Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS:-

JournalHS:-Dalka Soomaaliya shaleyto ka hor ma muuqan awooda madaxweynaha waxaana siyaasado fowdo u badan doonayey inuu ku maamulo bulshada RW Cabdiweli.

Siyaasadaha uu doonayey inuu dalka ku maamulo hadaan soo koobno waxey ahaayeen sidan.

1-Waxuu meel iska dhigay maslaxadii guud ee dalka isagoona iska dhaadhiciyey R Wasaarahii adiga kaa horeyey oo ka soo jeeday beesha Mareexaan ayaa ku baxay qilaaf isaga iyo madaxweynaha soo kala dhexgalay sidaasi daraadeed xilka adiga cid kaa qaadi karta ma jirto ee waxaad doonto samee taasina waxey keentay inuu u dhaqmo hogaamiyo qabiil meelna ugu dhaco xilka qaran ee lagu aaminay.

2-In uu Soomaalida kala dilo dibna u abaabulo siyaasado qabiil ku dhisan isagoo qaab qabiil u bartilmaameedsanayo siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood xili uu xilalkii ka qaatay dad aan wadanka denbiyo ka gelin taasi bedelkeediina Police-ka Soomaaliya u dhiibo nin ay isku heyb yahiin kana mid ahaa saraakiishii markii lagu xasuuqay xeebta Jazeera dad badan oo ka soo jeeda gobolada waqooyi ninka hada Police-ka Soomaaliya hor boodayo guryaha ayuu shacabka kala soo bixi jiray taasina waxey maanta keentay in aduunyadii ay hakiyaan qalab la doonayey in lagu hormariyo Police-ka Soomaaliya maadaama uu madax ka tahay nin wadanka danbiyo cul culus ka galay.

3-Waa R Wasaare ku soo barbaaray nidaamkii adeerkiis Maxamed Siyaad ee Digteetarnimada meelaha ay Soomaalidu ku kala warqaado waxey habeenkii xaleyto lahaayeen Siyad Bare Style dalka 2014 amaba qarniga 21aad kama soconeyso iyagoo sheegay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii iyagoo aan iskool dhigan leys kaka tixi jiray jagooyinka ee maareeyaan ahey dhihi jiray, nasiib daro dad badan waxey la yaabayaan taliyaha police-ka oo aan taariikhdiisa ognahay yaa R Wasaare Cabdiweli taariikhdiisa isweeydiiyey ayuu yiri mid ka mid ah musharaxiinta doorashada soo socota isagoona hadalkiisa ku soo koobay wadanku labo madaxweyne iyo labo gudoomiye baarlamaan ma yeelan karo.

4-Qodobkaan waa midka uu taageerada ugu badan ku lumiyey ilaa xitaa qoraal uu maanta beeneeyey oo xafiiskiisa ka soo baxay una diray warbaahinta Soomaalida badankood loo soo daabaci waayo halka qaarkoodna intey soo geliyeen dib ugu saareen waayo dadku caruur maahan waxey doonayaan badankood in ay arkaan dalkoodii oo nabad ah, ma doonayaan In ay wax ka qoraan R Wasaare ay shaqadiisa ku soo aruurtay wasiir hebel xilkaan ka qaadayaa waxuu ku fikir yahay madaxweynaha, sargaal hebel xilka waan ka qaaday waxuu ka soo jeedaa reer hebel iyo wax la mid ah.

5-Xili uu caalamkii isku diyaarinayo inuu maalgashi ku sameysto dalka wadankuna horumar ka sameynayo dhinacyo badan R/Wasaaraha doonaya inuu dalka ku maamulo siyaasado qabiil ku dhisan waa ayo cida hadalkiiisa meel ka soo qaadeysa xitaa xilka uu ku magacaaban yahay inta uu dastuurka u ogol yahay in la baro hada kedib ayuu u baahan tahay.

Hadaba tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu xilalkii xilkii ka wareejiyey wasiirka cadaalada isagoo bartilmaameedsanayo xagey mareysaa siyaasada maanta?

Hadaan nuxurka soo koobno Malaayiin Soomaaliyeed uma cuntamin isku shaandheyntaas xitaa kuwii siyaasada R Wasaaraha taageeri jiray waxey leeyahiin hadii shaqsi lagu bartilmaameedsado masuuliyad qaran micnahu waa qofkii berito dalka madax ka noqda inuu isaguna bartilmaameed ka dhigan doono qabiilka amaba siyaasiinta uu ka soo jeedo hadba shaqsiga bilaaba siyaasadahan aan dalka u rooneyn.

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in ay R Wasaare Cabdiweli xaaladu aad ugu xun tahay shir jaraa'id uu doonayey inuu qabtona ay ka hor istaageen beesha caalamka xili ay maanta howlahoodii shaqo sidoodii u wataan wasiiradii uu sheegay inuu kala bedelay RW una hogaansameen hadalkii madaxweynaha tanina waxey meesha ka saareysaa in uusan hada kedib R/wasaarahu iska sameyo waxii uu doono oo hadii uu doonayo inuu isku shaandheyn golaha wasiirada sameeyo uu marka hore soo maro xafiiska madaxweynaha la tashina kala sameeyo sida ugu haboon islana meel dhigaan hadba sida dalka iyo dadka u roon, talaabada uu madaxweynahu qaaday maalintii shaleyto waxey aheyd mid aad loogu baahnaa ayna soo dhaween malaayiin Soomaaliyeed, waayo hadii aan qaladaadka noocaan ah laga hortegin waxaa imaaneysa in ay berito war ka dhageysan waayaan gudoonka baarlamaanka kuxigeenadiisa iyo mudanayaasha uu hogaamiyo halkaasna uu ku lumo heykalka dowladnimo, waa in ay jirtaa kala daneyn qofkastana lagu ixtiraam xilkiisa.

Sidoo kale waxey meesha ka saareysaa inuu hada kedib RW Cabdiweli muwaadin Soomaaliyeed ku bartilmaameedsado xilka uu ku magacaaban tahay oo aanmarnaba loogu shaqeyn shacaka kaliyana lagu fushado dano gaar ah.

Warar kale oo xaqiiqada u dhaw oo hada na soo gaarayna waxey sheegayaan in dhamaan dib u eegid lagu sameynayo saraakiil badan oo qaab qaldan xilalkii looga qaaday iyo kuwo loo magacaabay.

Dhawaan naga filo qaabka ay xukumada hada jirta saxada siyaasada uga baxeyso iyo fashilka siyaasadeed ee R Wasaare Cabdiweli waxa kaliya ee hada u haray waa inuu war saxaafadeed is dabajoog ah idaacada qaranka iskaka soo qorto xili lagu soo waramayo in uusan jirin wada shaqeyn dhinaca warbaahinta ah oo ka dhaxeysa wasiirka warfaafinta iyo agaasimayaasha idaacada kedib markii ay u adkeysan waayeen siyaasadaha fowdada ku dhisan ee xafiiska R W inta badan uga yimaada.

Isku soo duuboo mudo aan la shaacin ayaa xarunta Villada laga mabnuucay R Wasaaraha inta ay xiisadahan ka degeyaan.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
11,851,796 unique visits