Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inta aanan u gudagelin xaqiiqada iyo mustabalka siyaasadeed ee Hiiraan amaba caruurta Hiiraan halka uu ku daneyn doono oo uu garanayo Allaah SW kaliya, hadane waxaa muhiim ah in aanu dulmar kooban ku sameyno dib u dhaca Hiiraan oo ah hooyadii qaranimada Soomaaliya ku dhacay laga soo bilaabo tan iyo 1979-kii oo aheydey markii si bareer ah goboladii ay isla dhiseen Jamhuurida Soomaaliya ee 8da ahaa dhamaantood laga dhigay 17 gobol halka Hiiraan oo la waaye cid u hadasha ilaa maanta bulshadooda aan leysweydiin waxa siyaasad ahaan loola dagaalamayo gobolkaan.

Hadaba wey sahlan tahay marka afka laga leeyahay gobolka Hiiraan waxaa lala galay dagaal siyaasadeed muuqda laakinse waxeysan reer Hiiraan badan waligood isweydiin dib u dhaca sanadahii ugu danbeeyey ku habsaday bulshada yaa sabab u ahaa? Ma dad reer Hiiraan kor uga yimid? Ma wax magarato reer Hiiraan ah oo la soo adeegsaday? Ma qabiilo aan waligood mustaqbalka iyo difaaca Hiiraan wiil uga dhiman laakiinse wax badan ku dheelayaa? Mise dhibta dhan waxuu ka yimid hal beel oo la yiraahdo Xawaadle?.

Hadaan kala qaadno mushkilada Hiiraan iyo dib u dhaca ugu weyn halka uu ka yimid waa sidan.

1-Marka afka lagu qurxinayo bulshada Hiiraan waxey ka turjumeysaa dhamaan reer Hiiraan sida ay u dhan yahiin laakinse bil xaqiiqo hada kedib waa macquul in la arko reer Hiiraan hadaf leh hayeeshee marka laga reebo beesha Xawaadle wali uma dhalan Hiiraan wiil ka naxa oo magacaan quruxda badan aqli iyo aqoon ku difaaca amaba beel reer Hiiraan ah oo hadaf iyo aragti fog leh waxeyna badankood ku soo aruureen xumaanta beesha Xawaadle oo ilaahey qadaray iney iyadu noqoto beesha ugu badan ee Hiiraan degan marka laga hadlayo tirada mushtamaca amaba bulshada Hiiraan.

Kedib markii reer Hiiraan-ka kale ee aan aheyn Xawaadlaha la arkey ineysan xal kale heynin oo aysan xitaa jiritaanka Hiiraan difaaceyn ayaa waxey Soomaalidii kale ka dhaadhiciyeen in Hiiraan lagu gumeysto si ay dad jiro u noqdaane ay diidaan waxkasta oo ay keenaan qaar beesha Xawaadle ka mid ah xitaa hadii uu fikirkaas yahay mid lagu gaarayo msutaqbal iyo horumar.

Fikirkaasne waxaa qaatay hal iyo labo beelood kuwa kalena iyagaas ayeyba ka sii hooseeyaan oo ama waa dad quustay amaba waa dad uusan xanuun ku heyn Hiiraan iyo horumarkiisa oo hadii nabad la helana dhinacooda kaka noolaanaya hadii nabad la waayana dhinacooda ka qaxaya.

Laakinse marka reer Hiiraan-ka kale laga soo tago Hiiraan waxaa meesha ay maanta taalo dhigay xumaan iyo samaan beesha Xawaadle sidey doonaan iyaga dhexdooda haba u sii kala darnaadaane?

Tusaale.

Hiiraan wiil aan Xawaadle aheyn kuma dhinto marka laga hadlayo difaaceeda wallow ay sanadahii ugu danbeyey ay beesha Jajeele qaateen go,aan ka duwan reer Hiiraan-ka kale oo ay dhinacooda difaaca kaka jireen tan iyo markii ay dalka ka curteen midowkii maxkamadaha Islaamiga ee markii danbe isku bedelay Alqacida iyo Shabaab.

Beesha Xawaadle 23 kii sano ee ugu danbeyey marka laga reebo iney Hiiraan difaacaan marxalad kasta oo la soo maray hadane inta ay Soomaalida kale ka dileen waxaa sedax u jibaar ka badan inta ay iyaga dhexdooda is shirqooleen amaba is barakiciyeen, dagaalkasta oo Hiiraan ka dhacay 1990 ilaa maanta magacaad doonto u bixi tiradii ay doonto haku dhimato waxaa masuul ka ahaa qaar beeshaasi ka mid ah oo markasta cadow u soo horkaca Hiiraan kedibna markii dad badan lagu dilo amaba bulshada barakacaan sidaas kuwo kale oo iyaga ka mid ah hubka u qaataan markii ay ku guuleystaan dagaalkaas leysma weydiiyo sideen ku helnaa nidaam iyo kala danbeyn waxaa arinta meesheeda ilaa Hiiraan oo aanu naqaano taariikhdiisa siyaasadeed uu maanta noqdo gobol leysku dhiidhibo oo lala haweysto ilaa ay qaarkeen ku dhiiradaan in la hoos geeyo Jowhar oo horey looga jaray Banaadir maba xuma in Jowhar lagu daro leysma weydiinayo maxaa Hiiraan qeyrkeed ka reebay Jowhar ha inoo danbeysee iyo wax la mid ah.

Kaba soo tag taas waxaad isweydiisaa Yaa Hiiraan SNA ku hogaamiyey ma reer Hiiraan kale mise qaar beesha Xawaadle ka soo jeeda? si loo dilo aqoonyahanada, iyo dadka indhaha u ah bulshada?
Yaa Hiiraan geeyey Maxkamadahii Islaamiga ma reer Hiiraan-ka kale mise Beesha Xawaadle rag ka mid ah? si loo ugaarsado aqoonyahanada iyo macalimiinta dugsiyada sida Prof Daud Xasan Cali iyo saraakiishii amaba nabadoonadii kale?Yaa Hiiraan geeyey Xizbul Islaam ma reer Hiiraan-ka kale mise qeyb beesha Xawaadle ka mid ah si loo dilo Nabadoon Dacar Xersi Xooshoow iyo nabadoonadii ka danbeeyey?

Yaa Hiiraan keenay Dooxashada Shabelle oo la doonayey in lagu tir tiro magaca qiimaha badan ee Hiiraan ma reer Hiiraan-ka kale mise qaar beesha Xawaadle ka mid ah? waxii dad la dilay mudadii ay jirtay jabhada Dooxada Shabelle yaa loo heystaa dadkii la dilay ma reer Hiiraan mise waxaa masuuliyadeeda qaadayo shaqsiyaadkii magacaas loo soo dhiibay?Yaa masuul ka ahaa qaraxyadii Hiiraan ka dhacay siiba kii Jun/18/2009 ee lagu qaarajiyey Col Cumar Xaanshi Aadan Amb Laqanyo ma Soomaali kale mise qaar ka mid ah beesha Xawaadle?

Soomaali kale wey ku jiraan laakinse dadka fuliyey oo wax ka ogaa waa Xawaadle sida gudoomiyahii xiligaas jiray iyo intii la shaqeyneysay waana Xawaadle dadkaas , laakinse si dadka wax magaratada ah loo qaldo afkana looga ilaaliyo Xawaadlaa ka danbeeyey waxaa bulshada lagu mashquulinayaa wiil yar oo ay Shabaab soo bandhigeen muuqaalkiisa laguna sheegay inuu ka soo jeeday beesha Gaaljecel iyo wax la mid ah oo laga yaabo inuu isagaas xitaa dhibane ahaa oo la daroogeeyey?

Isku soo duuboo dhibaatada siyaasadeed,dib u dhac iyo waliba qalalaasaha Hiiraan ka taagnaa waayadii danbe magacaad doonto u bixi waxaa si toos ah iyo si dadban uga masuul ahaa beesha Xawaadle oo iyadu waayadii danbe ka mid aheyd beelaha aan isxisaabin inta aysan la xisaabtamin beelaha kale ee ay ood-wadaaga yahiin.

Dhibaatada reer Hiiraan ka kale waa sahlan tahay waa hal cudur cudurkaasne waa Xawaadle naceyb ma jirto iyaga hadaf iyo mustaqbal gooyni ah oo hada ka hor meel u yiilay hada kedibse waa macquul iney la jaanqaadaan siyaasadaha dalka ku soo wajahan. waxaa macquul ah iney reer Hiiraan ka kale isleeyahiin gobolkaan waxaa wax ka noqda oo kaliya beesha Xawaadle bil xaqiiqo Xawaadle oo dhan Hiiraan madax kama noqon karo inta fowdadaan lagu jiro waxaa Hiiraan madax ka noqon kara oo kaliya shaqsi ka soo jeeda beesha Cali Madaxweyne oo kaliya.

Jufadaan Cali Madaxweyne xumaan kama ahan laakinse wacyiga lagu jiro aawadeed ciidamada Hiiraan ee aad maqashaan ee la leeyahay waa Xawaadle 90% waa iyaga waxaana ka go'an saqiir iyo kabiir tiro yar oo iyagaas ka mid ah maahane intooda badan, intaba fowdadaan lagu jiro intii uu aqoonyahan beesha Xawaadle ka soo jeeda hogaanka u qaban lahaa reer Hiiraan in ay ka doorbidayaan wiil yar oo jaahil ah oo iyaga ka soo jeeda inuu Hiiraan hogaamiyo.

Marka marba hadii uusan Xawaadle oodhan Hiiraan wax ka noqon Karin reer Hiiraanka kalena ay iyagaas ka sii xageeyaan oo aysan Hiiraan wax kanoqon Karin xalka waa in reer Hiiraanimo loo maareeyo siyaasada Hiiraan si qabiilkasta wasaqda hoostooda dhex taalo ee aanla dooneyn in laga gudbo amaba laga hadlo loo helo daawadeeda.


Xaqiiqada arintaas uma baahnid in halkaan laguugu soo bandhigo hadaad tahay reer Hiiraan laakinse intaad meel fadhiisato waxaad isweydiisaa maxaa loo diiday maamulkii Hiiraan State ee ay curiyeen qurbajoogta beesha Xawaadle ujeedadiisuna aheyd si loo bedelo siyaasadaha Hiiraan ka jira qofkana mustaqbalka lagu doorto reer Hiiraanimo, wallow ay arintaas reer Hiiraan-ka kale la garan waayeen oo ay gogol tiilay dhawr bilood dalka Kenya qarash badana ku baxay ugu danbeyn waxaa maamulkaas hor istaagay wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo C/Fataax Xasan Afrax waxii waxgarad iyo qurbajoog maamulkaas juhdi galiyeena waxuu ka soo qaaday wax aan jirin.

C/fataax maanta markii uu reer Hiiraan waqti badan ka lumiyey maamulkii ugu macquulsanaane diiday inuu la shaqeeyo isagiina wax wadi waayey maanta ugu daneyn maamulka uu gudoomiyaha ka yahay waxuu u yeertay dhalinyaradii wax ka curiyey dhismahii Hiiraan State maadaama ay daacad u badnaayeen.

Hadaan sii qeexno C/fitaax qudhiisa waxaa sii fashiliyey labo nin oo walaalo ahaa midna yahay wasiirka arimaha gudaha Cabdullaahi Godax iyo nin walaalkiis ah oo ku noolaa Dalka Qatar lana yiraahdo Muxumed Godax Bare waxey iskaka dhigeen iney la shaqeynayaan laakinse ujeedadoodu waxey aheyd iney Dooxada Shabelle ku burburiyaan kaliya Hiiraan State weyna u meel martay oo waa kuwa markii ay dhalinyaradii Dooxada Shabelle magaalda Belet Weyne qabsadeen Cabdulaahi Godax oo markaas ahaa wasiirka Qorsheynta kala daadiyey Dooxada Shabelle.

Maantadan la joogo kama hordhaceyno labadaas walaalo waxey mar kale doonayaan iney ninkaas dhalinyarada ah hadane qar dheer ka tuuraan ha u maleyn gudoomiyaha Hiiraan inuu noqdo inuu isagu doorto mr Afrax waa laga shaqeeyey danta hada laga leeyahay ayaana ka weyn midii laga lahaa xiligii Hiiraan State.Waayo Cabdulaahi Godax Bare oo aanu dhalashadiisa runta ah dhawaan soo bandhigi doono haduu Abgaal yahay iyo hadii uu Xaskul Hawiye yahayba waxuu doonayaa inuu madax ka noqdo Hiiraan kama hordhaceyno hada arintaas arimaha ay ku heshiiyeen siyaasiyiin aan reer Hiiraan aheyn iyo isaga.

Ujeedada ugu weyn ee aanu qormadaan ugu soo bandhignay Soomaaliweyn siiba reer Hiiraan ayaa ah bal sida leys kaka dabawareegayo kooxda siyaasada Hiiraan ku guuleysan doonto 10-ka sanoe inagu soo aadan.Kooda Siyaasada Hiiraan ku guuleysan doonta cidey doonto haka soo jeedo waxey noqon doontaa kuwa la soo shirtegi doono qodobadan.

1-Horta Hiiraan maxaa ka reebay goboladii kale siyaasadaha kale hanoo danbeeyaane oo reer Hiiraanimo u hadasha.2-Mustaqbalka caruurta Hiiraan xaguu ka dhaw yahay mushkilada dalka Soomaaliweyn ayaan ula simanahaye.3-Magaca Hiiraan waa lama taabtaan iyo maamulka ugu wanaagsan oo ah reer Hiiraan oo kaligood noqda maamul goboleed maadaama uu dalka noqon doono 7 State sida Somaliland oo goboladii waqooyi ahaa. Puntland oo gobolkii Bari ahaa. Mudug iyo Galbaduud oo gobolkii Mudug ahaa. Hiiraan oo Hiiraan u taagani.Banaadir, J/ Sare oo Kofur Galbeed ka dhigan. J/hoose oo Juba State ka dhigan.

4- Ka shaqeeyaan sidii ay Hiiraan uga dhici laheyd shirweyne dhamaan leyskugu keenayo dad ehelka u ah aqoonta maadiga ah iyo mida diineed si loo abaaro xalka meesha uu ka dhaw yahay qofka amaba madaxda reer Hiiraan hogaamin doonana u maraan doorasho xor ah si uu shaqsigaas unoqod mid ay bulshadu la xisaabtami karto mustaqbalka hadiiuu wax ku dheelo amaba inta uu xafiiska joogo ay dad badan ku dhintaan maamulkiisa.Hadaba waftiga manta gaaray Belet Weyne waa bilaaw fiican qofkasta oo uu damac kujirana waa inuu talada iyo siyaasadaha uu aaminsan yahay la tago bulshada dhexdooda ee maahan in banaanka laga qeyliyo dadkana la jahwareeriyo waxaana dhawaan sugi doonaa kaalinta qurbajoogta, siyaasiyiintii hore iyo kuwii danbe iyo waliba qurbajoogta reer Hiiraan oo kalintooda ka qaataan dadaalada lagu bad baadinayo mustaqbalka caruurta Hiiraan iyo jiritaankooda.

Waxaan Bulshada hiiraan u balanqaadeynaa si loo bad baadiyo mustaqbalka caruurta iyo dumar Hiiraan ee u baahan nidaam iyo kala danbeyn, adeegyada bulshada oo wax laga qabto sida caafimaadka, waxbarashada iyo waliba dhismaha wadooyinka iyo xarumaha maamulka si ay bulsahu uga faa'ideystaan qeyraadka dabiiciga ah ee uu gobolku leeyahay sida beeraha, shidaalka, macdanta iyo waxii la mid ah.shaqsikasta oo reer Hiiraan ah waxaa muhiimah inuu kumashquulo meesha ya guusha ka dhaw tahay not inuu farta ku fiiqo xumaanta qof kale amaba beel kale.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.28 seconds
14,579,757 unique visits