Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
agrohimgkm

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Cabdiraxmaan Xoosh Jirbiil oo ah xildhibaan ka soo jeeda deegaanada Puntland islamar ahaantaasna horey u soo noqday wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya ayaa taageeray maamul cusub oo loo dhiso gobolada dhexe.

Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Cabdiwali Gaas oo ah madaxweynaha Puntland iyo Ximin iyo Xeeb ay kamid ahaayeen dhinacyadii soo billaabay heshiiskaas, ayna haatan tahay inay taageeraan maamulka loo dhisayo gobolada dhexe.

C/raxmaan Xoosh Jirbiil ayaa yiri” Xanta Ha La Iska Dhaafo, Ha La Raaco Maamulka Gobolada Dhexe Ee Curtay”. hadalka Cabdiraxmaan Xoosh ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya qorshahii uu Cabdiweli Gaas kaka codsaday xildhibaanada ka soo jeeda Puntland iney ku soo galaan 15 maalmood gudahood.

Xildhibaan Xoosh oo marka laga soo tago degaanada Puntland oo uu ka soo jeedo hadane waxuu si dhab ah xog ogaal ugu yahay hadafka iyo fikirka shacabka beesha uu ka soo jeedo meesha uu u badan yahay kuwaasi oo intooda badan u arka maamulka Puntland mid laga bad badiyey laakinse aan waxbo dhaamin maamulada ka jira dalka intiisa kale marka laga reebo maamulka Juba oo uu waqtigii kumeel gaarka ahaa ee ay dowlada fedralka ugu talko gashay ka dhamaaday laguna tilmaami Karin inuu yahay maamul jira marka laga reebo magaalada Ksimaayo oo ay ka taliyaan amaba gacanta ku hayaan kooxda Raaskaambooni iyo ciidamada Kenya, hadane Puntland waxaa l arumeysan yahay ineysan wax badan ka duwaneyn maamulada dalka ka jiro.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.25 seconds
14,580,940 unique visits