Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 154,204
· Newest Member: shjitovaolia

Welcome

HS:-

ThemesHS:- Soomaalidu waxey ku maah maahdaa Maroodi waxaa loo cadaabaa ficil la,aan, waxaa kale oo ay yiraahdaan ilaahow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.

Inkasta oo sida muuqata ay Hiiraan ugu dhamaatay iney sidii hore ugu noolaadaan qoysas wadaado ahaa oo la baxay Faqo Cumar iyo Faqo Muxumed kuna abtirsada beesha Direed marka aan dib u eegnay xaqiiqada Hiiraan taalo iyo sida ay wiilasha iskaka laaynayaan iyagoo hadba magacii ay doonaan ku dagaal gala ilaa ay soo wataan dhalinyaradii ilaalada u ahaa Ahmed Godane ee Magaalada Baraawe laga soo ceyriyey iyo kuwo dhawrkii sano ee ina dhaaftay dagaalo sidan oo kale ugu waday Tuulada Xeeraale iyagoo maalinba qabiil ku duulayey qabiilada Mareexaan iyo Habargidir hadana tuulada Deefoow oo Hiiraan ka tirsan ka wada dagaalo.

Hadaba bal aan dulmarno sida ay dagaaladii ay Biyo Mayaal ka wadeen Sh/hoose iyo kuwa ay hada kooxdaan ka wadaan Hiiraan u kala duwan yahiin.

Beesha Direed kuwooda ku nool koofurta Soomaaliya waxaad moodaa in hada siweyn looga nacay koofurta Soomaaliya kedib markii ay qaateen siyaasado qatartooda leh oo ay ku taageeri jireen hogaamiyahii Shabaab ee geeriyooday iyo hadalo aan mediyaha dhaafsiisneyn ee uu afka uun ka sheegi jiray Feysal Cali Waraabe oo uu Dirta koofurta leeyahay Dirta waqooyi gurmad hala gaaraano kuwa Koofureed sidaasna inta run moodeen colaad aan loo baahneyn ka bilaabay Sh/hoose iyagoo leh Habargidir haka guurto iyo wax la mid ah. sidoo kale waxey dagaalo aan loo aabo yeelin gobolka Galgaduud kula galeen beelaha Mareexaan iyo Habargidir.

Hadaba markaad dagaaladaas iyo midka ay hada Hiiraan ka wadaan isbarbar dhigto midka Hiiraan ka socda siweyn ayuu uga duwan yahay kuwaas markad eegto sida ay halkii dagaal oo ay soo qaadaan ugu dhamaanayaan iyo isdabaqabasho la,aanta kooxda Deefoow dagaalka ku soo qaadayso haysato.

Tusaale.


Dhawrkii dagaal ee ugu danbeeyey qaabka ay ugu dhamaadeen waxuu i qarso noqonayaa midka hada ku wajahan marka waqtigiisa la gaaro.dagaaladii hore waxey ugu yaraan heysteen marka ay jabaan meel ay ku baxsadaan siiba dhinaca galbeed ee wabiga Shabeele hada arintaas waxaad moodaa iney meesha ka baxday inagoo qaabka dhamaan wadooyinkaas loo xiray iyo sida meelkasta ciidamo loo dhigay qoraaladeena danbe ku soo qaadan doono.

Dagaalka hada socdo kii ka horeyey waxaa loo baneeyey meelo badan oo ay ka soo duuli karaan hal xabadna laguma rido ilaa ay ku soo aruuraan Deefoow iyo nawaaxigeeda marka ay soo buux dhaafiyaan lana ogaado iney dhawr boqol soo noqdeen meelkastana iskaka yimideen ayaa habeen madow dukum daakum lagu sii yaa meeshooda.Arinta kale ee yaabkeeda leh hubka hada lagula dagaalayo waa kuwii looga furtay dagaaladii hore.


Xagey siyaasada kooxda ka dagaalameyso tuulada Deefow ka qaldan tahay?.


Hada sida muuqata Deefoow waa ugu dhamaatay waxeyna doonayaan iney xoog kula wareegaan tuulooyinka Farlibaax iyo dhulka ku hareeeysan iyagoo iska dhaadhiciyey in ay awood ciidan kula wareegi karaan dhulkaas hadii ay garab ciidan sida ay Dirta ku nool Xeeraale uga heleen uga helaan kuwa ku nool Tuulada Boolgaras kana tirsan gobolka Gedo Gaadsanta degta maadaama ay jirto wado isku xirta Farlibaax, Quracjoome ilaa Boolgaras.

Hadaba wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno deegaanada ay dagaaladu ka socdaan hadaan nuxurka soo koobno nimanka Deefoow dagaalka ka wada waxey ku socdaan hadeysan helin waxgarad u aqli celiya sidii waxii ku dhacay qoladii la dhihi jiray Gaalgalaha oo sidey boqolaal sano u dhax deganaayeen beesha Abgaal aaqirkii sagaashameeyadii qaatay siyaasado qatarteeda leh ugu danbeyna ay ku waayeen shacab badan iyo dhukii ay waligood ku noolaayeen.

Hadaba xagey ku danbeeyeen Biyamaalkii Sh/hoose dagaalada ka waday ee lahaa Habargidiraan ka saareynaa gobolkaas iyo kuwii Mareexaan iyo Habargidir kula dagaalmayey Galgaduud?

Biyamaal dagaalkoodii waxuu istaagay geeridii Godane iyagoo socda oo heshiis dalbanayo ayeyna Habargidir u yimideen Sh/hoosena maanta 95% magacaad doonto u bixi waxaa maamula amaba ka taliya si toos ah amaba si dadban beesha Habargidir waliba iyagoo caruurtooda iyod umarkooda wato ayaa loo baneeyey dhulka Hiiraan iyagoo u socda Sh/hoose habeenkastana waxey dhib la,aan ka talaabaan Buuntada Liiqliiqato ee magaalada Belet Weyne waayo beesha Xawaadle ayaa dib u dhigtay dhamaan waxii qilaaf ah oo Habargidir iyo iyada horey u dhax maray Dirta koofureedna intaas ayey garan la tahay.

Hadaanse soo koobno halka ay ku danbeyn doonaan kooxda Deefoow dagaalka ka wado wiilal badan oo hada nool mustaqbalkooda waa loo yaabaa dagaalkii kan ka horeeyey markii cagta la mariyey oo waxii ay heysteen laga furtay ninkii hogaaminayeyna isagoo dhaawac ah la qabtay waxaa diyaradii looga qaaday Belet Weyne ee Mogdishu lagu geeyey si loo soo daaweeyo bixiyey geber Xawaadle aheyd waayo waa loo wada jeedaa in ay nimankaan qaldan yahiin hadane in aan lagu dayan bal iney is gartaan ayaa arintaas ay gebedhaas u sameysay hadase xaalku sida ay dad badan moodaan wuu ka duwan yahay.

Ma dhici doonto dagaalweyn oo Deefoow iyo nawaaxigeeda ka dhici doona waxaase siweyn loogu guuleystay goobahii ay sahayda u soo mareysay iyo wadooyinkii ay isticmaali jireen in gabi ahaanba dhinaca galbeed ee Hiiraan laga xiray taasi micnaheedu waa inta hada Deefoow dagalka ka wado markii ay jabaan wadada u furan oo ay ku baxsan karaan waa kaliya mida ay joogaan ciidamada dagaalka kula jira.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shaqsiyaad amaba koox Hiiraan rabshado ka wado la godoomiyo waxaana sidan oo kale hada ka hor iyadoon dagaal lagu qaadin Hiiraan iskaka tagay Enjineer Cadow oo ka soo jeeday beesha Ujeejeen kedib markii hogaamiye kooxeedyadii beesha Abgaal ee xiligaasi jiray u arkeen inuu qatar ku yahay uuna ahaa aqoonyahan ayey is tusiyeen iney dilaan kedibna waxey yiraahdeen hadaan Enjineer Cadow Mogdishu ku dilno Ujeejeen iyo Abgaal ayey colaad dhax mareysaa ee Hiiraan la loo diro si uu ugu dhinto gacanta beesha Xawaadle waxuuna Hiiraan yimid isagoo hub wato oo leh canshuur ayaan ka qaadayaa gawaarida mareyso koontaroolka Kalbeyr oo u dhawaa tuulada Jawiil.

Markaas ayaa nabadoonadii beesha Xawaadle ee xiligaas jiray waxey ku taliyeen in aan dagaal lagu qaadin ee wada hadal lagu dayo kedibna wuu ka biyo diiday waxeyna nabadoonadii ku taliyeen in ay gawaarida ka leexdaan tuulada Ceelgaal oo ay wadada ka soo fuulaan tuulada Bacda oo ku taalay duleedka kore ee Jiirta Qabno.

Engineer Cadow markiii uu dhawr bilood joogay ganacsigii kalabeyrna xirmay waayo waxuu ku xirnaa gawaarida wadadaas marta waxuu dib ugu laabtay Mogdishu ugu danbeyna waxuu ku dhintay dagaal ka dhacay halkaas dilkiisana waxuu ugu danbeyn ku soo aruuray beesha Abgaal iney ka danbeysay siiba Sheikh Shariif oo xiriir wanaagsan la lahaa xarakadii Shabaab ee burburtay dhawaan kedib markii uu dhaxda u galay labo ciidan oo ka soo jeeday beesha Abgaal kooxna aheyd Shabaab kuwona sheeganayeen ciidamo dowladeed.

Hadaba Deefoow kooxda ka dagaalameyso markii ay doonayaan iney dagaal soo qaadaan waxey ku qaatataa dhawr bilood laakinse marka la doonayo in laga saaro halkaas abaabulka loo galo saacado ma qaato waayo ciidamada la dagaalamayo ma ahan kuwo laga doonayo meelo kale waa dhalinyaradii deegaanka oo subaxdiina xoolahooda ilaashanaya habeenkiina dagaalamaya waana meeshaas meesha ay kala kulmaan jabka ugu weyn iyo dhimashada badan kooxaha dagaalka ka wada tuulada Deefoow.

Dhawaan waxey Soomaali badan maqli doonaan marka leyskugu keeno galbeedka Hiiraan amaba dhinaca qoraxsinka iyagoo dhul kula dagaalayo beesha Jijeelle markaas ayey dad badan ogaan doonaan Dirta koofurta Soomaaliya kunool in ay wado qaldan ku socoto iyo in kale inta ka horeyso wax badan kama qori doono Deefoow iyo xaaladeeda markaan xaalada dhinackasta ka qiimeynay.

Mid ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa laga soo xigtay isagoo leh Dir xagee amarka ka qabsaday waa kuwa dadkii ay la noolaayeen waligood maalinba qabiil kula dagaalayo Galgaduud, Sh/hoose iyo Hiiraane iyo wax la mid ah....


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
11,972,836 unique visits