Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Kedib markii la xaqiijiyey inuusan hortaageyn gudoonka baarlamaanka hadii ay la xisaabtamayaan amaba xasanada ka qaadayaan RW Somaliya Cabdiweli Sheikh ayaa waxaa hada gudaha Soomaaliya ku heysta CAbdiweli Sheikh labo daran mid dooro oo ah inuu sameeyo isku shaandheyn uusan kala tashan madaxweynaha iyo inuu si is xilqaam ah xilkaan iskaka casilo inta aysan mudanayaasahu u yeerin.

RW Cabdiweli oo sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan dhawaan waxgarad ka soo jeeda beesha Sade Mareexaan kula kulmay wadamo ka mid ah qaarada Yurub waxuu u sheewgay in ay adag tahay inuu xilkaan sii heyn doono sidaasi daraadeed waxuu kula dardaarmay in ay u midoobaan shirka ka socda Gedo maadaama sida uu sheegay ay adkaan doonto in uu ruux isaga ka danbeeya oo beeshaan ka soo jeeda noqon doono RW Soomaaliyeed aadna ay arintaas u adag tahay.

Inkasta oo ay wax iska caadi ah tahay mudanayaal baarlamaan oo marka hore reysul wasaarayaashii ugu danbeeyey iskaka dhigi jiray iney ku siyaasad yahiin marka ay masraxa keenaane codka kalsoonida kala laaban jiray ayaa hadane waxaa magaalada Mogdishu ka jiro howlo dardartooda leh oo looga soo horjeedo RW Cabdiweli kuna wajahan xilka qaadistiisa arintaan oo durbaba leysla dhaxmarayo shaqsigii bedeli lahaa oo gudaha dalka ku sugan halka warar kalena ay sheegayaan inuuba ka dhax imaan doono golahiisa wasiirada dhexdooda.

Wararka kale Garoonka magaalada Galkacyo oo albaabada leyskugu dhuftay

Magaalada Galkacyo ayaa waxaa hada ka jira xiisad kacsanaan ah kedib markii dhinackasta looga rakibay gantaalo lidka diyaaradaha ah waxeyna wararku sheegayaan inuu si rasmi ah GAroonkaas albaabada iskugu dhuftay Col Cabdi Qeybdiid diyaaradahii garoonka Galkacyo ka soo degi jiraya ayaa u kala jiheystay magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe.Col Cabdi Qeybdiid ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu gebi ahaanba dagaal kula wareegayo magaalada Galkacyo oo sida lagu soo waramayo dhinaca ay Puntland maamusho oo uu ku yiilay garoonka lagu dhibaateeyo shacabka Galmudug sidaasina ay ugu wacan tahay in uu albaabada iskugu dhufto Colonal Cabdi Qeybdiid.

Dhinacaas iyo Gobolka Hiiraan maxaa ka socda

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo lagu tiriyo shaqsiyaadka bulshada Hiiraan la haray wakiilna uga ahaa Hiiraan iyo bulshadooda sidii loo dhibateyn lahaa Sheikh Shariif xiligii uu madaxweynaha ahaa ilaa maanta ayaa ugu danbeyn wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya ilo lagu kalsoonaan karo swaxey sheegayaan in dhawaan xilka gudoomiyanimada oo markii horeba ahaa kumeel gaar ayna waqtigii loohgu talo galay ka harsan tahy 10 maalmood lagu sameyn doono xil ka qaadis iyo waliba hub ka dhigis.

Kama hordhaceyno qaabka hubka looga dhigayo iyo waqriga xilka laga qaadayo waxaase muhiim ah inuu mudo ka qoomameyn doono sidii uu bulshada u lugooyey tan iyo markii uu ku biiray siyaasada jaantaa roganta ah ee Soomaaliya. dabcan wali wey qoyana tahay dhacdadii ugu weyneyd ee uu Hiiraan ka sameeyey xili ay dhalinyaradii reer Hiiraan dagaal uga saaereen kooxo magacyo diimeed huwan magaalada Belet Weyne in uu Sheikh Shariif lacag u soo dhiibay kuna yiri orod soo kala daadi ciidamadaas kedibna inta horey u soo kaxeystay nin lagu magacaabo Gaagaale oo ka soo jeeda jufada Agoon Cabdalle kana sii ah Ciise Jabriil iyo isaga ka soo dageen garoonka magaalada Galkacyo sidaasina ciidamadii ku kala fur fureeen kedibna isla maalintii Mogdishu dib ugu laabteen malo kedibna sidaas kooxahii magaalada laga saaray dib ugu qabsadeen mudona bulshada dadka indhaha u ah ugu gunmaadayeen magaalada Belet Weyne ilaa dhulak miyiga ah.

Cabdifataax Xasan Afrax oo ka soo jeeda Jufada Cali MAdaxweyne kana sii ah Nuur Samatar waxuu meelba maalin soo joogo talooyin badan oo ay u soo jeediyeen dad waxgal ah oo iskugu jiray reer Hiiraan iyo waliba qurbajoogta beesha Xawaadle waxaa dhawaan leyskugu dari doonaa xilka qaadis iyo hub ka dhigis sidaas ayuuna ku weyn doonaa barta koobtaroolka ah ee Kalbaeyr ee ay dhaqaalaha badan ka helaan isaga iyo saraakiil Ethiopian ah.

Gudoomiye CAbdifataax oo dhawaan dad ay qaraabo yahiin ugu sheegeeyey inuu Dubai ka soo iibsaday gawaarida dagaalka nooca loo yaqaano Toyota Hilux qaarkoodna ay Hiiraan gaareen kuwana ay jidka ku soo jiraan uguma talo galin sidii ay gawaaridaas u sugi lahaayeen amaanka amaba ay reer Hiiraan u heli lahaayeen maamuil goboleed u gaar ah iyaga laakinse waxuu ugu talo galay sidii uu Hiiraan ugu sameysan lahaa dhawr barood oo uu canshuuraha ku qaado kedib markii uu heshiis la galay qaar ka mid ah saraakiisha Ethiopia ee Hiiraan ku sugan meelaha ay doonayaan iney isbaarooyinn dhigtaane waxaa ka mid ah Xadka Hiiraan iyo Bakool siiba magaalada Tiyeegloow, Xadka Hiiraan iyo Shabelaha dhexe, Kalbeyrka oo ay hada maamulaan oo ay doonayaan iney canshuurtaq laga qaado shacabka halkaas ku safro kordhiyaan iyo ugu danbeyn buuntada magaalada Bulo Burde.

Sikasta oo ay ahaataba waxaa sidan oo kale hubka dhigis ay dowlada ugu sameysay qabqablayaal amaba hogaamiye kooxeed ay ka mid ahaayeen Gudoomiyahii degmada Wadajir Ahmed Daaci iyo Cabdiwaal waxuuna Cabdifataax Xasan Afrax noqonayaa qabqablahii dagaalka ee ugu horeyey ee gudaha Hiiraan looga dhigo hubka uu heysto oo aan ka turjumeyn maslaxada bulshada Hiiraan.

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo hubka dhigista iyo xilka qaadista lagu wado in lagu sameeyo gudoomiyaha dada yar ee horey u mucaaraday waxkasta oo wanaag ahaa ee ay reer Hiiraan ku haminayeen xili uu dhawaan banaanbaxyo waaweyn kala kulmay kedib markii uu xaraash ku bilaabay dhismayaashii danyta guud ee ku yiilay magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan ninkasat oo reer Hiiraan dhibo sidan ayaa u danbeyn doonta waxuuna maalmaha soo socda bilaabi doonaa inuu la soo xiriiro qurbajoogta oo uu horey xitaa telefono ay u direen uga jawaabi waayey isagoo........

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,585,971 unique visits