Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Dhibaatada ugu weyn ee ay dalka Soomaaliya ku heysto qaramada midoobay waxaa ugu weyn waxey si sahlan wadankaan dhinac kast aka bur buray u soo diraan shaqsiyaad ay ugu yeereen Envoy wakiil uga ah hadba wadankii ay ka dhacaan dagaalo sokeeye sida Soomaaliya oo kale.

25 mtii sano ee ugu danbeysay waxey qaramada Midoobay dalka Soomaaliya u soo magacaabeen shaqsiyaad kala duwan dhamantoodna marka lag areebo Maxamed Sahnuun oo aanu horey uga soo hadalnay mudadii uu joogay dadaalkii uu u galay bulshada Soomaaliyeed hadane A mahiga waxuu ahaa Envoy wadan loo bedelo kii ugu xumaa maanta maalin aan aheyn ayeyna dad badan xasuusan doonaan.

Mahiga marka loo eego qaramada midoobay waxey ugu yeeri jireen wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya Amb Mahiga, laakisne mark aloo eego Soomaalida dhexdeed awaxey u yaqiineen Playboy kedib markii sawiro looga qaaday isagoo haween Soomaaliyeed kula haasaawaaya xaflado lagu qabtay mudadii uu joogay magaalooyinka Minnapols iyo Ottawa bahdil intaas ka weyn oo shacab uu wadankooda bur buray lagu sameyn lahaa ma jirto tiiyoo uu saaxib la noqday sida la sheegay haweeney Soomaali ah masuuliyiintii Soomaalida aheyd ee xiligaasi jirtayna farta ugu yeeri jiray....

Maanta waxaa bedelay oo booskiisa jooga Nikols Key waxaan qaabka uu u shaqeeyo xafiiskiisa wax ka qori doonaa marka ay noo soo gabo gaboowdo, waxaans u sheegeynaa Soomaali badan oo aan la socon siyaasada guud ee dalka in xafiiskaas ay ku baxdo malaayiin dolar laakinse aysan malaayiintaas dolar dhaafin xafiidska iyo howlwadeenadiisa .

Ma aanan maqal Ceel biyood la leeyahay UN-ka ayaa qoday waxaanse maqalnay amaba aragnay cerel biyood meelah aqaarkood laga qoday dhaqaalah ku baxayse ay dadku iyaga iska bixyeen taasi micnaheedu waa inta badan in ay ajaaniibta ka howlgasha dalka Soomaaliya ay halkaas u tageen noqon iyo mushaar sidii ay ku heli lahaayeen.

Nikols Key meelo badan oo uu dalka Soomaaliya tagay siiba gobolada qaarkood mar uu la kulmay shacabkii degaanadaas ku noolaa waxuu u sameeyey balan qaad inuu wax u qaban doono mana jirto meel uu wax muuqdo ka qabtay marka laha reebo.......

Isku soo duuboo marka laga reebo Soomaalida oo ah bulsho ay masiibo ku dhacday wadankooda waanu soo weynay cid dalkaas iyo dadkaas ka naxeysa amaba u maqan.

La soco wararkeena danbe calaamada Breaking Newska waxaan u isticmaalnay wadankii rajo badan kama jirto hadaan maanta loo istaagin oo aysan muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwooda damiirka weli ku danbeeyo u istaagin wadanka.

Isha warka Hiiraan State
admin@hiranstate.com
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,606,063 unique visits