Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 1
JimHet

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

M/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa oo noqday musharaxa ugu hadal heynta badan magaalada Mogdisho

Wararka MaantaIsniin 14, Maarso 2011 (HSOL)- Kedib kulan qado ahaa oo uu maalintii shaleyto aheyd ugu sameeyey xildhibaanada TFGda magaalada Nairobi m/weyanaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa ayaa mar aanu maanta la xariirnay magaalada Mogdisho waxaa si weyn looga hadal hayaa qaabka uu Prof Warfaa ku kasbanayo qeybaha kala duwan ee shacabka Somaliyeed isagoo gunta hoose waxkasta ka soo bilaabay.

Dadka magaalada Mogdisho ayaa hadalkooda ugu badan waxuu ahaa in Prof Warfaa uu yahay musharaxa kaliya ay arintaani dhab ka tahay halka musharaxiinta qaarkood sida Max'ed Qanyare oo maalintii shaleyto aheyd isagoo ka faa'ideysanaya qadadii uu xildhibaanada Somaliya u sameyey Prof Warfaa isaguna ka sheegay inuu musharax yahay arimahaasi oo kale Somaliya ceeb kama ahan laakinse aduunyada wax aan dhici karin ayey ka tahay taasina waxey sheegeen shacabka Somaliyeed ee magaalada Mogdisho oo waliba u badnaa dadka siyaasada iyo arimaha Somaliya daneeya iyo kuwoda dowlada dhexe xilal ka hayaba iney aad ula yaabeen sida Prof Warfaa ugu fur furan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed.

M/weynaha mustaqbalka Somaliya Prof Warfaa ayaa isagu ka dhawaajiyey in shacabka Somaliyeed waxa kaliya oo ay u baahan yahiin ay tahay hogaanka dalka ugu sareeya oo ay ka bilaabato cadaalada si bulshada inteeda kale ay u wada gaarto. waxuuna sheegay oo kaliya inuu wax ka qaban doono 3 qodob oo kaliya.

1- Cadaalada oo uu sheegay in ay Ilahey agtiisa ka tahay wax weyn loona baahan yahay iney wad gaarto shacabka Somaliyeed.

2- Jaahilnimada oo lala diriro si ay taasi u suuro gashane waa in caruurta Somaliya loo helo waxbarasho aas aasi ah ilaa mid Jaamacadeed iyadoon laga tageyn dhaqanka iyo diinteena suuban ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

3- Sinaanta oo iyaduna hoos imaaneysa cadaalada oo runtii ah waxa ay shacabka Somaliyeed u ooman yahiin. taasi oo ka dhigan in muwaadin kasta oo Somaliyeed aan laga xaqirin waxa uu la yimaado oo u xaq u leeyahay iyadoo leyska iloobayo nin jecleysiga iyo qabiilka amaba qabyaalada oo ah cudurka ugu horeeya oo Somali la halay lana doonayo in la dabar gooyo.

Arinta iyaduna ugu xiisaha badan ayaa ah in mararka qaarkood Prof Warfaa isku soo dhaweynayo shaqsiyaad Somali ah oo fikir ku kala tagay isagoonba walito noqon hogaankii dalka. waxey dad badan qirayaan in Prof Warfaa isku soo dumin karo shacabka Somaliyeed waayo ayey leeyahiin shacabka Somaliyeed isma dagaalsana ee cadaalad iyo sinaan ayaa ka maqan hadiiba la hayo qof leh anigaa iskudayaa ilaa xad inaan cadaalad ku hogaamiyo dalka maan u fududeyno ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Somaliyeed ee ku sugan Mogdisho.

Prof Warfaa ayaa inuu u istaago hogaanka dalka waxaa ku dhaliyey qaar ka mid ah shacabka Soamliyeed kedibna isagoo la tashanayo qoyskiisa oo ay ugu horeeyaan xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo waliba dadka ugu dhaw dhinaca qaraabada ayuu kedib qaatay go,aankii ka yimid Somaliweyn. Intaasi kedib waxuu kulamo kala kooyni kooyni ah ka bilabay wadanka Mareyskanka gobolo ka tirsan , kedibna waxuu ugu sii gudbay dalkaasi Kenya iyadoo uu ku sii jeedo Somaliya waa hadii ay isla gartaan dadka ay talada kala dhaxeyso oo ay isku fikirka yahiin. Prof Warfaa waxaa fikirkaan la qabo aqoonyahano Somaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee Somaliya waana team aad u habeysan sida wararku inagu soo gaarayaan marka loo eego sida ay xooga u sarayaan kasbashada shacabka Somaliyeed.

Muuqaalka iyo saadaasha inooga muuqata shacabka Somaliyeed awkeed ayaanu u aqoonsanay madaxweynaha mustaqbalka Somaliya ayey tiri mid ka mid ah haweenka Somaliyeed ee dan yarta ah ee Shaaha ku iibisa mid ka mid ah xaafadaha magaalada Mogdisho oo la yiraahdo Habibo

Muuqaalka guud ee dalka Somaliya iyo shacabkooda ayaa lagu wadaa inuu wax badan iska bedelo hadii hogaanka dalka loo doorto Prof Warfaa ayey leeyahiin inta badan shacabka Somaliyeed

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.01 seconds
14,667,310 unique visits