Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Hadii ay Soomaali badan u moodaan in ay jiritaanka shacabka Sool iyo Sanaag amaba beesha Dhulbahante dagaal kula jiraan maamulka Soomaaliland oo kaliya hadaba xalku sidaa maahan dhib aan Puntland aheyn shacabkaas ma qabaan.

Inkasta oo ay siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Majeerteen si hoose ugu hambalyeeyeen madaxweynaha Khatumo Cali Khalif hadane markaad dhinaca kale xaalada ka eegto waa kaaf iyo kala dheeri.

Maamulka Puntland tan iyo markii ay soo baxday in uu degaanada Puntland imaan doono wakiilka qaramada midoobay ayna aad ugu baahdeen degaano badan amaba gobolo badan oo ay aduunyada u sheegaan in ay Puntland maamusho ayaa waxaa hada jira qorshe odoyaal amaba Isimo looga soo daabulayo degaanada Sool iyo Sanaag si wakiil-ka qaramada Midoobay ay ugu sheegaan iney degaanadaas wakiil ka tahay siyaasad ahaan Puntland.

Dabcan siyaasada Puntland taalo maanta ma ahan mid fadhisa waxey ku dadaalayaan maadaama ay shacabka Khaatumo doorteen siyaasiga Cali Khalif Galeydh sidii ay saxada siyaaasada Soomaaliya uga saari lahaayeen waxii Sool iyo Sanaag ku saabsana looga danbeeyo beesha Majeerteen si ay doorashada soo socota 2016-ka ugu yaraan u helaan korkortan siyaasadeed.

Puntland siyaasadeeda Sool iyo Sanaag waa mid cad ma doonayaan siyaasi miisaan culus oo ka soo jeeda beesha Dhulmahante inuu mustaqbalka halkaas ka soo baxo waayo beesha Majeerteen sidey u dhan yahiin wadaad, aqoonyahan, siyaasi sargaal amaba ganacsade waxey aad u ogaadeen jaaniska ay mar kale Soomaaliweyn shaqsi beeshaasi ka soo jeeda ku hogaamin karo iney aad u yartahay ayna hada kedib ku dadaali doonaan sidii ay shacabka Sool iyo Sanaag loogu qancin lahaa iney yahiin dad ka soo jeeda beesha Daarood ayna muhiim tahay in ay Puntland ku biiraan iyo wax la mid ah.

Hadaadse si fiican u dhuuxdo siyaasada madaxda Puntland waa aniga kaliya aan noolaado Sool iyo Sanaagne shacabkoodu waa la heystayaal.

Hadaba ma yara hagardaamada iyo siyaasada isbed bedelka badan oo maamulka Khaatumo uga imaan doonta Puntland mustaqbalka dhaw ugu danbeyna shacabka Sool iyo Sanaag marka ay xaqiiqada arkaan iyagaa la imaan doono siyaasado ay Soomaaliland wax kula qeybsanayaan marka la gaaro in ay Soomaalidu wax u qeybsato koofur iyo waqooyi.

Siyaasada C/Weli Gaas uu Cali Khalif uu doonayo inuu ku soo xero galiyo waa in ay Puntland dooneyso in loo hadlo Khaatumo iyo Puntland sidii labo maamul laakinse arintaas waa mid la doonayo in Cali Khalif lagu soo xero galiyo, waayo siyaasiyiinta Puntland amaba beesha Majeerteen waxaa ka dhaadhacsan in ay iyagu sabab u ahaayeen in Cali Khalif maamulkaas loo doorto xili uu dhawaan odoyaal ka soo jeeda jufada Cumar Maxamud uu kula kulmay Mudug xili ay Soomaaliland Cali Khalif ka soo ceyriyeen magaalada Taleex oo uu shir ka socday.

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo sida ay Puntland u dooneyso in ay qaramada midoobay uga dhaadhciso iney iyadu wakiil ka tahay maamulka Khatumo amaba shacabka Sool iyo Sanaagoo ay dhalasho ahaan uga dhaw yahiin Soomaaliland sida ay ku doodayaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,569,618 unique visits