Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Dad badan waxaa laga yabaa iney isweydiinayaan 40 ka xildhibaan ee ku buuqayo gudoonka sare ee baarlamaanka , laakinse waxeysan malaayiin Soomaaliyeed ogeyn qorshooyinka ay horey u damacsanaayeen RW iyo kooxdiisa ee ka fashilmay sida in ay gacan ka hadal bilaabaan waxeysa arintaas u suuro geliweysay kedib markii xildhibaanadii mooshinka ka keenay xukumada ay ku dadaaleen iney ku ekaadaan kuraastooda oo aysan la murmin taasi oo ay ku adkaatay iney qof iska fadhiya u gacan qaadaan taasi oo ugu danbeyn ku xambaartay iney caro kala dul dhacaan Gudoonka sare ee baarlamaanka kuna buuqaan.

Waxaad moodaa in ay siweyn u diyaarsan yahiin xildhibaanada mooshinka ka keenay RW Cabdiweli sidey doonaan ha u caayaano gudoonka baarlamaanka amaba fowdo ha ku sameeyaano tirada taageersan RW iyaga waxaa ka go, an in ay xukumada hada jirta arinteeda soo afjaraan 48 saacadood gudahood.

R wasaare Cabdiweli oo horey ugu fashilmay sidii uu uga dhaadhicin lahaa xildhibaano badan in aysan soo xaadirin una aadan safaro dibadaa waxey taasi suuroobi weysay kedib markii tirada mooshinka ka keentay ay aad u bateen.

Isku soo duuboo caalamka kama jirto baarlamaan ku shaqeeyo xeer hoosaad iyo sharci lagu hago mudanayaasha baarlamaanka oo sidan u shaqeeya qorshaha hada kooxdaan miiska u saarana waa in gudoonka baarlamaanka la fashiliyo si caalamka loo tusiyo inuusan wadanku laheyn gole shacab.

RWasaare Cabdiweli iyo tirada yar ee taageersan waxuu hal ku dhigoodu ahaa howsha hada waxey ka dhaw tahay in aan baarlamaanka dhan bur burino waa sida ay iska dhaadhiciyeen, hadii baarlamaan buuq lagu bur burin karo amaba hanjabaad gudoonka sare wax looga qaadi karo xiligaan goleshacab maba jiri laheyn xukumadaan kuwii ka horeeyey ayaana dumin lahaa ayey tiri mid ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.

la soco wararkeena danbe iyo 48 saac hudahood isbedelka dalka ka soo muuqdo

isha warka Hiiraan State


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.54 seconds
14,586,179 unique visits