Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Marka laga hadlayo siyaasada Soomaaliya iyo kaalinta beesha caalamka amaba markasta oo ay xukumad jirtay ay bedelayso mid cusub dadku isku si macluumaadka uma wada maqlaan si isku mid ah qaarkoodna waxuu waagu ku baryaa daqiiqada ugu danbeysa halka kuwa kalena ay siyaasada dalka u maareeyaan hadba sida ay markaas isku bedesho si ay xalka uga abaaraan meesha uga haboon.

Hadaba iyadoo aysan borobagaando naga aheyn waxuu dhawaan dalka Soomaaliya yeelan doonaa R Wasaare iyo xukumad cusub jiritaanka arintaas qofka aan maanta ogeyn dabcan waxaan dhihi karnaa siyaasi maahan amaba waa shaqsi siyaasada Soomaaliya hal dhinac oo kaliya ka eega siyaasadiisuna aysan dhaafsiisneyn gudaha wadanka iyo hadba inta markaas isaga ku xeeran kedibna meelaha fadhi ku dirirka looga doodo.

Hadaanse dib ugu laabano olole xoogan oo ay durbaba bilaabeen qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed halka ay kuwo kalena horey u soo wadeen hadane tartanka loogu jiro qabashada xilka R Wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxuu u muuqdaa in uu aad uga xiiso badan yahay xiliyadii hore waxeyna hada beelaha ololahoodu kala yahay sidan.

Marka ugu horeeysa hadaan kala qaadno qaabka ay beelahu u wadaan ololahooda hadane maadaama ay Soomaalidu wax ku qeybsadaan 4.5 waxuu ka imaan karaa R Wasaaraha Soomaaliya beelaha Dir iyo Daarood maadaama ay labada beelood ee kale ku fadhiyaan kursiga madaxweynaha iyo kan baarlamaanka sidaasi daraadeed ololaha hada socda xoogiida waxaa wado beelaha Daarood intooda badan xiliyo kala duwanba ha bilaabaano ololahoodee.

Hadaanse ku hormarno sida uu ololahoodu u kala xoog badan yahay waa sidan.

Beesha Ogaadeen

Dalka Soomaaliya iyo waliba dowladaha arimaha Soomaaliya daneeya iyo sidii xildhibaanada golaha baarlamaanka dhexdooda kalsooni looga heli lahaa amaba beelo kala duwan oo Soomaaliyeed taageero looga raadin lahaa waxaa wadadeedii hayo beesha Ogaadeen oo u muuqata mid dooneysa iney ku biirto amaba noqoto beelahii Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay xilka madaxweynaha Soomaaliya ama kan R wasaaraha horey u soo qabtay waana markii ugu horeysay ee ay arintaan si wada jir ah ka beel ahaan dal iyo dibad ugu ololeeyaan waxeyna isla garteen in ay hal qof madaxweynaha Soomaaliya u geystaan,

Beesha Majeerteen.

Beesha Majeerteen marka laga reebo shaqsiyaad si gaar ah madaxweynaha Soomaaliya saaxibo dhaw ula ah oo xilkaan doonaya ahna beel ay ku jiraan dad badan oo wadaniyiin ah una qalma in ay Soomaaliweyn hogaamiyaan madaxweynaha Soomaaliyana uu xilkaan la jeclaan lahaa inuu u magacaabo,waxeysan wax badan ugu suuroobi karin siyaasado laga yaabo in ay dad yar oo beeshaasi ka soo jeeda og yahiin laakinse aysan inta badan ogeyn kuwaasi oo ay ka mid yahiin.

1-Madaxa maamulka Puntland Cabdiweli Gaas waxaa ka go, an inta laga gaarayo 2019 amaba inta uu xilka Puntland hayo in uusan dowlada dhexe xil sare oo ilaa heer madaxweyne amaba R wasaare ka qaban aqoonyahan ka soo jeeda beeshaas si uu u noqdo iasaga kaliya siyaasiga marka uu dhameysto waqtiga Puntland uu hogaaminayo federalka u galaya beesha Majeerteen tanina waxey ka mid aheyd dardaaran loo maleynayo inuu kaka dhintay Col Cabdullaahi Yusuf oo ay is xigaan Cabdiweli Gaas.

2-Siyaasada Puntland oo aan aheyn mid fadhisa qaabka bulshadaas lagu hogaamiyana ma ahan mid ka turjumaysa maslaxada umada Soomaaliyeed waxaase macquul ah in ay siyaasad moodaan waftiyada Puntland booqanaya iyo kaalmada yar ee ay ka helaan NGO yada iyo xafiska Nicols Kay iskuna maleeyaan qabiil qaran la tartami kara markaan dib u eegnay waxii la soo maray ilaa ay dhegaha bulshada Soomaaliyeed maqlaan Cabdiweli Gaas oo leh Puntland waanu iibineynaa, waxaa taasi ka sii daran caadifada qabiil ee shacabka Puntland lagubar baarinayo qanigan aynu ku jirno oo ay aduunyadu u midoobeyso danaheeda, iyadoo loogu sheekeeyo in uu halkii Xildhibaan ee beesha Majeerteen ugu jira dowlada dhexe u dhigmo 10 xildhibasn oo digil iyo Mitifle ah.

Sidoo kale marka uu wafti ka socda dowlasa federalka booqasho ku tago Puntland waxaa jiro baaqyo loo sameystay sida in la yiraahdo inta ay hawada ku soo jiraan aar meeqa Dameer ayaa waftiga la socoto iyo wax la mid ah, taasi oo ay ula jeedaan hadba waxii aan Daarood aheyn ee Soomaalida kale ah.

Dalka Soomaaliya waxaa hogaamin kara hadba siyaasigii Soomaaliweyn kasbada qabiilkii uu doono ha ahaadee hadiisa ayba dhacdo in R wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo magacaabo aqoonyahan ka soo jeeda beesha Majeerteen waxuu noqon doonaa shaqsi xilkaas saaxitinimo iyo xiriir ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaali iyo olole ay Soomaali kala duwan u galeen ee ma noqon doono shaqsi xilkaas ku hela olole ja yimid maamulka Puntalad amaba beesha Majeerteen, taasi micnaheedu waa siyaasadaha Puntland maanta yaalo hadaan wax badan laga bedelin aqoonyahano badan oo reer Puntland ah cawaaqib aad u xun ayey ku raabi doontaa waanu goeynaa iyo dowlada baanu nahay waa loo baahan tahay mararka qaarkood xayrysiin laakinse waxa aanu ka hadleyno waa ma jirto siyaasad la fahmi karo oo ay beesha Majeerteen amaba maamulka Puntland Soomaaliweyn kula noolaan karaan, waxii intaas dhaafsiisan adiga raadso hadaad reer Puntland tahay xog ogaalna aad u tahay siyaasada hogaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Marka laga soo tago arimaha kor ku xusan waxey wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno caasimada Soomaaliyana sheegayaan in ay loolanja ku soo biireen beelaha Dhulbahante iyo Leylkase kedib markii ay ogaadeen siyaasiyiintooda in uu dalka Soomaaliya dhawaan yeelanayo R wasaare iyo xukumad cusub.

Dad badan waxaa laga yaabaa iney run moodaan xildhibaanada leh R wasaare Cabdiweli waanu taageersan nahay in ay dhab ka tahay intooda badan waxey R wasaaraha ula joogaan arimo madaxtooyada laga ogyahay xiligii la ridayey R wasaare Saacid ragii riday waxey u badnaayeen xildhibaanadii uu mooday in ay taagerersan yahiin hadane waa isla sidii waayo waxaan ognahay xildhibaano hada loo maleeyo iney R wasaaraha taageersan yahiin in ay olole ugu jiraan sidiixilkawasiirka 1aad beeshooda loogu magacaabi lahaa, laakinse waxey doonayaan in ay R wasaare Cabdiweli gaarsiiyaan fashil siyaasadeed uusan ka soo kabsan karin.

la soco wararkeena danbe iyo xaqiiqada siyaasada Soomaaliya

isha warka Hiiraan State


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,569,345 unique visits