Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inta aanan u guda gelin guulaha taariikhda galay ee loo baahan yahay in ay Soomaali badan ogaadaan ee ka soo baxay shirkii Higsiga cusub ee lagu soo gabo gabeeyey wadanka Denmark hadane waxaan isku dayi doonaa hadii aad tahay siyaasi amaba tahay muwaadin Soomaaliyeed oo si qotodheer ula socda siyaasada dalka Soomaaliya heerarkii ay soo martay iyo mida ay maanta joogto.

Hadaba hadii aad shaley arki jirtay marka uu qilaaf ka dhaxeeya madaxda Soomaaliya yimaado in ay shirarka caalamigaa iska dhinac hadlaan iyagoo hal wadan iyo hal shacab wada metelaya siiba siyaasadahii aanu ka dhaxalnay xili lagu guda jiray dowladahii Kumeel gaarka ahaa ee dalka soo maray laga soo bilaabo 2000 kii shirkii Carta 2012 oo ay bulshada Soomaaliyeed heleen dowlad rasmi ah.

Hadaba dowladaaan hada jirto wax badan wey ka duwan tahay waliba dowlada midaan ku xigto wey ka sii wanaagsanaan doontaa marka loo eego qaabka shirkii Caalamiga ahaa ee Danmark u dhacay iyadoo uu jiro qilaaf dhinaca fikirka ah oo u dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya iyo RW Cabdiweli Sheikh.

Khaabkii R Wasaare Cabdiweli loo xakameeyey iyo sida uu hada xafiiska ugu baneyn doono shaqsi cusub maalmaha inagu soo aadan.

1-Tan iyo markii uu soo shaac baxay qilaafkii siyaasaded ee madaxweynaha iyo RW waxuu RW Cabdiweli moodayey in uu shirka Denmark u baaqanayo qilaafkaas.2-Hadane markii ay fowdo ka dhax sameeyeen golaha baarlamaanka koox tiro yareyd oo xildhibaano ah waxuu hadane u sheegay taageerayaashiisa in uusan shirka Denmark dhici doonin hadii uu dhacane ay isaga iyo mafaxweynaha Soomaaliya wada furi doonaan uuna hogaamin doono wafti wasiiro ah.

Hadaba maxaa dhacay.

Caalamka muhiim uma ahan qilaaf waxaa muhiim u ah hadba go'aanka adag ee uu qaato hadba hogaamiyaha markaasi talada dalka haya waxeyna xaaladii guud iyo siyaasadii caalamka Isbedeshay kedib markii go'aan ay aduunyadu la yaabeen qaatsy madaxweynaha Soomaaliya kaasi dowlado badan ku dhiirageliyey iney shirka Denmark ka soo qeybgalaan.

Hadaba go'aankii madaxweynaha Soomaaliya maxuu ahaa.

1-Waxuu yiri hadii aanu nahay dal madaxbanaan oo Soomaaliya la yiraahdona arintiinu ha noqoto kaalmo iyo dib u dhiska oo aad naga caawisaan arimaheena hoosena aad u deysaan hayaddaha fulinta amaba hadii aanu nahay dal magac ahaan u dhisan oo ay dadkiisu gumeysi cusub ku jiraane ii sheega si aan dadka aan metelo ugu sheego shirkaasne hadaanba xor u aheyn arimaheena noo gaarka ah in aan xalisano waan ka fiirsanayaa ka hogaamiye Soomaaliyeed ahaan.

Hadaba maxaa dhacay.

Waxaa dhacday shirka Denmark haduusan madaxweynaha Soomaaliya furin in aysan xitaa muuqanin in aduunyadu dhaqaalo ku bixiso ciidamada Africanka ah ee Soomaaliya jooga Amisom telefoono badan kedib Waxaa dhacay xitaa dowladii Mareykanka ee la heyday wafuud uma soo fireyno shirka Denmark iney noqdaan kuwii ugu horeeyey ee tago caalamkiina si aan gabasho laheyn wakiilka Qaramada Midoobay oo taagan ahna shaqsi doonayey inuu barnaamijka New Deal shirkado aysan ka warqabin dowlada Soomaaliya kula heshiiyo si taasi u dhacdona u hadli jiray sidii shaqsi dalka Soomaaliya hogaamiye ka eh waxuu shirka Denmark kala kulmay qoraal kale ayaan ku soo qaadan doonaa waxaase loo muujiyey amaba la tusiyey inuu xafiiska QM qeyb ka yahay mushkilada Soomaaliya ee soo noq noqotay iyadoo loo aaneynayo la taliyaasha wakiilka QM oo ah dad Soomaali ah hal qoys oo Soomali ahne u badan oo iyagu sidey jecel yahiin wax ugu sheegta wakiilka QM, walaw arintaas ay maqalkeeda markii hore ku ekeyd Soomaalida hadase dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya gaartay

Hadaba RW Cabdiweli oo doonayey inuu shirka Denmark marka uu madaxweynaha u dhoofo isaguna diyaarad kale qaato waxaa loo diiday waxaana lagu wargeliyey in uu ajandaha shirka loo hadlayo uu qilaafka madaxweynaha kala dhaxeeya ka horeeyey sidaasne loogu diido xili uu doonayey inuu shirka tago caalamkana u tusiyo in ay Soomaali oo dhan kala jaban tahay.

Hadaba shirka Denmark kedib xakey wax marayaan?

Waxey natiijadii noqotay in madaxweynaha Soomaaliya iyo golaha shacabka amaba baarlamaanka Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii dooradho lagu gaari lahaa 2016 ka, waliba markii ay beesha caalamku arkeen yirada xildhibaanada ee buuqa ku sameeyey kulamadii baarlamaanka sida ay u yaraayeen iyo sida ay caalamka jortooda ugu ceebeeyeen gudoonka sare ee baarlamaanka waxuu hada qorshaha miiska saaran yahay hadii ay fowdadaas mar kale ogolaadaan gudoonka sare in lala shaqeeyo fikirka iyo go, aanada mudanayaasha basrlamaanka Soomaaliya oo ah hayadda sharci dejinta meesha uu codkoodka u bato.

Marka la leeyahay mudanayaasha baarlamaanka meesha uu fikirkooda u bato hala taageero waxaa loola jeedaa hadiiba gudoonka sare ku fashilmeen 10 ilaa 20 xildhibaan iney xakameyn waayaan dabcan tirada badan ee mooshinka RW Cabdiweli keentay iyaguna fowdo wey ku dhiiran karaan berito waxeyna arintu noqoneysaa in marka ay kulamada baarlamaanka furmaan ay xitaa 2 ilas 3 xildhibasn kulanka dhan ay ku joojin karaan buuq iyo fowdo waayo aduunyadu muhiim uma ahan xildhibaan buuq sameeyey waxaa muhiim u ah ma jiraa sharciyo lagu hago baarlamaan uu dal leeyahay iyo xeerar qabta hadba masuulkii ka mid noqda gole shacab

Isku soo duuboo RW Cabdiweli oo horey mooshin ka keeneen tiradii ugu badneyd ee mudanayaasha baarlamaanka ah kedibna waayey kalsoonidii inta badan golahiisa wasiirada waxaa hada looga guuleystay mar kale siyaasadii dibada wuuna ogyahay xaqiiqada jirta in aysan xilka R Wasaaraha Soomaaliya ku heyn karin dhawr xildhibaan oo fowdo sameysa amaba ceytama waxuuna sidaan horey u sheegnay xafiiska ka tagi doonaa isagoo ugu yaraan siyaasiyiin badan oo ay ugu horeeyaan gudoonka sare ee baarlamaanka mustaqbalkooda siyaasadeed dhaawacay.

La soco qormadeena labaad waxyaabahii maamulka Puntland oo horey u sheegay in aysan shirka Denmark ka qeybgaleyn ku qasbay iney wafi si deg deg ah ugu diraanmadasha shirka

Isha warka Hiran State
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.21 seconds
14,589,141 unique visits