Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Waxaan dhawaan bulshada Soomaaliyeed u soo bandhignay in uu dagaalka ka socda Hiiraan iyo xadka uu gobokaas la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia in uu u dhaxeeyo ciidamo deegaanka ka soo jeeda iyo madaxweynaha Killinga 5aad Cabdi Cumar oo ay Soomaalida badankeed u taqaano Cabdi Iley.

Dib uguma laabaneyno dagaalkii ugu danbeeyey tiradii ku dhimatay iyo qaabkii uu u dhacay ka hor intii aan gudaha Ethiopia leysla gelin ee aan lagu jabin kuwii weerarka ku soo qaaday shacabka Hiiraan,waxaase muhiim ah in aanu iftiimino halka ay wax marayaan. sidoo kale waxaan bulshada u iftiiminay in ay dhibaato xoogan ku heysato beesha Direed raga halkaas ka jooga oo aad moodo in loo heshiiyey siyaabo kala duwana hubka looga qaato kedib markii qabiilkasta oo deegaanka degan isku sheegeen in ragaan hub fiican iyo dhaqaalo ka helaan Soomaaliland kedibna maxaa dhacay.

Inta badan hubkii gacantooda ku jiray dhalinyarada Direed waxaa si xeeladeysan gacantooda uga bixiyey beesha Ogaadeen kedib markii ay ka dhaadhiciyeen in ay soo wareejiyaan hubka si ay dhaliyarada Ogaadeen ugu xoreeyaan Hiiraan, kedibna dhawr qoray ayaa sidaas looga qaatay dagaalkii dhawaa dibna looguma soo celin gacantooda waxaana hada miiska u saaran in hubka gacantooda ku jira dhamaan lagala wareego siiba qoryaha ay Soomaalidu u taqaano BKM-ka iyo waxii ka weyn.

Sidoo kale beelo aan ka xusi karno qabiilka reer Shabeelaha oo aad u degan inta u dhaxeysa Galaafe iyo Feer Feer ayaa ka biyo diidsan in colaad laga abuuro xadka Hiiraan iyo Ethiopia u dhaxeeya maadaama ay dadka degaankaas ganacsigooda waxii uga soo go,a beerahooda u iibgeystaan magaalada Belet Weyne kana baqayaan hadii deegaankaas lagu dagaalamo inuu gabi ahaanba istaago ganacsigii Hiiraan uga imaan jiray iyo midkii ay iyagu geysan jireen kedib markii sida lagu soo waramayo dhamaan wadooyinkii loo mari jiray magaalada Belet Weyne dhinaca Hiiraan laga dhigay dhalinyaro deegaanka ka soo jeedo oo aad u abaabulan lamana oga in dhamaan wadooyinkaas dhalinyarada loo dhigay iney jaraan iyo in kale waxaase la hubaa in aan micno daro loo geyn halkaas.

Beesha Ogaadeen oo ay hada dagaalo kaka furan yahiin Jubooyinka oo uu Ahmed Madoobe maamulo dagaalka Hiiraan ma ku mideysan yahiin sidey u dhan yahiin mise waa mid ku kooban madaxweyanaha Killing 5aad iyo tiro yar oo taageerta kaliya?

Dagaalkaan beesha Ogaadeen wey ku kala aragti duwan yahiin waxaana sida warar sugan aanu ku heleyno waxgaradka Hiiraan siyaabo kala duwan ula soo xariirayey maalmahii tagay qabiilooyin kala duwan oo ay xitaa ku jiraan waxgarad ka soo jeeda beesha Ogaadeen oo dagaalkaan iska fogeynaya kedib markii uu dhawaan beelo kala duwan magaalada Goday kula kulmay Cabdi Iley una sheegay in gacan lagu siiyo dagaal uu ugu magac daray aargoosi, waxeysa wax badan isbedeleen in beelaha qaarkood u cuntami weyday arintaas doonayaane hadii Ogaadeen doonayo inuu ka aargoosto beel Soomaaliyeed in ay haboon tahay in u dagaalka geligiis galo waxii uu kala kulmaba waana mida keentay in ay waxgaradka Hiiraan la soo xariiraan ilaa 4 qabiil oo Soomaalida Killing 5aad wax ka degan una sheegaan xaqiiqada dhabta ah iyo sidey wax u jiraan.

Sidoo kale Ogaadeenka qolada la yiraahdo reer Cabdulle waxgaradkooda ayaa iyaguna qaarkood fariin u soo direen Hiiraan iyagoo codsanaya in aan wax loo geysan shacabka beeshaasi ka soo jeeda ee weli qaxootiga ku ah Hiiraan ee degan tuulada Camalow iyo nawaaxigeeda oo ka mid ahaa kuwii ka haray qaxootigii dib ugu laabtay Ethiopia iyagoona sheegeen in ay warcad ka soo saari doonaan dagaalkaan uu doonayo inuu labadan beelood dhex dhigo madaxa Killing 5aad.

Hadaba waa sidee dhinacaas iyo xadka Hiiraan xaalkeedu iyo sdiey u diyaar garoobeen.

Maadaama ay xog dhameystiran ka helayaan dhinacaas iyo Ethiopia oo aqbaarkasta si isdaba joog ah loo soo gaarsiinayo wal wal badan ma qabaan siweyn oo weliba rag dagaal yaqaan isku abaabulaan ayey u abaabulan yahiin waana rag nabadna yaqaano colaadna yaqaano waxeysa aad uga xunyahiin taariikh xumida walaalahii Direed ku heysato Goday iyo Feer Feer inta u dhaxeeyso maantana marayaan hubkiina keena inagaa idiin xoreyneyno Hiiraan iyo wax la mid ah koormee qabiil Soomaaliyeed damiirkiisa intaas gaaray oo hubkiisa rag qeyrkiis ah in ay ugu dagaalamaan oo sidaas loo bahdilo ogolaadaan dalkeena ka dhacday maadaama dhimasho loo wada siman yahay oo aysan jirin cid bir iyo dhigax ka sameysan kaliyana lagu kala duwan yahay hadafka dagaalka, waa aragtida aanu si kooban uga soo xiganay qaar ka mid ah ciidamada jiida hore ee difaacaya gobolka Hiiraan, waxeyna qaarkood ka jeclaan lahaayeen intii sidaas xad dhaafkaa loo bahdili lahaa in ay colaada nabad ku bedeshaan waayo colaadkasta waxey leetahay bilaaw iyo dhamaad laakinse waxaa quman in ay Dirtii Hiiraan ku barbaartay wax iskula haraan oo aysan ilaa xadkaas isbahdilin ayeyna hadalkooda ku soo qatimeen xili ay ciidamadu daawanayeen Video loogu geeyey furunta oo ay dhawr sano ka hor iska duubeen beesha Ogaadeen iyo qabiilo Daaroodka kale ah oo ay ugu magac dareen xasuuqii 1991, marka aanu leenahay dhalinayrada deegaanka waa ciidan diyaarsan waxaan ula jeednaa sida ay waxkasta ula socdaan dagaalkastana u wajahayaan qaabka uu ku bilaawdo.


HADII XABAD DANBE SHACABKA HIIRAAN LOOGA SOO RIDO GUDAHA ETHIOPIA QORSHAHA MIISKA U SAARAN WAXGARADKA HIIRAAN IYO SIDA LAGA YEELAYO CIIDAMADA ETHIOPIA OO DHAWR MEEL KAKA SUGAN HIIRAAN?

Dowlada Ethiopia maamulka Killing 5aad amaba dhulka Soomaali Galbeed iyadow maanta gacanteeda ku jiraa oo maamusha hadii bulshada Hiiraan xabad looga soo rido dhulka ay maamusho waxna ka qaban weyso dowlada dhexe ee Ethiopia taasi micnaheedu waa iney dagaalkaan qeyb ka tahay dowlada federalka Ethiopia sidaasi daraadeed waa dowlad ay dersinimo ka dhaxeyso bulshada Hiiraan wadankeedana ay ku nool yahiin shacab badan oo reer Hiiraan ah waxaa marka hore si degan looga codsan doonaa in iyagoo ku mahadsan cidamada ay Soomaaliya u soo direen siiba dhulka Hiiraan ay wadankooda dib ugu laabtaan Soomaaliland iyo Puntlandba waxaa dhulkooda ilaashada wiil deegaanka u dhashay oo Soomaali ah sidaasi daraadeed iyadoo ay Soomaaliweyn iyo aduunyada marqaarti ka yahiin dowlada federalka Soomaaliyana lala socodsiiyey ayaa warqad qoraal ah marka hore loo diri doonaa dhamaan hayadaha ay quseyso iyadoo sababta dhabta ah lagu cadeynayo.

Wararka qaarkood waxeyba sheegayaan in warqada iyo qaabkii loola hadli lahaa Ethiopianka, IGAD,Dowlada Soomaaliya ay diyaar tahay dibna loo dhigay inta hal dagaal amaba labo dagaal oo kale laga soo qaadayo gudaha Ethiopia oo ciidamo wadankaas ka socda oo ujeedo gaar ah wato Hiiraan ka soo weerarayaan.

Dabcan Soomaalidu waxey u barteen in ay buuq wax ku raadiyaan ciidamada Ethiopia iyadoo aan xabad lagu ridin laguna mudaharaadin ayaa lag acodsan doonaa in ay Hiiraan ka baxaan wadankoodana ku laabtaan qaabka Hiiraan loog asaarayo ciidamada Amsom oo ay Ethiopia ugu horeyso waxey furo iyo xal u noqon doontaa shacabka koofurta Soomaaliya oo iyaguna nidaamkaas mari doona sidaasina u soo deg degi doonto in ay gebi ahaanba dalka Soomaaliya meelaha ay ka joogaan ciidamada Africanka ah uga baxaan.

Isku soo duuboo Hiiraan waa meeshii ugu hioreysay oo iyadoo dowladii Kacaanka laga cabsanayo dharaar cad lagu yiri (Jidka ama Jeelle) markii ay xireen Cismaan Maxamed jeelle.

Hiiraan waa meeshii ugu horeysay ee dowladii Kacaanka laga xoreeyo dalka oo dhan iyadoo aan lag axoreynin waxey magaalada Bulo Burde noqotay magaaladii ugu horeysay ee gacanta dowladii awooda badneyd ka baxday.

Hiraan waxey aheyd meeshii ugu horeysya ee ay shacabkooda maalintii uu dalka ka baxay madaxweynahii geriyooday Siyaad Bare hubkii iska tiiriyeen oo colaada iska daayeen waxii loogu abaal gudayne weli wey muuqdaan shacabkooda.

Hada oo la marayo qarnigii 21aad mar hadii lagu qasbay in ay hubkooda dib u qaataan wax badan oo ay Soomaali badankeed afka ka ilaaliyaan iyagu kama gaban doonaan mar hadii duulaan lagu soo yahay dhulkooda jixin jix iyo cabsi haba yaraatee kuma soo arkin ciidamada difaacayo Hiiraan borobagaandana nagama ahan in joogitaanka ciidamad Ethiopia ee Hiiraan ku sugan go,aan cad laga gaari doono hadii ciidamo Killing 5aad ka socda Hiiraan duulaan mar kale ku soo qaadaan.

Isku soo duuboo dagaalkii dhawaan ka dhacay xadka Hiiraan iyo Ethiopia hadii lagu jabin lahaa ciidamada Hiiraan qorshahu waxuu ahaa in maamulka Puntlandna ay dagaal qaraar ku soo qaadaan magaalada Galkacyo dhamaanteedna la wareegaan maadaama shirar kala duwan oo ka dhacay dibada iyo gudaha go,aanadii lagu gaaray ay ka mid aheyd In beelahii ku abtirsan jiray Urur weynahii USC dhinackasta laga soo kuuso leyskuguna keeno xeebta Jazeera ilaa magaalada Cadaado inta u dhaxeysa.

Waxaa hadane leysweydiiyey in aysan arintaas hirgaleyn inta ay joogaan nimankaan reer Hiiraankaa oo ay istusiyeen dad hadafkooda meel marin karo si iyagaas lagu soo jiitana waxaa meelmar noqon waayey isku dayo badan oo xaqiiqo ah oo la sameeyey oo aysan xitaa ka warqabin beelaha kale ee USC-da.

Iyadoo la garan waayey meel wax laga bilaabo ayaa waxaa fursad loo arkey dagaalkii Kabxanley iyo Deefoow nimankii Dirta ahaa ilaa hada waxey isweydiin la yahiin Hiilada Ogaadeen halka ay ku danbeyn doonto iyo qorshaha guud ee dalka ka socdo waana midaas mida hada keentay in uu dagaalka ka weecdo iyaga oo ugu dhaxeeyo si toos ah........

Waxaa siweyn looga naxsan yahay hada maamulada dhismayo siiba midka hada loo fadhiyo gobolada dhexe ee lagu wado inuu ka furmo magaalooyinka Cadaado ama Dhuusa-Mareeb oo leys tusiyey in uu aad uga awood badnaan doono maamulka Puntland hadii sida uu ku socdo loogu guuleysto inuu dhismo.

Banaadir State oo ka kooban Banaadir iyo Sh/dhexe oo isaguna dhawaan gogoshiisa lagu qaban doono magaalada Jowhar, Balcad amaba Mogdishu midood.

Iyo ugu danbeyn Gobolka Hiiraan oo ay Soomaali badan u taqaano Golden State oo isaguna ku danbeyn doono maamul goboleed gelikiis taagan oo la yiraahdo Hiiraan State.

waxeysa Su'aal ka taagan tahay koormee la heli doonaa Soomaali mid ah oo isku ujeedo ah kuwa masuuliyiinta sheeganaya hadane shaatiga qabiil huwana laga guuleysan doonaa?
La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,613,682 unique visits