Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Schoolada oo ku soo badanayo tuulooyinka Hiiraan

Wararka MaantaSabti 12,Maarso 2011(HSOL)-Jaamacada Hiiraan (HU)oo kor u qaatay muraalka ardeyda ku nool guud ahaan Hiiraan iyo tuulo kasta oo laga hirgalinayo waxbarasho aas aasi ah. hadaba ka bogo tuulada Jiracle iyo mid ka mid ah schooladii ugu danbeyey.

Tuulada Jiracle waxey ka mid tahay tuulooyinka Hiiraan ee ay hada dhismayaal badan laga hirgalinayo. waxaa tuulada laga hirgaliyey sida aad muuqaalka ku aragto masaajid ay ku dukan karaan dadka degaanka iyo waliba safarka mara wadada dheer ee isku xirta Hiiraan iyo gobolada dhexe.

Tuulada waxaa hada dhismahii ku dhamaaday school hoose dhexe oo ay si weyn dhismahiisa ug qeyb qaateen dadka degaanka oo lahaa fikirkii lagu dhisay tuuladaas.ma ahan oo kaliya tuulada Jiracle tuulooyinka ay caruurtoodu heleen school iyo meel ay ku cibaadeystaan laakinse waa tuuladii ugu danbeysay oo hesha amaba laga hirgaliyo masaajid iyo waliba School iyadoo qorshaha dhawna uu yahay sidii ay dadka ku nool u heli lahaayeen ceel ay biyaha ka cabaan. waxaa kale oo jaaliyadaha dibada lagu dhiragalinayaa iney ka qeyb qaataan sidii ay tuulooyinka ay dadkoodu ka soo jeedaan ugu dhisi lahaayeen schoolo iyo masaajidyo maadama aysan wadanka ka jirin dowlad dhexe oo baahidaas dabooli karta.

Qorshahani tuulooyinka looga hirgalinayo schoolada ayaa lagu micneeyey iney aad u dhiiragalisay jaamacada Hiiraan ee dhawaantan laga furay magaalda Belet weyne iyadoo shacabka Hiiraana ay min tuulo ilaa degmo ku fikirayaan sidii ay caruurtoodu ugu heli lahaayeen waxbarasho ilaa heer jaamacadeed ah iyagoo aan meelna ugu bixin Hiiraan.

Marka laga soo tago colaadaha daba dheeraaday ee ka jira meelo badan oo ka mid ah dalka Somaliya oo ay ugu horeyso Hiiraan State hadane dadku waxkasta oo ay nolosha caruurtooda ku hormarin karaan wey isku dayayaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,633,691 unique visits