Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Tan iyo markii ay soo baxeen fowdada siyaasadeed ee uu wadanka u horseedayo RW Cabdiweli Soomaalida aragtida fog waxey isla markii dib ugu laabteen dastuurka hada qoran inta uu awood u siinayo RW Cabdiweli sidoo kale markii aan laheyn inta badan golaha wasiirada waxey la jaanqaadeen dabeysha siyaasada marka laga reebo hal amaba labo dad badan ayaa u mooday in aanu iska laheyn waxaan xog ogaal u nahay hadii uusan RW si deg deg ah isku dabaqan in ay adkaandoonto 20 ilaa 30 ka sano ee inagu soo aadan in uu wadanka Soomaaliya wax ka noqdo shaqsi ka soo jeeda beesha Sade inagoo sababta arintaas qoraal dheer ka soo diyaarin doona.

Hadane marka dhinaca dastuurka loo eego in uu siyassada gudaha iyo midii dibada madaxweynaha Soomaaliya kaka guleysto RW Cabdiweli wax ka yar 48 saacadood oo ay xitaa siyaasada RW ka fogaadaan shaqsiyaad horey u taageeri jiray waxii ka horeyey intii uusan sameyn isku shaandheynta uusan madaxweynaha Soomaaliya ka warqabin waxaa ugu wacan qodobada hoos ku qoran.

Marka Dastuurka ay ku shaqeyso dowlada federalka dib loogu laabto marka aad eegto Qodobka (90aad) firqada 1,2,3 iyo 4aad RW Soomaaliya ma soo magacaabi karo gole wasiiro isagoo aan latashi la sameyn madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya. Sidoo kale waxuu isla qodobkaas qeexayaa inuusan sameyn karin wax isku shaandheyn ah madaxweynahu isagoon ka warqabin.

RW Soomaaliya dastuurka dhan ee qoran waxaa ka quseeya oo loogu qeexay shaqadiisa Qodobka 100-aad firqadiisa 1,2,3,4 ilaa 5aad taasi waxey muujineysaa in uusan xilka RW aheyn wax sidaas u weyn marka laga reebo in uu gole wasiiro oo kooban kaliya horjooge u yahay awooda ugu badan waxuu sharcigu siinayaa madaxweynaha waxii uu diido amaba dib u celiyo una arko in aysan ku jirin maslaxada dadka iyo dalka wadanka kama shaqeyn karaan waa marka aanu ka hadleyno sharciga hada qoran iyo nidaamka dowligaa ee uu dal leeyahay.

Hadaba iyadoo ay intaasi jirto ayey hadane wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno ilo lagu jalsoonaan karo waxey inoo xaqiijiyeen in uu RW Cabdiweli is casilaadiisa ku xiray sharuudo nuxurkooda iskugu soo biyo shubanayo dhawr milyan oo dolar inuu doonayo si uu howsha iscasilaada u fududeeyo intii ay isaga iyo madaxweynaha xildhibaanada baarlamaanka ka dhax macaashi lahaayeen taas bedelkeeda maadaama uu NGO-yada dalka ka jiro la soo shaqeyn jiray qorshaha uguma jirto inuu hortago golaha shacabka kedib markii uu ogaaday si aan weliba leex leexad laheyn hadii uu qilaafka uu isagu sabab u noqday sii socdo in ay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya ay golaha shacabka ku dhiiragelin doonaan in uu RW baxo maadaama aan hada diyaar loo aheyn in doorasho madaxweyne la qaban qaabiyo sidaasi daraadeed RW ayaa ah kaligii isaga ayaane loo sheegay inuu meesha ka baxayo taasina waxey keentay in ay beesha caalamku siyaasada madaxweynaha ku dabafeylaan wasiiradii dhawaan xilka loo kala wareejiyeyna ay sidooda howsha u wataan inta RW iyo xukumad cusub uu dhawaan dalku ka yeelanayo maadaama uu madaxweynaha Soomaaliya ku adkeystay in aysan haba yaraatee wadashaqeyn karin RW Cabdiweli iyadoo dib loo eegay inta qalad ee aan geed loogu soo gaban ee uu doonayay in uu wadanka qalqal ku geliyo isagoo ay kaliya ujeedadiisu aheyn caasimada Soomaaliya yeysan degin waligeed, walow hada lagu fahmay arintaas.

Arinta xaqiiqada ah ee RW Cabdiweli rajo beelka ku riday ayaa ah kedib markii ay beelaha Ogaadeen iyo Majeerteen siyaasiyiintoodu noqdeen kuwa ugu badan ee madaxweynaha Soomaaliya olole xoogan ugu jira sidii shaqsi iyaga ka soo jeeda xilkaas loogu magacaabi lahaa taasi waxey mujineysaa sida aysan beesha Sade ugu diyaargaroobin siyaasadaha maanta dalka ka jiro iyo xaqiiqada dhabta ah.

REER PUNTLAND RW CABDIWELI SIYAASAD AHAAN MA U HIILINAYAAN MISE WEY KA HIILINAYAAN?.

Hadaad dooneyso in aad siyaasada reer Puntlanad barato banaanbaxii ay shacabkooda iskugu yimaadeen shaleyto waxuu ahaa mid RW siyaasad ahaan lagu fashilinayey wuuna ogyahay isaguba taas ayaana qeyb ka ah in uu ku dhiirado inta aanba leysla gaarin mooshin inuu bilaabo gorgortan dhaqaale si uu xafiiska ugu baneeyo shaqsi kale kedib markii uu dib u eegid ku sameeyey dhamaan siyaasadiisa iyo qodobada dastuurigaa ee uu ku tuntay.

Isku soo duuboo Umadu wey ku daashay qilaaf waxaan markaan bulshada Soomaaliyeed u rajeyneynaa RW madaxweynahii soo magacaabay kala shaqeeya maslaxada dalka iyo dadka iskuna wadi karo intii mucaarad ku ah iyo inta taageersan soona afjaro siyaasadaha leysku bartilmaameedsanayo oo uu R wasaaraha waqtigiisu sii dhamaanayo bulshada la dhex yimid.

Isha Warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,633,191 unique visits