Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 1
heleneyx1

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inta aanan u guda gelin wararkii ugu danbeeyey amaba fashilka iyo bur burka muuqda ee ku socda golaha baarlamaanka waxaa muhiim ah bal in aan u iftiimino bulshada halka ay maanta wax marayaan.

Hadii aad shaleyto maqleysay waxuu qilaaf ka dhaxeeyaa madaxweynaha iyo R Wasaaraha amaba aad maqleysay kulamadii baarlamaanka buuq iyo fowdo ayey ku dhamaadeen .hadii aad sidoo kale ay dhegahaadu maqleen prof Jawaari oo hor istaagay mooshinkii baarlamaanka ee ay tiradii ugu badneyd ka keeneen R Wasaaraha kedibna hada ugu danbeyn talaado ilaa 6da bisha 12aad in laga doodayo ogolaaday,waxaasi oo dhan shacabka ayaa lagu jahwareerinayaa xaqiiqada aanu caasimada Soomaaliya uga heyno bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasadaha xawaaraha ku socda ee la leeyahay shirar iyo wada hadalo hoose ayaa socda waa sidan.

Hadaba ma jiro baarlamaan Soomaaliyeed oo shacabka wakiil ka ah oo lagu hogaamiyo meesha uu codkooda u badan yahay oo hada kedib inta isku yimaado si daacad ah u kulmi doono iyo gudi hoosaadyo hada kedib shaqeyn doono, waxaa jiro dano shaqsiyadeed golahii shacabkana waxuu u afduuban yahay dhawr xildhibaan oo garab ka helaya gudoomiyaga baarlamaanka.

Mooshinkii R Wasaaraha ka yiilay hadaan bulshada Soomaaliyeed u iftiimino meesha uu marayo ma jiri doonto mooshin talaadada intey xildhibaanada ka doodaan loo codeyn doono 6da bisha december.mana jiri doonto hada kedib mudanayaal baarlamaan iyo gudoomiye Jawaari wada shaqeyn daacad ah ay dhex mari doonto inagoo ka duuleyno meesha ay hada wax marayaan.

Hadaan dulmar kooban ku sameyno sidey wax u socdaan iyo xildhibaanada masuulka ka ahaa fowdada iyo mugdiga soo kala dhex galay hayadaha dowlada bilaaw iyo dhamaad waxaa masuul ka ah 3 xildhibaan kuwaasi oo kala ah Xasan Abshir, C/risaaq Jurile iyo Prof Gandhi.

Xildhibaanadan ayaa intii uusan bilaaban qilaafka muuqda waxey la taliyaal u noqdeen R Wasaaraha waxeyna sabab u ahaayeen dhamaan go, aanadii iyo siyaasadahii fowdada ahaa ee uu doonayey inuu wadanka ku maamulo waxaana heshiiskii ay RW la galeen ka mid ahaa hadaan soo koobno.

1-Waxey R Wasaaraha u sheegeen hadii uu iyaga u daayo waxii siyaasad ah uu ka guuleysan doono madaxweynaha iyagoo markaas u soo bandhigay arimo badan oo RW macquul la noqday iyadoo farta loogu fiiqayo siyaasiyiin iyo beelo gaar ah oo Soomaliyeed in bartilmaamedd laga dhigto.

2-Waxaa kale oo heshiiskooda ka mid ahaa in ay ku soo xirayaan gudoomiyaha baarlamaanka ee aan loo baahneyn 275 mudane baarlamaan ah in cod iyo taagero laga raadiyo.

3-R Wasaaraha ayaa u sheegay ragaan hadii ay prof Jawaari isaga ku soo xiraan mooshinka ka yaalona ay ku guuleystaan iney is hortaagaan uu isagane siin doono xilalka wasiirada Maaliyada ,Qorsheynta iyo Gaadiidka iyo duulista hawada isagoo u sii kala cadeeyey in Xasan Abshirna loo dhiibi doono Wasaarada Qorsheynta, Prof Gaandina Maaliyada halka Jurile loo dhiibayo xilka uu ku magacaaban yahay Qoorsheel.

HADABA XAGEEY ARINTII KA BILAABEEN RAGAAN AANU KOR KU SOO XUSNAY.

Weerarkoodii ugu horeeyey waxey ka bilaabeen sidii ay gudoomiyaha baarlamaanka gacanta ugu soo dhigi lahaayeen iyagoo u maraya wadooyin kala duwan waxeyna markii uu qilaafka madaxweynaha iyo R Wasaaraha soo shaac baxay sidadban iyo sitoos ahba gudoomiyaha ugu sheegeen in aysan aqbaleyn mooshinkaas hadii uu meel marona hadii ay yahiin beesha Daarood ka bixi doonaan dowlada dhan. Dabcan waa rag u cararaya xilal ayhayaan rag kale oo Daarood ah laakinse tani waxey qeyb ka aheyd siyaasadahii la doonayey in gudoonka baarlamaanka loo tusiyo in ay arintu qabiil iskugu biyo shuban doonto.

Dib uguma laabaneyno qaabkii qaldanaa ee uu gudoomiyaha baarlamaanka kulamadii baarlamaanka u marin gabaabiyey iyo sida uu 138 mudane baarlamaan mowqifkooda uga dhigay wax aan jirin laakinse 3 xildhibaan uu taladooda qaatay ka hadalkeeda wax micno ah sooma siyaadineyso waxaase micno weyn sameeynayo halka ay maanta wax marayaan iyo waxii keenay in maalinta talaatada loo asteeyo xiliga uu dhacayo kulanka baarlamaanka.

HADABA XAGEEY WAX U MARAYAAN R WASAARAHA IYO TIRADII XILDHIBAANADA AHEYD EE TAAGERSANEYD.

Hadaan kala qaadno siyaasada R Wasaaraha iyo xildhibaanadii taageersanaa waxaan u kala qaadeynaa labo kooxood.kooxda koowaad waa R Wasaaraha, Xasan Abshir , Jurile iyo Prof Gaandi Afartaan waxey isla garteen in mooshinka la baajiyo mudo cayiman R Wasaare Cabdiwelina madaxweynaha ku xiro sharuud ah inuu warqada iscasilaada hadii uu qorayo 5 million oo dolar sheegto si ugu danbeyn 2 ilaa 3 million loo helo iyaguna 10% ay ku leeyahiin waxii la helo maadaama ay iyagu keeneen xildhibaanada R Wasaaraha taageersana ee fowdada sameeyey ay sheegeen in ay kala dirayaan una sheegayaan in R wasaarahu tanaasulay hadii lacagtaas la helo.

Hadiisa la waayo dhaqaalahaas maadaama ay sheegeen in uu gacanta ugu jiro gudoomiyaha baarlamaanka prof Jawaari fowdadii dhaweyd ee ka dhacday kulamadii baarlamaankana kala shaqeeyey waxey sheekeen in loo sheego amaba lagu qanciyo in uu wada hadal hoose u socdo madaxweybaha iyo R wasaaraha, iska iloow maslaxo guud iyo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed oo laga hadlo si uu dib ugu dhigo mooshinka mudo isbuc ah prof Jawaari.

Kooxda kale waxaa u badan kuwo aan iyagu war iyo wacaal u heyn halka ay wax marayaan xitaa hadii dhaqaalahaas la helo iyo hadii la waayo iyaga howshoodu waa waxii fowdo ah ee loo baahdo kaliya in ay fuliyaan weliba xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood marka beelaha Soomaaliyeed laga hadlayo loolankaan waxaa siweyn ugu dhex lumay xildhibaanada ka soo jeeda beesha Murusadaha dib ayaan keligood qoraal dheer uga sameyn doonaa sida loo isticmaalay iyo meesha looga dhaqaaqay.

MOOSHINKA QAABKA UU U DHICI DOONO.

Mooshinkaan hadii dhaqaalahaas la siin waayo R wasaaraha marka baarlamaanka leysku yimaado prof Jawaari codka sida ay u codeeyaan inta badan xildhibaanada ka soo horjeeda siyassada R wasaaraha si ka duwan ayuu gudoonka baarlamaanka ugu dhawaaqi doonaa waa sida aanu ka soo xiganay 3daan shaqsi rag ka ag dhaw,aqligaada la kaasho hadii uu prof Jawaari mashruuca qeyb ka tahay iyo hadii ay ugu talo galeen in ay sumcada uga ciyaaran.hadiise dhaqaalahaas laaluushkaa ee ay sheegteen R Wasaare Cabdiweli, Xasan Abshir, Jurile iyo Gaandi la bixiyo xili ay macluul u dhimanayaan shacab badan oo Soomaaliyeed nolol maalmeedkooda la xarbinaya oo ay lacagtaas ku dhacdo hadba meeshii ay sheegtaan ragaan mooshinkaas 24 saac gudahood ayaa golaha shacabka lagu horkeenayaa iyadoo sikale loo dhigay.

Waxeysa su, aal ka taagan tahay hadii prof Jawaari 275 xildhibaan oo baarlamanteeriyaan ah 138 ka mid ah warkooda meel ka soo qaadi waayo oo uu ragaan aan danta Soomaaliyeed iska daaye mida beeshooda aan u joogin ee xil wasiiro doonayo siyaasadahooda qariban ku taageero si ay tashuush u dhax dhigaan xildhibaanada isaga sidee loo aamini doonaa mustaqbalka?

Hadiise R wasaare kasta malaayiin dolar in la siiyo dalbanayo marka uu xafiiska baneynayo oo midka imaan doono sii ogyahay in ay jirto wado dhaw oo lagu taajirayo dowladnimada aan ka hadleyno ee Soomaaliweyn dooneyso waa midee?

Rumeyso ama ha rumeysan Dalka Soomaaliya maanta kama jiro gole shacab oo shaqeeya waa macquul in ay xildhibaano badan weli moodaan in ay wax badan sidii hore yahiin baarlamaankii waxuu u afduuban yahay koox yar oo garab ka heleyso gudoomiyaha baarlamaanka mana jiri doono mooshin loo codeyn doonoyo gole shacab oo sidii hore isku aaminsan waxeyna waxkadsta ka qaldameen hogaanka sare ee baarlamaanka ilaa meeshaas laga soo saxo arintane xitaa hadii ay xukumada hada jirta meesha ka baxdo fidnada baarlamaanka meesheeda ayey ka sii jiri doontaa qacabadaha hada jira mid ka sii xun ayeyna la kulmi doontaa xukumada midaan ka danbeysa waayo R wasaarahu 1 saac gudaheed ayuu isku casili karaa isagoo aan cod kalsooni kala noqosho leysla gaarin laakinse waxaa la doonayaa inuu xilka ka dego baarlamaanka oo labo u kala jaban si fowdada u sii socoto hadalkii Nicols Kayna run u noqdo dalka Soomaaliyana caalamka ula muuqdo wadan qofkii dantiisa gaarka ah ka dhex waayo siyaasada guudna siduu doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu cayaara.

Isku soo duuboo hadii uusan si deg deg ah xilkiisa iska casilin R wasaaraha ay wada shaqeyn waayeen madaxweynahii soo magacaabay oo aan sanadka cusub ka hor la helin xukumad cusub waxaa hal mar isla bur buri doono baarlamaanka iyo xukumada markaas kedib ayaanu arki doonaa iyadoo wax badan oo ay hada sahlanayaan gudoonka baarlamasnka oo laga qoomameynayo amaba mediyaha leyska eedeyn doono wadankana sidaas ku galo fowdo iyo dagaalo sokeeye xili ay arimahan oo dhan u dhacayaan difaaca loogu jiro R wasaare qabiili ah oo bulshada Soomaaliyeed mudadii yareyd uu dalka R wasaaraha ka ahaa kala dilay xili ay ka soo kabsanayeen dagaaladii sokeeye.

La soco wararkeena danbe iyo siyaasada Soomaaliya

isha warka Hiran State
admin@hiranstate.com
webmaster@hiranstate.com

Tus

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,637,886 unique visits