Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Inta aanan u guda gelin in aanu bulshada u soo bandhigno warbixino xaqiiqada ka turjumayo oo aanu kaka hadli doono siyaasada Soomaaliya kuwaasi oo aanu mudo dhawr bilood ah gelinay bal in aanu wax ka ogaano jiritaanka xaqiiqadooda iyo caqabadaha dowladkasta oo timaada amaba dalka ka curata hortaagan waqti badana ka lumiya bulshada iyadoo uu ugu danbeyn dalku lugaha la galo dib u dhac siyaasadeed muuqda.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in ay dadku fahmaan mar hadii ay wada shaqeyn dhax mariweysay R wasaarahii ugu danbeeyey iyo madaxweynaha midka cusub ee hada yimid maxuu kaka duwanaan doonaa amaba maxaa xiga magacaabistiisa?

Dalka Soomaaliyeed oo ah dal ka mid ah wadamada ay la hareen dagaalada sokeeye waxaa ragaadiyey siyaasado iyo fowdo ay intooda badan sabab u yahiin shaqsiyaad Soomaali ah iyo kooxo waayadii danbe siyaasada Soomaaliya si sahlan ku soo galayey kuwaasi oo marka hore iska dhiga urur diimeedyo laakinse marka danbe u xuubsiibta qowleysato dalka iyo dadka Soomaaliyeed u geysta boob iyo jahwareer siyaasadeed ay mararka qaarkood aad u adkaato in si sahlan looga soo kabmo.

Hadaan siyaasada Soomaaliya soo koobno maanta halka ay joogto.

Inkasta oo wax badan leyska indha tirayo hadane raxmada eebaheyna aan laga quusan bulshada Soomaaliyeed waxaa soo maray fursado aad qaali u ah waxaana intooda badan ka lumiyey xukumadahii ugu danbeeyey siiba labadii sano ee ugu danbeysay kuwii dalka ka curtay qaladaadka ay xukumadaas ku dhiiradeen iyo waxii keenay fashilkooda waxaan kaka hadli doonaa qormo gooyni ah oo uu qofkasta garaawsanayo laakinse waxaan manta ka hadleynaa 3 qodob oo ay dhamaantood ku adkeyd in ay wax ka qabtaan dowladahii kumeel gaarka ahaa iyo mida hada jirta oo u muuqaal eg mid aan waxbo dhaamin kumeel gaar.

Hadaan soo koobno 3da qodob ee aanu dooneyno in aanu bulshada u iftiimino?

1-Dalka Soomaaliya waxaa si dadban iyo toos ah dhamaan dowladahii wadanka ka curtay bur burkooda ugu wacnaa amaba jahwareerka ilaa hada taagan ugu wacan waa qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed siiba beelaha Mareexaan iyo Habargidir wax micne ahne ma sameyn in aanu dhahno waxaa dowladnimada Soomaaliya diidan qaar ka mid ah beelahaas laakiinse fowdada inteeda badan koofurta Soomaaliya ka taagan waxaa sabab u ahaa dhawrkii sano ee ugu danbeydsay labadan beelood qaabka qaldan ee ay siyaasada Soomaaliya ku doonayaan iney wax kaka noqdaan hadane xilalka muhiimkaa waxaad moodaa in lagu qancin jiray bal wax yar dib u eeg siyaasadaha ay doonayaan iney bulshada Soomaaliyeed kula noolaadaan hadane ay xilalka ugu muhiimsan ka helaan dowladkasta.

A) Beesha Mareexaan marka laga hadlayo qeybta ay ka helayeen dowladahii ugu danbeeyey oo aad moodo in si indho la,aan ah xilalka loo siin jiray waxey dalka Soomaaliya xilal muhiim ah ka heleen dowladahii ugu danbeeyey ee wadanka ka curtay iska iloow dowladii Kacaanka oo aan iyadu hogaamiyahii xiligaas jiray oo iyaga ka soo jeeday aan lagu dooran qabiil ee ku yimid kacdoon ay sameeyeen saraakiil badan oo Soomaaliyeed iyo afgambi, hayeeshee dowladahii ugu danbeeyey wey ka duwaneyd qaabka ay wax ku heli jireen.

Tusaale.

Dalka Soomaaliya ma jirot qabiil Soomaaliyeed oo aan aheyn beelaha Mareexaan iyo Habargidir oo manta sheeganayo magaca Ahalusna Waljameeca hadaad si kale u eegto Shabaab kaliya ayaa dagaal toos ah lagula jiraa xili ay xaqiiqo tahay in ay Ahalusuna Waljameeca kuwooda Jooga gobolka Gedo iyo kooxda joogta Galgaduud ay wada shaqeyn muuqato ka dhaxeyso xarakada Shabaab.

Waxaa taasi ka sii daran labadii R wasaare ee ugu danbeysay waxey ka soo jeedeen beesha Mareexaan mid ka mid ah 3da xil ee ugu sareeya ayeyna ku fadhiyeen mana jirin mid halmaalin ka hadlay kooxdaan magaca Ahalusuna ku dooneysa iney jaran jaro siyaasadeed ka dhigtaan.

Beesha Sade Mareexaan waxey ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed ee aan ilaa hada la aqoon waxa ay doonayaan hadii xilal muhiim ah la siiyo iyo hadaan la siinin wax ay ku qancayaan ilaa hada lama arko waxaana taasi ka marqaati ah.

Maamulka Ahmed Madoobe marka beelaha ka mid ah beel beel loo kala qaado iyagaa ugu badan hadane waa mucaarad. gobolka Gedo waxey ku joogaan magaco badan sida ciidamada Ahalusuna, kuwa dowlada iyo koox Shabaab ku hayaan magaalada ugu dhaqaalaha badan gobolka Gedo ee Baardheere, sidaasi ay tahayne wadankii waxey ka noqonayeen sanadahii ugu danbeeyey R wasaareyaal isku bed bedelay, hadaan soo koobno halka ay ku danbeyn doonto siyaasada beeshaani ugu yaraan 20 ilaa 30 sano saxada siyaasada Soomaaliya wey ka maqnaan doonaan siyaasi kasta oo yimaado dalkaan oo madaxweyne ka noqda haduusan iyaga ka soo jeedin wey adkaan doontaa in ay sidii hore siyaasada ugu hormuuqdaan weliba siyaasada hada muuqdo waxuu dhaawac muuqda mustaqbalka u geysan doonaa shaqsiyaad badan oo iyaga beel ahaan ka soo jeeda oo dalka aad looga jecel yahay sida Farmaajo oo kale waayo dakdu waa indho ku garaadle waxaa imaan doono in xisbiga Tayo oo uu hada Farmaajo ka yahay shaqsi fir fircoon siyaasadiisuna ay Soomaali badan jecelshay uu saameyn xoogan ku yeesho siyaasadahan aan salka iyo danta guud ku qotomin ee waayadii danbe doonayeen iney bulshada ka dhax joogaan kaliya si ay sadbursi ugu helaan magacyadaan faraha badan iyo kooxo diimeedyadan waayo ma jirot beel Soomaaliyeed oo dooneysa inuu wadankooda hogaamiyo R wasaare dowladii uu ka tirsanaa ay beeshiisa iyop degaankii uu ka soo jeeday laga mucaaradayo amaba magacyo urur la sheeganayo cid amarkiisa dhageysaneysa.

B) Sidoo kale beesha Habargidir marka loo eego dhaqanadii ay bulshada la dhex joogi jireen waayadii hore wax badan ayey badankood maanta dhaamaan waxaana marka iyaga la sii kala qaado dib u dhac xoogan oo siyaasadeed iyo mid deegaan ku haya jufada Ceyrka oo iyadu ah mida beeshaani maanta jahwareerka siyaasadeed ku heysa. weliba Ceyrka hadii iyaga qudhooda la sii kala qaado waxaa dhibta ugu badan ku haya qolada uuka dhashay C/qaasim Salaad Xasan oo la yiraahdo Cabsiiye sabatuna waxey tahay markaan dhinacyo badan ka eegnay waxey dush sare ka maamulaan siyaasada, dhaqaalaha iyo dhaqanka oo dhamaan waxaa waxkasta isku ah iyaga Ugaaska iyagoow ka soo jeedaa, ganacsiga la sheego oo ay leeyahiin jufadaan iyaguu gacantooda ku jiraa siyaasadiina waxaa markasta hogaamiya iyaga sidaasi ay tahay Ceyrka kale waxey askar u yahiin iyagaas jiritaanka arintaasne qofkii aan maanta ogeyn waa qof aan dooneyn inuu dib u eego meesha ay dhibaatada beelaha Soomaaliyeed qaarkood ka soo askuntay.

Dhismahii maamul goboleedkii G/dhexe caqabadah ahortaagan iyo xaqiiqada in uu fashilmo maamulkaas.

Hadaan soo koobno rajada laga qabo in ay bulshada Mudug iyo Galgaduud helaan maamul goboleed tayo leh ayna hogaanka u hayaan shaqsiyaad aqoonyahano ah in uu maamulkaas dhismo ma hortaagno Puntland amaba Habargidirta kale siiba Sacad iyo Saleemaan amaba beelaha kale ee deegaankaas wax ka degan,waxaa hortaagan jufada Ceyrka hadaanse sii faah faahino qaabka ay u hortaagan yahiin.

Dowlad ayaa wadanka ka jirto Galgaduud waxaa madax ay dowlada ugu dhigtay nin iyag aka dhashay, Ximin iyo Xeeb waa maamulo bilaaw fiican ah oo hormood ka ah dhismaha maamulkaan waxaana horey loo iclaamiyey in shirarka ugu horeeya lagu qabto Cadaado wax dhib ahne kama taagneyn laakinse dad badan waxey isweydiinayaan waxa hada keenay in uu gobolka Galgaduud dagaal ka dhaco oo ay isku dagaalaan ciidamo midna magaca dowlada ku dagaal galayo midna Ahalusan Waljameeca?

Waxaa nasiib daro weyn ah madaxweynaha maanta leh waxaan hogaamiyanayaa Soomaaliweyn oo aan madaxweyne u ahey oo hadane maalinkasta ay dhegahiisu ku dhacayaan magaca Ahalusuna misane leh waxaan dagaal kula jiraa Shabaab hadane koox aan dowlad in ay wadanka ka dhalato mabdaiyan aan dooneyn waxbo ka qaban Karin tiiyoo ay Shabaab wada shaqeystaan kuwa Ahalusuna sheeganayo.

Waxaa taasi ka sii daran Galgaduud waxa hada dagaalka ka wado waa Cabdiwaal oo sidan xog rasmi ah ku heleyno u shaqeeya kooxda Shabaab markii uu Mogdishu uga soo cararay hayadda nabad sugidana ay wadada dheer Shabaab soo marsiiyeen ilaa ay ka keenaan Guriceel waxaan ahalkaas ku soo dhaweeyey isla kooxda Ahalusuna iyo Shabaab weliba ciidamada dowlada iska daaye waxaa Galgaduud jooga kuwa Amisom waxbona lagama qaban karo.

Hadaba maxaa xiga magacaabista R wasaaraha cusub?

R wasaaraha cusub waxuu xaq u leeyahay in loo soo dhaweeyo sidii kuwii ka horeeyey loo soo dhaweeyey waqtina la siiyo,laakinse hadaan soo koobno waxa ay isaga iyo xukumadiisa cusub qaban karaan inagoo aan rajo beel ku rideyn bulshada Soomaaliyeed xogta aan hada heleyno 2015 ka dhaqaalo badan wey sameyn doonaan isaga iyo madaxweynaha wax qilaaf ahne ma Jiri doono oo arintaas wey ku dadaali doonaan laakinse rajo beelka ugu weyn waxuu ka jiraa qodobadan.


1- Wadan maahan wadan aysan dowladiisu gacanta ku wada heyn tiiyo aysan muuqan rajo lagu dhameystiri karo howlaha harsan waxaana muuqan doonto in uusan marnaba isbedeli doonini mucaaradkii markasta dowlada dhexe uga imaan jiray maamulka Puntland ama R wasaarha cusub qabiil ahaan deegaanadaas haka soo jeedo ama yuusan ka soo jeedin waayo qaabka uu maamulkaas u dhisan yahay ayaanba aheyn mid saamaxaya inuu dowlad dhexe la shaqeeyo waxaase macquul ah in labo ilaa 3 safar oo uu Puntland ku tago madaxweynaha lag ashaqeeyo inta lagu jiro bisha ugu horeysa amaba mida ku xigta maadaama labadaas bilood aad leysku xiiseynayo oo la doonayo hada wada hadalo aan telefon dhaafsiisneyn si loogu ekeysiiyo run.

2- Beesha uu madaxweynaha ka soo jeedo oo bilaaw iyo dhamaad ka soo horjeesatay in xilka R wasaaraha loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda beesha Ogaadeen wax badan kalama socdaan siyaasadaha qaarkood waxey iyagu arintooda ku soo koobeen in Abgaal iyo Majeerteen weligood siyaasad ku mideysnaayeen laakisne bilo kedib waxaa si rasmi ah siyaasada guud ee dalka ula wareegayo koox uu hor boodayo C/Rashiid oo horey loogu bixiye qaswadayaasha Soomaaliya kuwaasi oo xilal ilaa heer wasiiro iyo Safiiro xukumadan cusub ka iyo Shaqsiyaad uu ka mid yahay Shariif Xasan oo hada maamulka Koofur Galbeed madax ka ah oo doonaya soona bandhigi doono dhawaan in mooshin laga keeno gudoonka baarlamaanka 2016 ka intaan la gaarin marka aan leenahay R wasaaraha cusub iyo xukumadiisa wax badanma qaban doonaane waxaan ula jeedno waa halka ay ugu danbeyn siyaasada Cumar Cabdirashiid iyo kooxdiisa ku danbeyn doonto xildhibaanada baarlamaanka waxey badankood ku dadaali doonaan mustaqbalka maadaama iyaga qudhooda ay shacabkrajo beel ka joogaan qaabka ay u shaqeeyaan waxii ka danbeeyey fowdadii dhaweyd gu yaraan waxebadankood difaaci doonaan mooshinka uu Shariif Xasan ka keeni doono Prof Jawaari sidaas ayaana 2016 ka lagu gaari doonaa iyadoo farqaha leysku wada dhegen yahay.

3- Arinta aysan dad badan ogeyn oo hada miiska u saran dowladaha ay ciidamadoodu joogaan dalka Soomaaliya ee Amsiom ma jirot dagaal danbe oo muuqda oo ayla geli doonaan Shabaab waxeyna howlgalkooda ugu horeya bilaabi doonaan markaay 3 bilood oo qura ka dhiman tahay shirka New Deal looga hadli doono 2015 ka waxeyna wararkii ugu danbeyey sheegayaan in ay ciidamada Amisom ee jooga go badan iska eeganayaan dhibaatada iyo dagaalada ay Shabaab ku hayaan bulshada deegaanadaas tiiyoo fowdada Ahalusuna u dheertahay.


Isku soo duuboo dowlad rasmi ah waxey wadanka ka dhalan doontaa marka shaqsiga madaxdaa uu deegaankiisa iyo beeshiisa ku soo xiro dowlada dhexeuuna ogolaan waayo isagoo masuuliyad sheeganayo in ay wadankala maamulaan kooxo diimeedyo iyo ururo amaba shaqsiyaad qas wadayaal ah.

Ugu danbeyn dalka Soomaaliya waxaa hada wax lagu helaan inaad wax bulshada ka yaabiyo sameyso amaba aad mucaarad noqonto waana mida maanta suuro gelisay in ay dalka si sahlan xilal culus oo ilaa heer wasiiro amaba safiiro helaan hadba qofkii maalmo mediyaha ka qeyliya sidaba ay hada u qorsheynayaan iney kooxdii qaswadayaasha loogu magacdaray sidaan sahlan ugu soo laabteen saxada siyaasada.

R/wasaaraha ma heli doonaa kalsoonida baarlamaanka iyo waa helaa hada ma joogto waxey xaaladu tahay doorashada ay Soomaali badan ka hadlayaan 2016 ka yaa u qabanayo?

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,588,844 unique visits