Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Kooxda Shabaab waxaanu iska deynay in aanu ka hadalno ficiladooda maadaama ay hada shacabka Soomaaliyeed siiba kuwooda ka soo jeeda koofurta oo ah goobaha uu dadkooda barakiciyo hogaamiya Shabaab halka ay nabdoon tahay degaanada uu ka soo jeedo ay hada ku kaceen ficiladiisa guracan.

Hadane marka xaalada dhinaca kale laga eego ururka Shabaab ee hada la maqlo waxuu go'doomiyey magaalooyin waaweyn waxaana gaajo ugu dhamaaday shacab badan iyo goob hebel ayuu dagaal ku qaaday iyo wax la mid ah waxaasi oo dhan waa borobagaando ee ma jirto Shabaab mideysan oo ciidamo ah waxaana hada dagaalka ka wada koofurta Godane iyo dhawr shaqsi oo iyagu dadkooda danbiyo culus ka galay oo aan dib danbe iskugu aamineyn iney bulshada soo dhexgalaan sida Afhayeen Cali Dheere oo isagu ku qasaban inuu meel kula dhinto Godane maadama Godane dadkiisa dhibta ka ilaaliyey Cali Dheerase jihaadka intuu run mooday sidaas dadka koofurta ku xasuuqay.

Hadaba maxaad kala socotaa qaabka ay ugodoomiyaan magaalooyinka laga saaray Shabaabku?

Shabaab awood laga baqo oo ay dadka ugu hanjabaan oo muuqato ma jirto waxeysa ku guuleysteen iyagoo ka faaideysanaya dowladan oo aan dooneyn iney dalka ka saarto kaliyana ku soo aruurtay is difaac awadeed ayey kooxda Shabaab ku guuleysteen iney telefono iyagoo ku sugan magaalada Baraawe horjoogayaal kooxda ka tirsan ay wacaan dhamaan milkiilayaasha gawaarida xamuulka ee ka shaqeya gobolada dalka una sheegeen ineysan aadi Karin goobaha laga saaro aysana badecooyin amaba raashin geyn garin.

Sidoo kale gawaaridaas ay la hadalayaan waxaa ku jira gawaari ay leeyahiin isla kooxda Shabaab kuwaasi oo ay wakiil uga yahiin dad Soomaali ah gawaaridaas oo iyagu markii hore ahaa kuwa kaliya ee si toos ah habeen iyo maalin uga shaqeyn jiray degaanada ay Shabaab maamusho kedibna garaashyo Mogdishu ku yaala lagu xareeyey inta ay Shabaab ka soo xoogeysaneysana lala sugayo.

Qaar gawaaridaas ka mid ah waxaa maalinkasta kiro looga raadiyaa sidii ay dekeda Mogdishu uga soo daabuli lahaayen badeecada una keeni lahaayeen suuqyada Mogdishu markii ay fursad helaana iskugu qarxin lahaayeen gudaha dekeda marka ay booqanayaan wafuud amaba ay ka soo degaan alaabo muhiim ah oo dowlada loo wado.

Sikastaba hadaad maqasho Shabaab ayaa magaalo godoomiyey waxaana gaajo ugu dhintay shacab badan godoonka aad maqashaan waa midkaas aan ka soo sheegeyney nin Baraawe Joogo telefon uu diray ayaa amarkiisa la qaadanayaa waxaa meesha kamaqan kalsoonidii lagu qabi lahaa dowlada oo gaadiidka gobolada aada damaanad qaadi laheyd amaba inta isku aruuriso badeecada u ilaalin laheyd inta ay ka gaaraan goobta ay u wadaan taasina hada ma muuqato.

Dowladu waxey car carar bilaabi doontaa marka ay shacabku masiibada si xoogan ugu dhacdo waxaana hada macluul aad u daran ay ka jirtaa magaalooyinka Bulo Burde, CeelBuur, Garbahaareey, Xudur oo ay dhamaantooda Shabaab telefon ay direen ku godoomiyeen.

Hadaanse dagaalka ku heysta Bulo Burde iyo tuulooyinka ku xeeran kooxda Shabaab si waadax ah u iftiimino Shabaab uma socdaan iney dib danbe u qabsadaan Bulo Burde waxey dagaaladan iskaka mashquulinayaa sidii aysan uga xirmi laheyn Buuntada kaliya ee u furan maanta ee ay ilaa Ciidamada ka dagalama Ceelbuur ilaa kuwa ku sugan Baraawe iskaka gudbaan oo hada ah marinka kaliya ee u haray tan iyo sidii looga qabsaday Bulo Burde waa Buuntada Jalalaqsi hadey ka xirmato mar danbe lama maqli doono afhayeenka Al Shabaab ayaa Ceelbuur iyo dhinaca xeebta ka dagaalamaya ciidan a ku soo dukada Baraawe.

Hadaba Shabaab waxey lumiyeen tuulooyin badan oo ay ka heli jireen dhaqaalo kedib markii ay dadka degaanka isku dhaceen waxaana dhaman laga saaray Tuulooyinka Jameeco Shiin, Afcad, Jameeco Mubaarak dhinacaas bari ee degmada Jalalaqsi wadad a ka timaada Shabaab waa ugu dhamaatay hada waayo waxaa lagula dagaalaa xeelado ay iyagu horey u isticmaali jireen.

Tusaale dadka tuulooyinka degan waxey dhawr dhalinyaro dhigaan tuulada meelaha laga soo galo laakinse ciidamada xoogooda waxey kala joogaan duleedka tuulada marka ay Shabaab dagaalka soo qaado amaba la maqlo iney degaanka soogaleen ayaa meelkasta looga keenaa iskaba daa iney dadka tuulooyinka weydiiyaan dhaqaalo baad ah oo ay ugu yeraan Sako.

Dhamaan ciidamadii Shabaab ee inta badan tuulooyinkaas laga saaray waxey u kala carareen amaba dib ugu laabteen Tuulada Halgan oo iyadu magaalada Bulo Burde u jirta 41KM dhinaca waqooyi halka kuwo kalena ay afka saareen degmada Jalalaqsi.

Isku soo duuboo weerarkii ay habeenkii xaleyto ahaa ku qaadeen Bulo Burde dhamaan intii dagaalka soo qaatay waxaa ka bad baaday tiro yar waayo Shabaab waayadii hore waxey dagaaladooda guushoodu ku xirneyd dadka magaalada oo la shaqeyn jiray hada arintaas waa gabaabsi oo markey dagaalka ku jabaan xitaa dhaawacoodu ma helo gurmad taasi bedlkeedana goobta ay ku jiraan ayaa loogu tagaa lamana maqlo Shabaab Dhawaac ah ayaa lagu dabiibayaa halkaas meeshii loogu tago ayaa lagu dilaa oo iyaga iyo ciidamada dowlada arkagti ayaa ka dhaxeysa.

Shabaab dagaal ay Bulo Burde iyo magaalo kale ku qabsan karaan ma jirto maanta laakisne waxey hada ka tahay buuntada Jalalaqsi yeysan idiinka xirmin.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,581,532 unique visits