Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Wakiilka QM oo uu cadaadis xoogan uga yimid wadamada dalka Soomaaliya caawiya maadaama ay bishii kaliya xafiiskiisa ku baxdo malaayiin dolar aan marnaba gaarin shacabka Soomaaliyeed taasi oo ku baxdo safaradiisa ayaa warbixin uu soo saaray waxuu gudoonka baarlamaanka iyo mudanayaasha golaha shacabja ku tilmaamay kuwo laaluush qaata kedib markii uu ogaaday in uusan si naba uga bad baadeyn golaha shacabka RW Cabdiweli.

Hadaba si loo ilaaliyo jiritaanka dowladnimo iyo madax banaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed sida aan ku heleyno warar sugan wakiilka QM dhawaan waxaanu arki doonaa isagoo sida uu hada u af lagaadeeyey baarlamaanja Soomaaliya si ja duwan u hadlayo waayo waxaa qalqiil ku jiro kursigiisa maadaama uu dhawaan qorsheynayo inuu dib u habeyn ku sameeyo qaabka ay isaga iyo la taliyayaashiisu uga howl galaan dalka Soomaaliya oo la xaqiijiyey in ay tahay nooc ganacsi ah, ayey hadane gefka uu baarlamaanka Soomaaliya u geystay waxey dhaawaceysaa madax banaanida dalkeena walow dhawaan RW baarlamaanka looga yeeri doono kedib markii ay arintaas ay diyaariyeen xildhibaano kor u dhaafayo boqol mudane.

R/Wasaare Cabdiweli oo isbuucyadii tagay tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya ka diiday isku shaandheyntii tacbaanka aheyd meelba mar ku boodayey wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno ilo ku dhaw xafiiskiisa waxey sheegayaan inuu golaha dhan ee wasiirada kala dirayo isagoo is leh waqtiga ku sii dheereyso maadaama ay mashruucyo fara badan qabyo ka yahiin kuwaasi oo ay hirgelintooda aad u yaraatay tan iyo waxii ka danbeeyey isku shaandheyntii meel marka noqon weysay ee uu dhawaan sameeyey.....

isku soo duuboo marka xaalada dhinackasta laga eego Nicols Kay dalkaan isagu ma leh dowlad rasmi ah ayaa ka jirta dhawaan RW baarlamaanka ayuu hortagi doonaa sidaas ayuuna xilkii uu mudada aan sanadka dhameyn hayey ku waayi doonaa.

La soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiran State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,568,565 unique visits