Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:-Waxaan horey uga soo hadalnay marxaladahii kala duwanaa ee ay soo mareen bulshada Hiiraan ku dhaqan siyaasad ahaan iyo qaabkii loola galay dagaalka siyaasadeed iyo sidii looga reebay wadadii ay mareen goboladii ay isla curiyeen Jumhuuriyada Soomaaliya ee ka koobnaa 8da gobol maantana la doonayo in laga gudbo 18 kii gobol ee loo gudbo 8 States.

Kama soo sheegeyn karno hagardaamada siyaasadeed ee loo geystay Hiiraan ee waliba iyadoon tii hore laga xaalmarin mar labaad iyo mar sedaxaad leysku dayey sidii magaceeda loo baabin lahaa maadaama uu magaca Hiiraan bulsahda Soomaaliyeed dhexdeeda ku leeyahay qiimo badan si ay meesha uga baxdo jiilka soo korayana si aysan u baran inta siyaasi ee gobolkaas ka soo baxday iyo waliba muhiimada uu u leeyahay bulshada Hiiraan.

Hadaan soo koobno dhacdooyinkii ugu danbeyey iyo sida looga hortagay.

1-Xiligii dowladii uu garwadeenka ka ahaa Cabdirashiid Cali Sharma'arke waxaa miiska la soo saaray qorshe Hiiraan lagu kala qeybinayo si loo kala raaciyo Mudug iyo Banaadir maadaama ay ka imaanayeen waqtigaas siyaasiyiin culcul gobolkuna ahaa gobol ku yaala xudunta wadanka mar kale ayaan qoraal dheer kaka hadli doonaa sidii looga hortagay arintaas ineysan dhicin.

2- Waxaa ku soo xigay dowladii Kacaanka iyadu arintaas kuma dhiiran maadaama ay ka warheysay in au xukumadii Cabdirashiid Cali Sharma'arke ku guul dareysatay iney Hiiraan magac ahaan u baabiso waxey ku dadashay dowladii Kacaanka iney badiso goboladii kale Hiiraana ka reebto kana dhigtay 17 gobol halka Hiiraan ug adhigtay isagoo kaligiis ah 18 gobol.

3- Beelasta oo Soomaaliyeed markii ay waxoogaa awood isbido ayuu damac ka gala sidii ay Hiiraan u qabsan laheyd sidaasi daraadeed beesha Abgaal oo uu horkacayey Marxuum Maxmed Dheere ayna dhaqaalo ahaan kabayeen beesha uu ka dhashay oo markaas deked macmal aheyd oo la yiraahdo ceel macaan iyagoo qabiil ah iska maamulan jiray iyo garoonka Cisiley halkaasina dhaqaalo ka helay ayaa yiri waa in aan Hiiraan ilaa Sh/dhexe isku daraa kana dhigaa hal maamul isagoo garab ka helaya qaar reer Hiiraan ah meeshii ay ku danbeysay arintaas hada micno ma sameyneyso inaan dib ugu soo celino waase la ogaa.

4- Qorshaii Maxamed Dheere markii uu socon waayey waxaa booskiisii bedelay Sheik Shariif oo waxkasta isku ah kuna soo barbaaray xadka Hiiraan iyo Sh/dhexe waxuuna ku soo aqliyeystay amaba maqli jiray dagaalo miyiga ku dhex mari jiray oo beeshi ay la geli jireen kuwa Hiiraan ee xadka la leh,waxuuna isagoo arintaas ku taamaya yiri waa in Hiiraan arinteeda meel la saaro Mudulood hadaad tahini haduu waxkasta sheegay oo uu waxkasta oo awood ah isticmaalay ilaa uu nin dhalinyaro ah ku yiraahdo Hiiraan tag ee la bax magaca Dooxada Shabelle siba aan loo maqlin magacaan dadka ka batbatay ee Hiiraan.

Ugu danbeyn Sheik Shariif waxuu maalintii danbe Ugaaska beesha Xawaadle u soo diray ergo isagoo codsanaya inuu la kulmo Ugaaska iyo waxgaradka beeshaasi waliba waxuu yiri waxaan ku kulmeynaa wadamo nabdoon waxuuna ugu danbeyn kula kulmay dalka Kenya, waxaane hadaladiisa ka mid ahaa hadaan soo koobno nuxurkooda sidan.

"Xawaadlow waligey waan idiin maqli jiray laakinse hadaan reer Hiiraan dhinackasta ka fiiriyey waan soo waayey dad sida aad gobolkaas uga gubaneysaan uga gubanaya oo horumarkiisa doonaya intii aan madaxweynaha ahaana waan arkey qabiilo Hiiraan idiinla degan oo adinka lee idiin eedeynayo laakinse ma arag iyagoo xalka Hiiraan meeshow ka dhaw yahay abaaraya waxaanse idiinka codsanayaa aniga Xawaadle iyo gobolka Hiiraan ma necbi hadane doorasho ayaan doonayaa in aan galo ee Hiiraan waxaan idiinka dhigayaa labo gobol ee markaan Mogdishu tago ayaan dikereeto ka soo saarayaa ee hada kedib bal aanu wada shaqeyno iyo wax la mid ah"

Beesha Xawaadle iyagu maba ku mashquulin reer Hiiraan-ka kale waxa uu Sheikh Shariif ka hadlayana horey ayey u ogaayeen waayo waligood indhahooda ma saarin xili uu wadanka intaan ka wanaagsanaa aqoontii uu doono ha lahaado mid maadi ah iyo mid diineed shaqsi reer Hiiraanka kale ah amaba beel aan Xawaadle aheyn oo inta shirta tiraahda waxaas iyo waxaas uma rabno gobolkeena oo mowqif cadla yimaada waayo dhul waxuu xanuun ku hayaa ninka u dhinta hamigii Sheikh Shariifna ma suuroobin waxuuna xafiiska ka tagay isagoo wali ku riyoonaya in maalin aan maanta aheyn la heli doono shaqsi kale oo ka soo jeeda beesha Abgaal oo howsha dhameystira.

Hadaba maanta halkey wax marayaan?

Waxgarad iyo siyaasiyiin uu horboodayo Cali Maxmed Geedi waxey maalmahii tagay magaalada Mogdishu ku hayeen isla ruwaayadii ay horey ugu fashilmeen dowladahii ka horeyey waxeyna miiska soo saareen qodobadan.

a) Waxey yiraahdeen xili ay la kulmayeen shaqsiyaad ka soo jeeda beesha Xawaadle iyagoo waliba shirkaas-ka hor madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhashay Hiiraan kana dheregsan marxaladahii kala duwanaa ee ay Hiiraan soo martay u tusinaya in ay beesha Abgaal meel cidlo ah ku soo dhaceyso amaba aysan taagnaan Karin hadeysan helin Hiiraan iyo Xawaadle sidaasi daraadeedna ay arintaas ku dhici karto in Sh/dhexe iyo Hiiraan la mideeyo.

Sidoo kale waxey goobta ka cadeeyeen in uusan jirin wax qabad ah oo ay ka filayaan reer Hiiraan-ka kale arintaasi oo meel ka dhac ku ah reer Hiiraan ka kale in sidaas loo bahdilo isbedelada siyaasadeed ee dalka ka soo muuqdane iyagaa isku dhigay ilaa Daraawiish ilaa maanta ayaa Hiiraan siyaabo kala duwan loo difaacayey in lagu tilmaamo bulsho aan waxbo dhaamin alaabta Hiiraan taalo oo sidaas loo bahdilo waxaa sabab u ah qofka amaba qoom jiro waxaa lagu qiimeeyaa meesha ay caruurtiisu wax ku baranayaan inuu mustaqbalkooda ilaashado sidaasi daraadeed Soomaalida aan reer Hiiraan-ka aheyn waxey leeyahiin war hadii beelahaan dhulkiina degenaan lahaayeen sidan uunbey u dhaqmi lahaayeen wana mida keentay in la yiraahdo kuwaas waxbo maahan marna dhinaca kale la yiraahdo iska ilaaliya beesha Xawaadle, LAXKASTA MEESHII AY ISDHIGTO AYAA LAGU GOWRACAA.

Hadaba Abgaal waxey taagan yahiin Xawaadlow aan isku darno Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaan idiin kala shaqeyneynaa sidii aad hogaanka dalka ula wareegi laheydeen 2016-ka iyo waxii ka danbeeya iyo wax la mid ah laakins ilaa hada reer Hiiraan ma arkaan Soomaali leh Hiiraan waii ku dhacay waanu ka xunahay hada ayaan wada raadineynaa inagoo wada jirna.

Hadaba maxaad kala socotaa xaqiiqada dhabta ah ee Hiiraan taalo iyo go'aanka miiska u saran?

Reer Hiiraan warkooda waa cad yahay iyadoo aan la bahdileyn dhamaantood oo qofkaan waa reer hebel la laheyn siyaasada wadanka iyo arimaha federalka waxey u wajihi doonaan siwada jir ah waxaana habeenkii xaley ahaa oo tagay ah qabiil, koox, madaxweyne, r/wasaare iyo wax la mid ah in aysan reer Hiiraan ku qasbi doonin wax aysan rabin talaabo kasta oo la qaadayana waxey noqon doontaa mid ay reer Hiiraan u dhan yahiin.

Waa wax wanaagsan in la soo dhaweeyo wanaag ay kula jeceshahay beel Soomaaliyeed laakinse marka laga hadlayo mustaqbal ka dhaxeya bulsho reer Hiiraan oo kale ah xalkiisu waa sida ay cuqaasha Hiiraan iyo inta taariikhda gobolka Hiiraan taqaano u yaalo.

Waxeyna noqon doonta sidan,.Soomaaliyey federal maad rabtaan meel ku soo sheega goboladii Hiiraan la midka ahaa iyo shacabka Hiiraan oo loo fasiro waxa uu yahay federal kedibna u codeeyaan cidii mudadaas ka hor dooneysa iney maamul goboleed sii smaeysato reer Hiiraan wey ka daba imaanayaan howshooda ha wataano ayaa Soomaali hortaalo.

Waxaa kale oon xog ku heynaa in aysan dhaceyn dhicina doonin xitaa hadii la yiraahdo Sh/dhexe ayaa Hiiraan lagu darayaa magaca Hiiraan ayaane sidiisa loo heysanayaa waa in horta Hiiraan sidii goboladii kale laga dhigaa dhawr gobol ileen dadku caruur maahan Sh/dhexe waa qeyb laga jaray gobolka Banaadir isku miisaan iyo isku maqaamne maahane hadii kale beesha Abgaal oon iyaduba aan hal dhinac wax iskula wadin waa iney dadka aan Abgaalka aheyn ee Sh/dhexe degan iyadoo ixtiraameyso oo la soo tashatay si Soomaalinimo ah taariikhda Hiiraan iyagoon iska indhatireyn ruwaayada intey joojiyaan ha dhahaano qabiil Abgaal la yiraahdo ayaan nala dhahaa maadaama aan wadanka mudo xilalka ugu sareeya ka soo qabanay hantidii qarankana aan siyaabo kala duwan u dhacnay Hiiraan ayaan dooneynaa inaan xoogo ku qabsano inta uu joogo Xasan Sheikh waa leydiin sugaa ee soo dhawaada waxaad doontaan mediyaha ka sheega Hiiraan waa Hiiraan xaqa ka maqan ilaa meel laga soo saarana afka Soomaalida fidno wadayaasha ah iyo kuwa sadbursiga u bartay lagula hadlo dadnimadeedii waa leeyahiin ayaa ka mid ahaa hadal kooban oo aanu mid ka mid ah waxgaradka Hiiraan caawa ka qabanay.

Isagoo sii hadlaya waxuu yiri waqtigii dowladaan kalsooni kala laabanay la dhihi jiray hada ma joogto ilaa aan aragno Soomaali xalaal ah oo ka damqada waxii gobolka Hiiraan lagu sameeyey ee looga reebay goboladii kale inta ka horeysa Dhulka Hiiraan meesha aw dalka kaka yaalo Soomaali wey taqaanaa fowdafdaane dadkeedu wax kuma raadiyaan bad baado Hiiraan ka weyn ayey u socdaan oo dal Soomaaliya la yiraahdo ayaa ka maqan waxaana lagu heli karaa wanaaga oo leys faro ayuuna hadalkiisa ku soo gabo gabeeyey.

Waa in la kala saaro danaha gaarka ah ee ka dhaxeyn kara labo qabiil sida Xawaadle iyo Abagaal oo hadii la leeyahay madaxwynaha Soomaaliya ayaa labadaas beel ka soo jeedo si gaar ah ha uga tashadeen dhinaca horumarka iyo deris kuwada noolaanshaha waa wax macquul ah oo dad walaalo ah oo muslin ah ka dhaxeeya markasta in wanaaga leysku kaalmeysto laakinse musqbalka Hiiraan waa ka weyn yahay sida ay dad badan u moodaan waa hadal heynta ugu badan ee Hiiraan taala.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.72 seconds
14,934,170 unique visits