Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inkasta oo ay colaad kasta oo ka dhacda qeyb dalka Soomaaliya ka mid ah huriyaan amaba sabab u noqdaan tiro bulshadaas ka mid ah , hadane waxaa jira qaar bulshada ka mid ah oo markasta jecel nabada si ay Shacabka Soomaaliyeed wadankooda u dhistaan bulshada caalamkana wax ula qeybsadaan si ay u noqdaan bulsho dhinackasta ka dhisan ayaa waxaanu maanta warbixin kooban ka soo diyaarinay dadaalo wax ku ool ah bilaaw fiicana ah u ah sidii looga hortagi lahaa colaad danbe.

HADABA KHASAARAHII DAGAALKA IYO RAJADA IN AY DADKII GURYAHOODA KA BARAKACAY SI NABAD AH UGU SOO LAABTAAN.

Hadaan soo koobno qasaaraha dagaalkaas intii dhimatay weyba dhimataye waxaa ugu weyn in ay shacabkooda u horseedeen colaad iyo barakac aan laga fiirsan cawaaqibka ay reebi karto ayaa hadane waxuu dagaalkaas saameyn xoogan ku yeeshay noloshii dadka iyo duunyada siiba kuwii degenaa tuulooyinka Deefow iyo Kabxanley waayo 1990 ilaa 2013 intii u dhaxeysay waligood waxii Hiiraan dagaalo soo maray hadey noqon laheyd midki lala galay dowladii Kacaanka amaba kuwii ka danbeeyey iyagu wax saameyn ah kuma yeelan waayo waxey Hiiraan ku heysteen ixtiraam gooyni ah oo waxaa loogu yeeri jiray culimada.

Hayeeshee waa tii horey loo yiri talo iskuma kaa sheegtee waxey sanadahii ugu danbeeyey iyagoo hafaf iyo siyaasado aan dadkooda iyo deegaankii ay mudo 100 sano ku dhawaad degenaayeen laguna soo dhaweeyey colaad ka huriyaan ygu danbeyna ay tuulooyinka aan kor kusoo sheegnay noqdaan goob colaadeed.

Hadaba dadaalo wajiyo badan marka dhinackasta laga eegona ay suuro gal tahay in ay dib degaankooda si babad ah ugu noolaadaan amaba ugu soo laabtaan shacabkii halkaas ka qaxay mustaqbalka dhaw ayaa waxaa wado dad ahaluqeyr ah.

Inkasta oo uusan weli dhicin amaba aan la iclaamin golol nabadeed si loo soo afjaro colaadahaas micnadarada ah hadane warbixinta aanu siyaabo kale duwan ku heleyno ayaa tilmaameyso in inta sharta iyo colaada u ololeyneysa ay hada waxoogaa ka badan yahiin inta wanaaga iyo samaha jecel taasi oo hadii ay dadaaladan oo hada bilaaw fiican ah badankoodna dalka gudahiisa iyo dibada ka socda.

Isku soo duuboo shacabka Deefoow iyo Kabxanley wax haba yaraatee dan ah oo ugu jira colaad ma jirto weligoodna wiil uguma dhiman Hiiraan mid ugu dhasho maahane wiilka amaba gebedha Ugu dhinta Hiiraane waxuu inta badan u dhiman jiray ama inuu Mas qaniino iyo in uu Yaxaas webiga iyagoo biyo ka dhaansanayo sidaas ku dilo.

Sidoo kale marka kuwa dagaalamayo laga soo tago waxaan warbixin kooban ka soo diyaarin doonaa qaabka dagaalkaan uga macaashaan shaqsiyaad amaba beel Hiiraan dhinac ka degan,tolow beeshaas ma JaJeelaa? Dhawaan naga filo......

GUNTII IYO GABO GABADII

Inkasta oo aan la dheyelsan karin dadaalada nabada ee socda hadane wax leys bar bar dhigi karo maahan faraqa u dhaxeeya nabad iyo colaad waana muhiim intaba bulsho kasta oo Soomaaliyeed laga helayo tiro yar oo u ololeynayso nabad iyo wanaag in lagu dhiirageliyo si looga guuleysto inta colaada buun buunisa.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiran State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,580,932 unique visits