Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:-Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u dhaliilay qaabkii qaldanaa ee uu bartilmaameedka uga dhigtay RW,wasiirka cadaalada Farax Cabdulqaadir. Hadaba xog aruurin aan ka soo diyaarinay Soomaali badan oo xitaa aan horey ula dhacsaneyn siyasaada wasiirka cadaalada oo 24 kii sac ee ugu danbeysay aad u taageerayey iyagoona taageeradaas ku macneeyey amaba ku soo kobay labodan qodob.

1-Waxey sheegeen intii uusan siyaasada Somaliya gelin inuu ahaa shaqsi wax soo baray ardey badan xili ay wadanka iskaka carareen Soomaali badan siiba caasimada Soomaaliya oo uu arday badan wax ku soo baray sidaasi daraadeed qaabka mutaxan ee uu R /wasaarahu u bar tilmaameedsaday kaligiis ayey ka dhiidhinayaan bulshadu aad ayeyna r/wasaaraha iyo masuuliyiinta Puntland oo arintaan kula taliyey r/wasaaraha ugu ceeboobeen siyaasiyan.

2-Wasiirka cadaalada oo ay sheegeen inuusan wadanka qatar ku aheyn waayo ayey leeyahiin hadii uu ka soo jeedi lahaa beelaha hubeysan waxbey ahaan laheyd meesha uu joogo iyo qaabka uu siyassada Soomaaliya ku galayna ma aheyn mid ay beesha uu ka dhashay madaxeeda ku helay kartidiisa ayuu ku helay iyo aqoontiisa sidaasi daraadeed in sidan muuqata leysku bartilmaameedsado xal uma ahan dalka waxeyna shacabku doonayaan in aysan dhicin arinkaan isaga kedib taas ayaana keentay in badan oo ugu yeeri jirtay Farax Toopaz ay maanta ka dhiidhiyaan dulmiga iyo siyasadaha qabiilka ku dhisan ee uu doonayo inuu wadanka ku maamulo RW.

Isku soo duuboo r/wasaare Cabdiweli iyo reer Puntland oo dhinacne isaga ka waalaya dhinaca kalena u cararaya kursiga R/wasaaraha sidii loogu magacaabi lahaa shaqsi ka soo jeeda deegaankaas arinta wasiirka Cadaalada wey ku ceeboobeen waliba madaxweynaha ayaa ka hortagay maahane ujeedadoodu waxey aheyd in xilka qaabkaan qaldan looga qaado wasiirka.

Hadaan soo koobno siyaasada Soomaaliya iyo xukumada hada jirta siiba R/wasaare Cabdiweli uma qalmo inuu masuuliyad sheegto aad ayeyna u adag tahay hadaan indhaha xaanjo leys kaka dhejineyn inuu bulshada Soomaaliyeed siyaasadaha qabiilka ku dhisan inta uu la dhex joogo uusan ka heleyn taageero, sidaasi daraadeed calaf waa gooyni in muwaadin Soomaaliyeed xil qaran iyadoo looga faa'ideysanayo lagu bartilmaameedsado waliba marka arimaha qaarkood la reer magaaleeyo waa wax la gartay oo isku shaandheyn guud la sameeyo ee hebel ma arki karo ar ceebbadanaa siyaasada Soomaaliya ayaa ka mid ahaa aragtida Soomaali badan oo maalintii shaleyto aheyd ku soo waa bariistay labo wasiir ayaa xilka loo kala bedelay.

Hadii maanta dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo naxayo qiimahii la doono haba ku baxee R Wasaare Cabdiweli ama dad aragti fog oo dhinaca siyaasada kala taliya oo wadankaan maslaxadiisa kala sgaqeeya in la helo iyo bulshada laga horleexiyo oo dalka loo helo R /wasaare umada isku wadi karo xal aan aheyn Soomaali badankeed uma muuqdo.

Waan ognahay Soomaali badan runta ma jecla wasiirka cadaalada waa muwaadin Soomaaliyeed cirkana kama imaan in lagu colaadiyo siyaasada wajiyada badan kaligiis ma aqli baa,maxaa ka qaldan RW Cabdiweli iyo la taliyahiisa dhinaca siyaasada Cabdiweli Gaas oo hada horbooda maamulka Puntland?

Maalmaha soo socda Siyaasadaha qariban ee Puntland ka soo yeeri doona iyo fowdada ay RW qaab qabiil ugu raaci doonaan inala daawada Soomaaliyey kedib siyaasada uu RW Cabdiweli ku hayo caasimada Soomaaliya lana doonayo in lagu cuuriyaamiyo horumarka koofurta Soomaaliya ka soo muuqda sida u sii hurin doonaan xaalada iyo hadalo aan xigmad iyo maslaxada umada Soomaaliyeed ka turjumeyn inala arka iyo sidey iyagoo aan kala harin wasiirka cadaalada qaab qabiil ugula dagaali doonaan taas oo uu taaro shacab ku heli doono wasiirka cadaalada.

La soco wararkeena danbe

Isha Warka Hiranstate
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.12 seconds
14,934,458 unique visits