobolka Mudug kaliya waxey islaheysiiyen dhawr degmo waxeyna moodeen in Mudug loogu yeeri doono Mudugta koofureed iyo Mudugta waqooyi laakinse waxaa meeshii ay reer Puntland cir ka sugayeen uga soo baxay ceeriyaamo kedib markii.

a)Beesha Habargidir oo aan waligeed siguud uga wada hadlin sidii ay u heshiin lahaayeen degaanada ay degan yahiina u taageeri lahaayeen maamul goboleedka gobolada dhexe ee Soomaaliya mudo 100 sano kedib maanta sidii hore wey iskaka dhaw yahiin dhawaana waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco shirweyne hadii uu ilaah towfiiqda waafajiyo magaalada Cadaado si loogu soo afjaro xumaha dhexyiilay mudada fog taasi oo dhaxalsiisay dib u dhac beeleed iyo mid degaan inaba.

b)Guulaha kale ee muuqata ee ay gaartay beesha Habargidir ayaa ah in ay colaadii faraha badneyd ee kala dhaxeysay beesha Xawaadle ay si tartiib tartiib ah meesha uga baxday kedib markii go,aan geesinimo leh oo aysan ka warqabin beesha Habargidir ay qaateen beesha Xawaadle kaasi oo ahaa in dib loo dhigto waxii colaad ah ee beeshaani kala dhaxeeyey Xawaadle taasi oo mustaqbalka dhaw iyo kan fogba dan u ah shacabka labada beelood shirka Cadaado iyo waliba maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliyana dadka maanta dhiiregelinayo oo inuu guuleysto doonayo reer Hiiraan ayaa ugu horeeya.

c)Culeysyada siyaasadeed iyo colaadeed ee ay beehaani ka qaadeen reer Hiiraan waxey soo dedejisay iney awoodooda dhinaca ciidanka ku mideeyaan sidaasina dagaalkii Sh/hoose si wada jir ah u wada galaan halkii ay dhawr colaadood uga furnaayeen degaano badan oo ay Hiiraan ugu horeysay.

Waa macquul in la fashiliyo dadaalada ay beeshaani isku wareysanayaan laakinse waxey aad uga wanaagsan yahiin maanta meesha ay joogaan halkii ay joogeen dhawr sano ka hor ee ay magacyada badan iyo ururada isdiidan ku hayeen gudaha dalka arintiina waxey ku soo aruurtay aan wada hadalno waa aan heshiino hadeysan maamulkaas gobolada dhexe u dhabar adeygin intey heshiiyaan fursadaan oo kale iney helaan waxey ku qaadan doontaa dhawr qarni ugu yaraan, wallow ay hada sidii hore ka rajo wanaagsan yahiin.

La soco Qeybteena Labaad

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
11,852,131 unique visits