Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 1
leslieea11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Siyaasada Soomaaliya oo 50 kii sano ee ugu danbeysay maalinba meel soo joogtay siiba marka laga hadlayo golaha shacabka waxaa la dhihi karaa baarlamaanka hada jiro waxaa leys lahaa waa midkii ugu macquulsanaa maadaama uu hogaanka u hayo shaqsi waaya arag hadane Prof ah siyaasada dalkana ku soo jiray mudo Prof Jawaari.

Hada dib uguma laabaneyno fowdo kasta qaabka ay ku bilaabato waxaase malaayiin Soomaaliyeed lama filaan iyo amakaak ku noqotay sida uu gudoomiyaha baarlamaanka u maareeyey fowdadii ay golaha shacabku ka sameeyeen tiro aad u yareyd oo xildhibaano ah hayeeshee waxaa taasi ka sii daran Prof Jawaari oo iyadoo heestii umada Soomaaliyeed astaanta u aheyd ee qaranka fowdo loo isticmaalayo sidii naag carootay iska baxay xili malaayiin Soomaaliyeed iyo caalamkaba laga daawanayo.

Hadaba dalka Soomaaliya siyasadiisa inta faraha kula jirta marka laga soo tago waxaa jira dad bulshada magac iyo maamuus ku dhex leh oo dusha kala socda waxkasta oo dhaca hayeeshee marka laga hadlayo fowdadii golaha shacabka ay ka sameeyeen tiro xildhibaanada baarlamaanka ka mid ah oo waliba aad u yar iyo xeer sooyadyada uu leeyahay baarlamaanka Soomaaliya waxaa siweyn isku soo taraya dhaliisha muuqata ee loo jeedinayo gudoonka baarlamaanka oo ahaa dad aan laga fileyn iney bulshada u horseedaan fowdada intaas la eg siiba marka laga hadlayo waaya aratinimada lagu tuhmayo prof Jawaari ahna shaqsi sharci yaqaan ah fahamsana nidaamka uu ku shaqeeyo golaha shacabka oo ah jeclow ama ha jeclaan hadii mooshin laga keeno xukumad waa inuu meel mar noqdaa oo cod loo qaadaa halkii ay tirada ugu badan fikirkoodu aadane waa in la meel mariyaa.

Dadka sida weyn u dhaliilaya gudoonka sare ee baarlamaanka ma ahan dad looga bartay siyaasada inay ka hadlaan waa dad magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed sida fanaaniin, siyaasiyiin, iyo waliba dad culimo ah waxeyna hadalkooda ku soo koobeen bil xaqiiqo in aysan marnaba fileyn waxa ka dhacay golaha dhacabka iyo qeyru masuulnimada intaas la eg siyassadii la doono gudoonka sare ee baarlamaanka oo uu Prof Jawaari ugu horeeyo haka la haadeen. laakinse shacabka Soomaaliyeed ma mudna in ay tiro yar buuqaan gudoonkiina iska dhaqaaqo koleyto waxii dhacay wax aqliga saliimkaa ogolaanayo maahan waa in la ilaaliyo dowladnimada curdunka ah hadii xukumada mooshin ka yaalona yaan bulshada fowdo loo horseedin ee hadii ay masuuliyada ku cuslaatay gudoonka sare dib shacabka ha ugu sooceliyaan ayaana hadalo kooban oo ay jeediyeen dad bulshada Soomaaliyeed magac ku dhex leh laga soo cigtay.

Isku soo duuboo marka dhaliisha loo jeedinayo gudoonka sare ee baarlamaanka laga soo tago wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno Soomaaliya waxey sheegayaan in uu prof Jawaari gacanta u galay mid ka mid ah labadiisa gudoomiye ku xigeen kaasi oo ka mid ahaa waftigii R wasaare Cabdiweli u raacay Puntland kaasi oo mashruuc ay hormood u ahaayeen kooxdii Garoowe tagtay dhinaciisa kala waday sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoonaan karo.

Sikasta oo ay ahaataba siyaasiyiin badan hadey dalka lugooyaan amaba ay fowdo u horseedaan waa wax laga filan karay laakinse Prof Jawaari oo waaya ragtinimo iyo aqoon lagu tuhmayo inuu sharciga lagu maamulo golaha shacabka sidaan ugu tunto oo uu markii uu doonana kulamada baarlamaamka iskaka baxo ma ahan wax la qaadan karo amaba Soomaaliweyn u cuntami karo waayo meel ma wada geli karaan waxaan ahey gudoomiye baarlamaan 275 mudane ayaana madax u ahey 275 taasina bulshada Soomaaliyeed ayey wakiil ka yahiin 10 xildhibaan oo qas iyo fowdo u joog ahne waxbo kama qaban karo, mooshin ay keeneen in ka badan 100 mudane baarlamanteeriyaan ahne waan iska heysanayaa meel ma wada gasho ee yaan shacabka 23 ka sano colaada ku soo jiray mustaqbalka looga ciyaarin madaxweynahii iyo R wasaarahii uu soo magacaabay wey wada shaqeyn waayeen xukumadiina mooshin ayaa laga keenay war kale maba harin waxa caalamka loo tusinayaa dad waaweyn oo fowdo iyo buuq wax ku raadinayo ayaa in leys weydiiyo u baahan.

La soco wararkeena danbe iyo sida ay hada shaki xoogan uga muujinayaan gudoonka baarlamaanka dad dalka Soomaaliya magsc iuo maamuus ku dhex leh oo aad ula yaaban waxii dhacay maalmahii tagay xili waliba heestii astaanta u aheyd umada Soomaaliyeed ee in leyskugu gar gaaro loo isticmaalayo fowdo.

ISHA WARKA HIRAN STATE
WEBMASTER@HIRANSTATE.COM

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.33 seconds
14,581,330 unique visits