Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:-Sida muuqata wakiilka Q Midoobay waxaa siyaasada iyo arimaha Soomaaliya ka heysta jahwareer fara badan ujeedaduna maahan inuu ka wal walayo in ay dalka ka dhacdo doorasho laakinse waxaa ka bur burayo isaga iyo shirkado doonaya in ay marin habaabin ku sameeyaan barnaamijkii New Deal ee magaca Soomaaliya lagu saxiixay sidii iyadoo dowlada hada jirta loola dhaqmayo mid ku meel gaar ah iyadoo la handadayo lagu xuuxiyo 2016 ayaa soo dhaw si waxkasta iyadoo la deg degayo loo meel marsado.

Hadaba tan iyo waxii ka danbeeyey markii madaxweynaha Soomaaliya u hor istaagay damacii iyo siyassadahii qaribnaa ee uu doonayey inuu wadanka ku hogaamiyo R Wasaare Cabdiweli waxuu wal walka ugu badan soo fuulay wakiilka Q Midoobay oo isagu mashruucii New Deal sida Soomaalida loo sheegay si ka duwan doonayey in uu u meel mariyo isagoo shirar aysan madaxweynaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka ka warqabin kula yeeshay degaano dalka ka mid ah iyo wadamada deriska la ah si ay dowlada rasmigaa ee umada u dhalatay inta aan la gaarin 2016 ka ugu dhameysato qalalaase si loo yiraahdo mar kale Soomaaliya maahan dal u diyaar ah dowladnimo sidaasne looga maamulo UN ka dalkuna u hoos tago.

Hadaba iyadoo ay arimahaasi oo dhan jiraan ayaa hada waxey malaayiin Soomaaliyeed ku waa bariisteen wakiilka Q Midoobay oo golahii baarlamaanka oo ah hayadii sharci dejinta inuu Nicols Kay ku tilmaamo kuwa laaluush qaato aduunyadana u sheego ama u hadlo sidii nin Soomaali ah oo dalka iska leh inuu arimahii baarlamaanka faraha la galo waxey keentay in mudo gaabsn gudaheed ay si isku mid ah jawaab deg deg ah uga bixiyaan arintaas meel ka dhaca ku baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba madaxbanaanida dalka, madaxweynaha Soomaaliya, gudoomiyaha baarlamaanka iyo waliba siyaasiyiin mucaarad ku ahaa dowlada Soomaaliya oo dhamaantood is tusiyey in uu wakiilka Q Midoobay xadkii ka baxay dhawaana ay war cad ka soo saari doonaan ficilada uu kula kacay golaha shacabka mr Kay.

Hadaba hadalka Kay waxuu soo dedejiyey in ay golaha shacabku aduunyada u muujiyaan iney yahiin wadan madax banaan oo arimahooda u gaarka ah xalisan kara aysan u baahneyn farogelin shisheeye waxaana lagu wadaa dhawaan in golaha shacabka si deg deg ah looga yeeri doono R Wasaaraha isaga daraadiis loo ijaafeeyey mudanayaasha baarlamaanka hadalkii Nicols Kayna waxey saxada siyaasadeed si rasmi ah uga saaray R Wasaaraha oo isagu sabab u ahaa qilaafka iyo fowdada hada taagan.

Hadaanse Soomaali badan u iftiimino halka ay maanta mareyso siyaasada Soomaaliya waxuu qorshaha R Wasaare Cabdiweli iyo wakiilka Q Midoobay ahaa in uu wadanku fowdo ku dhameysto inta laga gaarayo 2016-ka intaas ka horna afka uun laga sheego nidaamka federalka deegaanada aan hada laheyn maamul goboleedyada maamul kumeel gaar ah oo bilo uun shaqeeya loo dhiso siiba kuwa koofurta Soomaaliya.

Guntii iyo gabo gabadii wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno dalka Soomaaliya in ay ka mideysan yahiin gefkii uu wakiilka QM u geystay mudanayaasha baarlamaanka dhawaana warku sida uu hada yahay kuma egaan doono hada kedibna shaqsi shisheeye ah oo nolol shaqo u aaday wadankeena siduu doono madaxda Soomaalida siiba golaha shacabka uma ceebeyn doono.

R Wasaare Cabdiweli qudhiisa dhabar jab siyaasadeed ayey ku tahay in baarlamaankii isaga codka kalsoonida siiyo sidaas uu u bahdilo nin kaliya dalkeena loogu soo diray inuu ka shaqeeyo arimaha bini'aadaminimada iyo dib u heshiisiinta waxeyna taasi keentay inuu lumiyo tiro xildhibaano ah oo uu taageersanaa marba hadii si guud loo af lagaadeedayay golaha shacabka oo dhan min afhayeen ilaa mudane baarlamaan sidey u dhan yahiin.

la soco wararkeena danbe

isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.74 seconds
14,934,141 unique visits