Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
inesme69

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu dalka Soomaaliya ka gudbi doono nidaamkii goboleedyada loona gudbayo nidaamka federalka beelaha Soomaaliyeed badankood waxaa ku dhacay jahwareer siyaasadeed laakinse marka laga hadlayo reer Hiiraan wax badan waa lagu dhiiran waayey maadaama bulshada Hiiraan dhinackasta lagala dagaalay lagana reebay goboladii la midka ahaa oo aysan u harin dhib kale iyo lugooyo.

Hadanaase u soo laabano bulshada Hiiraan waxaa meesha ka baxday siyaasadahii ay inta ay qol mugdi ah koox isku soo xirto bulshada ula imaan jireen qaar reer Hiiraanka ka mid ah taasi markii danbe dhib badan dadka ka soo gaartay.

Hiiraan xiliyadii dagalada sokeeye waxey soo martay colaado badan oo siyaabo kala duwan loogu barakiciyey bulshada waxaana dhamaan mushkiladahaas qeyb ka ahaa qaar ka mid ah reer hiiraan oo iyagu markasta mashruuc ay rag kale ka soo shaqeeyeen marka sidii la rabo laga yeelo loo soo dhiibo kedibna ugu danbeyn dhibta ugu badan iyagii ka soo gaaro.

1994 waxaa Hiiraan dagaal ku soo qaaday General Ceydiid waxaana horkacayey shaqsiyaad ka soo jeeda beesha Xawaadle oo aanu ka xusi karno Cilmi Sharma'arke, Khaliif Cadaawe, Xusen Cabdulle Calasow, Cilmi Faarax Nuur ( Webi) iyo rag kale oo badan ugu danbeyn ragaan dhamaantood hada ifka ma joogaan waxaa ka nool tiro yar oo aan caaqibo iyo karaamad ku dhax laheyn bulshadooda xitaa hadii ay waqti fog ka soo wareegatay qabsashadii Hiiraan.

Ragan waxey iskugu jireen shaqsiyaad general Ceydiid Xidid la ahaa laakinse magaca uun Xawaadle ka ahaa oo siyaasadaha Hiiraan lagu bur burinayey damiirkooda wuu u diidayey iney ka hadlaan iyo kuwo la qalday oo waxa socda run mooday. ninkii ugu roonaa ee markii Hiiraan la qabsaday dalka Kenya u qaxay waxuu noqday Cilmi Faarax Webi waxaana mar danbe la weydiiyey sida ay ka noqotay isaga iyo ragii ay siyaasada kuwada jireen waxaana ay ugu danbeyn jawaabtiisu noqotay " waxaanu ciyaarnay qamaar waana nalooga bediyey(Raayey)"

Hadaba qabsashadii Hiiraan waxaa lagu dilay aqoonyahano aanu ka xusi karno Eng Cade Cabdi Daahir, Eng Xaambe, Dr Maxamed Xasan Ganey, oo dharaar cad la waray bartamaha magaalada Bulo Burde dhibta baaxadaas leh ee lagu gumaaday bulshada ilaa maanta waxii dhintay maahane kuwii ka soo haray beesha Xawaadle lama xisaabtamin.

La xisaabtan la'aantaas waxey hadane keentay iney Hiiraan yimaadaan ururkii Xizbul Islaam oo ay wadaan nin la yiraahdo Maxamed Weheliye oo arinta u wakiishay nin ay Xizbul islaam dhaheen waa gudoomiyaha Xizbul ISlaam oo lagu magacaabi jiray Shuuriye ugu danbeyna waxaa magaalada Baraawe inta god u qoday ku dilay Shabaab dhawr bilood ka hor iyagoo ka qabtay tuulada Halgan oo Hiiraan ka mid ah.

Markasta oo ay qeyb beesha Xawaadle ka mid ah dhulka Hiiraan keenaan mushkilad meel kale laga soo abaabulay waxaa ka dhiidhin jiray kuwo kale oo damiir leh dhamaantoodna waa laga wada hortagay.

Hadaba si uusan mar danbe qof Xawaadle ah oo ka qeybqaato arimo wax loogu dhimayo magaca Hiiraan iyo bulshada deegaankaas degan waxey inta badan beesha Xawaadle wacad ku martay in ay gacan bir ah iskaka qaban doonaan si aan mar danbe qaar iyaga ka mid ah inta loo soo dhiibo siyaasado ayka soo shaqeeyeen beelo kale Hiiraan lagu baabiyo.

Ugu danbeyn tan iyo markii uu damcay Sheikh Shariif inuu Hiiraan hoos geeyo isagoo doonaya inuu isticmaalo 3 nin oo markaas ay labona ahaayeen Xildhibaano midna ahaa ninka dhalinyarada ah ee la baxay Dooxada Shabelle iney arintaas ka tanaasulaan wax sahlan ma aheyn marka la eego balanqaadka maaliyadeed ee markaas loo sheegay maadaama uusan qiimo ugu fadhiyin xiligaas dhibta iyo magac xumida reer Hiiraan ka soo gaareysoo Jowhar in Hiiraan la hoosgeeyo hadane waxaa lagu guuleystay in lag ahortago.

Waxaan dhawaan u soo bandhigi doonaa Video muuqaal ah oo aanu ka soo duubnay Xildhibaan Qoono iyo Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka soo jeeda beesha Xawaadle .

1- Maxamed Xasan Qoono waa Xawaadle waxuu ka soo jeedaa Jufada Cabdalle Samatalis waana nin Xusen Moxamed Ah.

2- Ibraahim Xabeeb Nuur waa Xawaadle Dige Samatalis, Agoon Cabdalle waxuuna ka sii yahay Irab.

Labadan nin waxa aanu bulshada Hiiraan ugu soo bandhignay xiligii Sheikh Shariif uu madaxweynaha ahaa waxey ka soo dhoofeen Mogdishu iyagoona u yimid waxgarad beesha Xawaadle waxey sheegeen iney doonayan iney la kulmaan beesha iyagoo laga dhegersan yahay iney u socdeen sidii Hiiraan iyo tuulada Jowhar loo mideyn lahaa.

Shir ayaa loo qabatay waxaana lagu guuleystay in dhamaan Video muuqaal ah laga duubo si caruurta mustaqbalka dhalan doonto oo reer Hiiraanka ah loo tusiyo hadii qorshahooda inta uu hirgalo ay dad badan naftooda ku waayaan waayo xiligaas beesha Sheikh Shariif ka dhashay waxaa ka goneyd in mar uun la yiraahdo Hiiraan iyo Jowhar ayaa leysku daray maalinta ku xigtana magaalada Belet Weyne ciidan iyo hub lagu qabsado sidaasna loo gumaado Xawaadlaha amaba reer Hiiraanka lagu ogyahay damiirka.

Hadaba inta aanan muuqaalkaas Videow-ka ah bulshada hiiraan u soo bandhigin waxaanu wax ka qoreyno waa dad nool markii ay shirka ka hadleen waxey soo jeediyeen in Hiiraan iyo Sh/dhexe leysku daro waxaana loogu jawaabay wax kale oo aad noo sheegi laheyd ma heysaan Xawaadlaha marka uu runta isku sheegayo wey ka duwan tahay marka kale markiiay xaalada arkeen hadaladii Xildhibaan qoono waxaa ka mid ahaa.

Xawaadlow raali ahaada ilaahey hadaan ka cabsado Mogdishu dad idiin jecel kuma soo arkin Abgaal idiinma rabyo reer hebelna kadaran. shirka waxaa fadhiyey dhalinayro qurbaha ka tagtay oo aanana waligood dagaalkii Soomaaliy aiyo colaadii arag amaba iyagoo yar ka soo tagay wax kale lama yaabine waxey la yaabeen ninka hortooda taagan sida uu u hadlayo iyo magaca uu wado oola leeyahay mudane baarlamaan weyna qaracmeen waxuuna mid dhalinyaradiika mid ha yiri Soomaalida kale almiina mana dhaamaan oo dad kuwan ka wanaagsan baarlamaank ama ugu jiraan oo dalalka deriska iyo aduunyada la xisaabtami kara hadii dalkooda dhib loogeeno ka hadla.

Dhalinyarada dalka Soomaaliya ayaaba u sawirmay sida uu dhibta ugu bixi doono ninkaan xildhibaanka ah ee ku qabiilka ah weyba iska iloobeen.waxaa markaas kedib hadalkii qaatay Ibraahim Xabeeb waxuuna yiri maanta kedib ikuma ogidiin in aan arintaas ka hadlo laakinse waxaan xawaadlow idiinka codsanayaa hadiiba ay dhacdo in Hiiraan la hoosgeeyo Jowhar hadaad aniga ika diideen uusanberito imaan shaqsi kale oo laga yeelo markuu sidaas uhadlayo waa mar ay indhahiisa ilmo ka timid oo si aan horey loo arag loo bahdilay dhawr sanoo kedibna maanta??????.

Waxaan bulshada Hiiraan u soo bandhigeynaa muuqaalka Videow-kaas si mustaqbalka loowaayo shaqsi hada kedib bulshada Hiiraan si sahlan ugu ciyaara mustaqbalkooda waliba waxaan Videowgaas ku soo aadin doonaa waqti munaasib ah.

Hadaba iyadoo waxaasi oo dhan horey loo soo maray kooxkastaba markii ay siyaasado qariban bulshada Hiiraan ula yimaadaan marka waxgarad iyo aqoonyahano lagu bartilmaameedsado waxey u barteen iney bulshada sidii hore u dhax joogaan taasina meelo badan oo dalka ka mid ah iyo beelo kale oo Soomaaliyeed wa macquul in ayhada kedib ka dhacaab laakisne Hiiraaan waxey ka dhici doonaan iyadoo ugu ayraan kuwa falkaas ku kacayo bulshada lag ayaqaano.

Sikasta oo ay ahaataba waxaa dhawaan dhalinyaro reer Hiiraan ah oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ku guuleysteen inkasta uu waqti badan ka galay shaqsiyaad ay ka mid yahiin wasiirka arimaha gudaha Cabdullaahi Godax Bare, gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo hada ku sugan dalka Masar iyo Ex- Xildhibaan Xabeed in ay .......... ujeedada laga lahaa arintaane dhalinyaradan iskama sameyn howsha iyaga wey ka weyn tahay kamana hordhaceyno hada.

Waxaan bulshada Hiiraan u soo bandhigidoonaa waxkasta oo waayadii hore la qarqarin jiray si ugu yaraan hadii uu dhib ku dhacayo umada uu ku dhaco iyagoo ka warqaba.

isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


La soco wararkeenada danbe

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.48 seconds
14,600,238 unique visits