Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Ciidamada Amisom ee Soomaliya jooga

Wararka MaantaHS:- Soomaalidu waxey tiraahdaa waxii aad qarsato ayaa qurun kugu noqda mustaqbalka hadii ay xiligii loo baahnaa sheegitaankooda kula dhaafaane xili ay xeero iyo faldhaan kala dhaceen hadaad sheegto in laguugu qoslo maahine waxbo kuuma taraan.

Hadaba dalka Soomaaliya umadeenu aad ayey ugu bahdilan tahay dhibaatada ugu weyna waa ciidamada Africanka ah ee laga soo aruuriyey ilaa hadana laga soo wado dowlado aanu isku dhaqan iyo diinba aheyn dadkeena.

Waxuu shaki xoogan kaa galayaa hadiiba ay dhacdo amaba kuu suuro gasho in aad booqato goobaha ay dalka ka degan yahiin ciidamada Amisom siiba xerada Xalane amaba ay wadanka gees ka gees u joogaan ciidamo magaca Amisom kaliya loo huwiyey laakisne ka socda dalka aanu jaarka nahay ee Ethiopia gobol, degmo amaba tuulo ku taalo koofurta Soomaaliya oo uusan calanka Ethiopia ka lulaleyn ma jirto Soomaalida kudaha ku noolna waxey ka mid noqotay nolol maalmeedkooda kalama jeclo waxaa dhintay damiirkii iyo jiritaankii waxaan ma rabno lagu dhihi lahaa waayo mudadii dheereyd ee ay coladaha iyo dagaalda sokeeye ku jireen ayaa laga shaqeystay.

Waxaa qaracan iyo calool xumo bulshada ug ufilan waxaad arkeysaa shaqsi masuul ayaan ahey leh oo ay hadane ilaalo ka yahiin ciidamo ajnabi ah oo la leeyahay waxaa laga ilaalinaya Soomaalida. waxaad arkeysaa iyadoo ay ciidamo kor u dhaafayo 20 kun oo African ah joogaan in diyaarad loo adeegsanayo xitaa hadii ay madaxda Soomaalidu aadayaan Afgooye iyo Balcad waayo dhulka waa la mari karaa laakisne diyaarado erokabtaro ah ayey Amsiom la yimaadeen dalka sidii basaskii Ceel Gaabta ka bixi jiray ayey wadanka iskaka kala kooshaan midkastan halkii tariib waxaa ku baxa kumaan dolar.

Tusaale hadii wasiir booqdo degmo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa ku baxdo erokabtarka lagu qaadayo iyo saacada ay sugeyso amab asafarka ku guda jiro waxaa sidii shaqsi aan wadanka u dhalan ku socdo kumaan dolar oo la sheego in ay ka mid tahay lacagaha ay shacabku dhegaha ka maqlaan ee la sheego in loogu deeqay dalka Soomaaliya ee malaayiinta dolar ah.

Waxaa taasi ka sii daran dowladaha ay ciidamada ka joogaan waxaa ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan wadamada Ethiopia iyo Uganda labadan dowladood wadankaan iney waayadan ka baxaan qorshaha uguma jirot sidoo kale waxkasta oo ay isticmaalayaan waxey kala yimaadaan dalalkooda dadka Soomaaliyeed ee ay wadankooda joogaan waxbo sooma geliyaan weliba dhamaan shaqooyinka muhiimka ah ee xafiisyada ee loogu talo galay in Soomaalida looga faaideeyo iyagaa dadkii ka shaqeynayey wadamadood akala yimaado cuntada ay cunaane waxaa qandaraas kuheysto dad wadamadooda u dhashay.

Sidoo kale hadii ay caawa ugu talo galaan iney qaarajiyaan madaxweynaha, R wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka xitaa kuma qadaneyso wax ka yar one minute hadii bil ilaa labo bilood keliya mushaarka ay ka helaan dowladaha reer galbeedka laga hakiyo dharaar cad ayey dalka dhan boob ka geysanayaan.

Waxaa kale oo iyaduna xusid mudan markii aan dhianckast aka eegnay masuuliyiinta Soomaalida siiba sedaxda hayadood ee dowlada hada jirta iyo weliba shacabka waanu weynay weynay qof leh ciidamada Amisom mudadaas ayey dalka ka bixi doonaan amab axitaa ololaheeda wado.


Isku soo duubo dalka Soomaaliya tii ilaahey waa gooyni rajo lagama qabo inta ay ciidamo African ah joogaan wadanka inuu dalkaasi dego amaba xasilo.

Isha warka Hiiraan State
admin@hiranstate.com
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,584,234 unique visits