Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 1
JimHet

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Soomaalidu waxey yiraahdaan god sired ha qodin hadaad qodana ha dheereyn ku dhici doontaane lama ogee.

Waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda degaanada Puntland ayaa qiray ineysan iyagu ka soo horjeedin maamul loo helo gobolada dhexe ee Soomaaliya laakins ay walwal ka muujinayaan mustaqbalka isha kaliya ee Puntland ka hesho dhaqaalaha oo ah dekeda Bosaaso in ay xiranto maadama hadii gobolada dhexe maamul loo sameyo ay adkaaneyso in uu sii jiro ganacsiga ay hada Puntland dhaqalaha ka hesho.

Arintaani waxey muujineysaa in ay Puntland waligeed ku faraxsaneyd sidii ay shacabka gobolada dhexe uGu sii jirilahaayeen qalalaasaha siyaasadeed uuna hada walwal xoogan kaka imaanaya dadka gobolada dhexe ee aayahooda ka tashanaya.

Dhinaca kale waxgarad ka soo jeeda Mudug iyo Galgaduud ayaa iyaguna qiray in ay Puntland ka wal waleyso dekeda Hobyo oo dib loo howlgeliyo canshuur badana ay mustaqbalka ka helaan shacabka degaankaas hadii ay helaan maamul goboleed alna mideeyo maskaxda dadka degan Galkacyo, Cadaado iyo Dhuusa-Mareeb oo mudo uuka dhex taaganaa isfahmi waa aan la aqoon meesha uu salka ku hayo laakinse hada la ogaaday iney u kala qoqobnaayeen arimo siyaasadeed ay qeybweyn ku laheyd Puntland oo iyagu danahooda ilaashanaya siyaasadooduna ay ku dhisan tahay aniga kaliya aan noolaado koofurna waligeed sidaas ha ahaato iyo wax la mid ah.

Nin dhalinyaro ah oo magaciisa ku shegay Burhaan ayaa yiri" Puntland dhaqaalaheedu waxey ku tiirsanayeen ganacsiga gobolada dhexe oo soo mari jiray Bosaaso in Hobyo lafurona in maamul loo helo gobolada dhexena waxey ka xigaan dhimasho waayo waxey ogyahiin halka ay dalka Soomaaliya kaka taalo dekeda Hobyo" ayuuna hadalkiisa ku soo koobay.

Isku soo duuboo waxaad moodaa inta jiritaanka Puntland ku xirnaa ranshadaha ka taagan gobolada dhexe oo sii socda waxeyna reer Puntland aaminsan yahiin in dadka Mudug iyo Galgaduud ku nool ilaa boqor Cali Yusuf ilaa laga soo gaaro Cabdulaahi Yusuf ay ku shaqeyn jireen waligood siyaasad qeybo oo xukun ah siiba beesha Habargidir lana kala ilaalin jiray iney ka arinsadaan mustaqbalkooda taasi oo ugu danbeyn beeshaasi ka dhigtay kuwo aan is maqal uan kala jaban maamul yar yar oo aan dhaafsiisneyn dhawr KM midkasna uu madaxweyne sheegto walina dhagartii reer Puntland wax iska bedelay malahan waxii ka danbeeyey in uu shir ka dhacayo magaalada Cadaado maamul goboleedna loo sameynayo Mudug iyo Galgaduud reer Puntalnd sidii uu u fashilmi lahaa ayey ku dadalayaan waayo shaqsi ka so jeeda beesha Habargidir wey ku adag tahay inuu qeyb ka mid ah beesha Majeerteen u siticmaalo iney Puntladn burburiyaan si ay shacabkooda u qaxaan amaba degaankoodu u noqdo mid colaadeed laakinse beesha Majeerteen hada ka hor wey u sahlaneyd iney isticmaalaan qeyb beesha Habargidir ka mid ah oo degaanadooda inta hub soo qata dadkooda barakiciya amaba inta ay dhawr qofood dilaan sidaas colaad ku bilaaba.

Laakinse Soomaali badankeed inta dooneysa in dalkaan xal loo helo waxey leeyahiin Habargidir hadeysanintey Soomaaliweyn iyo beelo kaleba meel iska dhigin oo aysan iyagu bal marka hore ku heshiin shirka Cadaado isna cafin kedibna ka howlgelin sidii ay dadkooda ugu heli lahaayeen maamul gobolada Mudug iyo Galagduud kedibna aysan dib u howlgelin dekeda Hobyo oo meel wanaagsan ku taalo wey adkaan doontaa inba jiritaankooda dib danbe loo maqlo waana sidaas arimaha hada Soomaaliya ka socda ee beeshaani ku soo fool leh ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Dhuuso-Mareeb.


La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,568,995 unique visits