Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Mid ka mid ah xubnahii G55 ee ahaa ururkii curiyey dhismahii Hiiraan State ka hadlay arimo badan.

Wararka Maanta Hiiraan State waxey tusaale fiican u noqotay shacabka Hiiraan waxeyna in badan oo bulshada reer Hiiraanka tirsan u horseeday iney wax uun sameysan karan. Hiiraan State waxey suuro galisay in muwaadiniin badan oo reer Hiiraan ah amaba Somaliyeed ku hamiyaan ineyba wax dhisan karaan.

Hadaba waxaa maanta aragtitiisa ku wajahan Hiiran State iyo halka ay wax umarayaan maanta codkiisa ku biirinaya mid ka mid ah xubnahii G55 ee suuro galiyey in ay shacabka reer Hiiraan iskugu yimaadaan kulan weyne ka dhacay dalkaasi Kenya oo mudo ay gogoshisa dhigeen qaar ka mid ah qurbo joogta reer Hiiraan oo uu xubin ka ahaa. Hasan Kaafi ayaa ku nuux nuux saday in HS ay wax badan u qabsoomeen inta dhimana ay la kaashan doonto shacabweynaha reer Hiiraan iyadoo waxkasta ku saleyneysa rabitaanka shacabka iyo qadarinta waxgaradka reer Hiiraan.

Hiiraan State waa nidaam ku yimid rabitaanka shacabka Hiiraan ula jeedadooduna ay ahayd in ay ka soo shaqeeyaan midaynta reer Hiiraan dabadeedna marka midnimadaa ayada ah la helo maamul loo wada dhan yahay reer Hiiraan ay dhistaan. ilaahay fadligii ula jeedooyinkii halgankaas asaga ah ee loo aas aasay uruka G55 oo mudada dhowrka sano ah la waday maskax iyo maal badana lagaliyay caqabado fara badan lagala soo kulmay anigoo ka mid ahaa xubnihii ka qayb galay shirkii London sidoo kale waxaan ka qayb galay shirkii Nairobi ee gogosha loogu dhigey reer Hiiraan kana soo wada qayb galaan si maamul ay ayagu raali ka yihiin halkaa ugu dhistaan.

ugu danbayntii shirar badan kedib wuxuu ilaahay fududeeyay in reer Hiiraan dhisteen dowlad goboleedka Hiiraan State waxay sidoo kale doorteen madaxwayne iyo madaxweyne ku xigeen dadaalkiina waa sii laba jibaarmay madaxweynihii la doortayna wuxuu bilaabay in uu waajibaadkiisa shaqo uu
guto runtii madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab wuxuu muujiyay dadaal badan oo dhinaca diblamaasiyada u badan iyo sidoo kale raadinta iyo midaynta reer Hiiraan wax ka qabashada abaaraha ku habsaday reer Hiiraan ilaa uu noqdo hogaamiyahii ugu horeeyey ee aduunweynaha ka codsada in shacbaka Hiiraan hawada looga daadiyo cunto qalalan kedibna ay gurmad deg deg ah bilaabeen jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha si ay shacabka walaalahooda u kaalmeeyaan iyagoo fulinaya codsigii ka yimid madaxweynahooda.

Madaxweynaha HS waxuu guda galay dhismaha golihiisa xukuumada
waana ku amaanayaa dadaalkaas dhinacyada badan leh ee uu sameeyay madax weyne Maxamuud Cabdi Gaab . Hasan kaafi ayaa codsi guud u jeediyey shacabka Hiiraan meelkasta oo ay joogaan waxuuna yiri.waxaan dhamaan reer Hiiraan ka codsanayaa in ay taageeraan maamulkooda Hiiraan State oo runtii aan dhihi karo waa maamulkii ugu horeeyay ee rabitaanka reer Hiiraan ku yimid waa suura gal in dhaliilo uu maamulku yeesho wax walbo oo uu bani aadam sameeyona boqolkiiba boqol sax ma wada noqon karaan oo naaqus waa yeelanayaan
laakiin waa bilaaw aad u wanaagsan una baahan in reer Hiiraan ay garbaha qabtaan oo ayagu gaar siiyaan meel sare.
Hiiraan State waa isha kaliya ee reer Hiiraan u soo bidhaantay waxaa loo baahan yahay walaalaha wax saluugsan in ay tanaasulaad sameeyaan maxaa yeelay danta gaarka ah waxaa ka muhiimsan danta guud danta guud marka aan wada helnona danta gaarka ah iyadaa imaanayso.

Hasan Kaafi ayaa yiri waxaan la dafari karin dadaalada isdaba jooga ah ay madaxda iyo taageerayaasha Hiiraan State ku baadi goobayaan midaynta fikiradaha kala duwan ee reer Hiiraan, waxeyna shacbiwweynaha reer Hiiraan aad ugu riyaaqeen ama ula dhacsan yihiin sida ay HS ugu dhago nugushahay wax garadka reer Hiiraan meel walbo oo ay joogaan. waxaan leeyayahay dadaalkaas hala laba jibaaro talooyinka iyo firadaha waxgaradkana waa in mudnaanta koowaad la siiyaa saa HS iyagaa leh oo ay rabitaankooda ku timide.




Waxaa ika talo shaqsiyadeed ah ayuu yiri Hasan kaafi qof kasto oo wax saluugsan ha ogaado in ay suuro gal tahay in bari uu madaxweyne HS noqon karo
sidaa daraadeed yaanan ku fikirin maanta oo kaliya ee aan bari fiirino
waxaan amaanayaa inta dadaalka ugu jirto sidii Hiiraan State cagaheeda isugu taagi lahayd cawa iyo maalina u soo jeedo ka mira dhalinta hadafka HS waxaana leeyahay ilaahay ajar badan ha idinka siiyo sababtoo ah wax mishaar idinku siiyo majirto waxaayna qaar badan oo idinka mida u dayaceen danahoodii qaaska ahaa si danta reer Hiiraan loo helo isagoo ku booriyey iney u sabraan dhibaatooyinka dhinac walba leh ee aad la kulantaan.

Inta badan xubnahii G55 ayaa howlahoodii siyaasada faraha kala baxay maadama howshii loo xilsaaray ay ku egeyd raadinta iyo qabashada shirweyne ay reer Hiiraan iskugu imaanayan kaasi oo aaqirkii lagu doortay laguna dhisay madaxda dowlad goboleedka Hiiraan State.inaksta oo ay walito dareensan yahiin ineysan Hiiraan State la wareegin dhulak Hiiraan oo ay walito u baahan tahay gacan dhinackasta leh sida talooyin, dhaqaalo iyowaliba raadinta midnimada reer Hiiraan hadane Hasan kaafi waxuu aaminsan yahay in Hiiraan State mudada ay jirto iyodadaalka ay wado ay tahay kaaf iyo kala dheeri oo waxuuna rajo kamuujiyey in dowlad goboleedka HS ay si weyn u kasban doonaan shacabka Hiiraan maadama ay yahiin maamulka kaliya ee ku howlan isku keenida reer Hiiraan iyagoo walib adiyaar u ah in hadii iayag loo tanaasuli waayo ay iyagu noqon doonaan kuwa tanaasula iyagoo u daneynayo shacabka Hiiraan iyo kuwo Somaliya oo maalinkasta ay dhibatooyin ay sabab u yahiin talo xumo ka timid qaar reer ka mid ah ay hdibaato kaka soo gaarto colaadaha dalka ka jira.

Ugu danbeyn Hasan Moh'ed Ibraahim(Hasan Kaafi) ayaa guud ahaan shacabka reer Hiiraan, Somaliyaweynba u rajeyey horumar iyo barwaaqo ay hsacabku mahadiyaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,605,614 unique visits