Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Inkasta oo aad moodo in uu hada guranayo madaxweynaha Soomaaliya mirahii ka soo baxay siyaasadii fowdada iyo jahwareerka ku qotontay ee ay dalka Soomaaliya ku hayeen kooxda uu ka tirsan yahay ee Dam Jadiid oo ay hada bulshada Soomaaliyeed indhaha ku hayaan lagana yaabo ineyba qadka dhan bilo gudahood uga baxaan.

Guusha Ugu weyn ee shirkaan ka dhacayo caasimada Soomaaliya.

Shirkaan hadii xaalada laga abaaro marxalada uu dalku ku sugan yahay iyo weliba sida ay shisheeyaha u doonayaan iney Soomaalida farahooda kala baxaan dalkaan quruxda badan,marba hadii ay kulmayaan labo qoys oo Soomaali ah iskaba daa madaxda qaranka iyo maamulada gobolada dadka hogaaminayee waa guul hadii kulankooda ka soo baxo in ugu yaraan ciidamada qaranka gees ka gees dalka la mideeyo siiba deegaanada ay magacooda ku hadlayaan ee aysan qaarkood gacantooda ku wada jirin oo ay magac uun ka sheegtaan sida Ahmed Madoobe oo ka taliya kaliya magaalada Kismaayo iyo Nawaaxigeeda iyo Shariif Xasan oo aan xitaa gaari amaba ciidamo Soomaaliyeed inta kaxeysto booqan karin 3 ilaa 4 KM duleedka magaalada Baydhabo isagoo aysan la socon ciidamo Ethiopian ah, oo ay hal magac qaataan ciidamda deegaanadaas kuwa aan shirkaan joogin ee aan laheyn maamulada goboladana iyagana sidaas oo kale ku dhiiradaan sida Banaadir State, Galgaduud/Mudug State iyo Hiiraan State in u dalku yeesho hal ciidan oo awood u leh inuu howlgalo ka fuliyaan meelkasta oo dalka ka mid ah.


Dhaliilaha uu shirkaan yeelan karo iyo wajigabaxa siyaasadeed ee ku dhici kara madaxda maamulada gobolada ee 3da ah.

Sida muuqato madaxweynaha Soomaaliya oo horey iskaka indhatiray sidii loo fududeyn lahaa dhismaha maamulada gobolada dhexe, Hiiraan iyo weliba Banaadir State markaad daawato muuqaalka sawirada laga soo qaaday goobta uu kula kulmay masuuliyintaan waxaa wejigiisa ka muuqata murugo xoogan waana mid uu isagu isku dhigay maadaama ay ragaan 3da ah ku heshiiyeen sida muuqata sidii ay lugaha iskugu dhufan lahaayeen siyaasada Xasan Sheikh iyo kooxdiisa oo aan awalba cago badan ku taagneyn xildhibaanada baarlamaanka oo u badan kuwa deegaanadaan ka soo jeedana meel u fadhiyaan wey iska catahay waqtiga uu sii ahaan karo madaxweynaha Soomaaliya inta ay sii jiri karto.

Madaxweyne Xasan waxaan horey ugu iftiiminay in ay xukunka ka tuuri doonaan rag uu qasab ugu dhiibay maamualda Jubooyinka iyo Koofur Galbeed siiba Ahmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

Tusaale.

Shacabka Bay iyo Bakool waxey 80% la dhacsanaayeen inuu hogaamiyo Madoobe Nuunoow Prof Jawaarina waxuu doonayey in siyaasada Bay iyo Bakool si qoto dheer looga baaraan dego dadkana loo madax baanaaneeyo arimahooda lama dhageysan sidey wax u dhaceen dib uguma laabaneyno iyo qaabkii wax badan loo jajuubay.

Hadaba halkuu Shariif Xasan ka bilaabay siyaasadiisa markii la yiri waxaad tahay madaxa 3da gobol, Bay, Bakool iyo SH/hoose?

Rumeyso ama ha rumeysan Shariif Xasan magac ahaan ayuu hogaamiyaa bulshada Koofur Galbeed wiil amaba geber qabiilkiisa hoose ee Asharaafta ah oo degaanadaas gaajo ugu dhimato amaba difaac ugu dhinto ma jirto ujeedadiisa ugu weyna waa sidii uu siyaasada guud ee dalka uga suulin lahaa gudoomiyaha baarlamaanka oo hada ah ninka kaliya ee inta uu afhayeenka baarlamaanka yahay Shariifka siyaasada Digil iyo Mirifle ilaa xad hor istaagi kara, inkasta oo ay jiraan mooshin ku wajahan gudoomiyaha baarlamaanka oo qorsheysanaa walow ay hada arinta madaxweynaha ka sahlanaatay sidii lagu ridi lahaa, hadane Shariif waxuu safar ku tagay Kismaayo isagoo wato qodobo horey ugu qornaa Maamulka Puntland kuwaasi oo u badnaa hanjabaad loo jedinayo dowlada federalka iyadoo loo hadlayo in ay ka godo talada iyo sidii laga yeeli lahaa mustaqbalka dowlada uu dalku yeelan doono iyaga kaliya xitaa weli gacanta kuma dhigin dhulka uu ku magacaaban yahay oo dhan ninka sidan u hanjabayo.

Sidoo kale Ahmed Madoobe waxaa keenay isla kooxda Dam Jadiid siiba Faarax C/qaadir ugu danbeyna maanta madaxweynahii yiri looguma yeeri karo hogaamiyaha Raaskaambooni ee ha loogu yeero madaxweynaha Jubaland waxuu kaka kalsoon yahay C/weli Gaas waayo meeshaan hebel waa saaxiibkey iyo isku koox ayaan nahay kama shaqeyneyso dal mudo colaad ku soo jiray sida Soomaaliya oo kale waayo waxkasta oo lagu dhiirado waxaa ka xoog badan qabiilka sidaasi daraadeed magaca Soomaaliya oo ay dad badan weli rajo ka qabaan deeganaada qaarkood rag ahogaamiyana waxaa ugala weyn qabiilkooda iyo sadbursi in wax lagu raadiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya siyaasadiisa halka ay ku danbeyn doonto.

Madaxweynaha Soomaaliya hadaan saadaal ka bixino qof kii ka nixi lahaa iyo kii ku farxi lahaaba ifafaaladaha muuqda waa ku deeyey oneway or another rajada laga qabo inuu sii ahaado madaxweyanaha Soomaaliyana aad ayey u tahay wax aan sahlaneyn calaf iyo nasiibse waa gooyni oo hadaba iyadoo aan la moodeyn inuu madaxweyne noqonayo ayuu rag badan uga guuleystay doorashii 2012 kii ka dhacday Caasimada Soomaaliya ee Mogdishu, watiguse waqtigii maahan, dad badan waxaa laga yaabaa iney ku mashquulsan yahiin baarlamaan ayaa diidan wasiiro xaqiiqadu waa in aan la kala jecleyn in la ansaxiyo gole wasiiro iyo in kale waxaa loo socdo waa sidii xilka 2016 ka ka hor looga xayuubin lahaa Xasan Sheikh.

Soomaalida waxey ku maah maahdaa nin aan kuu furi doonin yuusan kuu aroorin hadalkaas xigmad weyn ayaa ku jirta waana waxa maanta heysta madaxweynaha iyo kooxdii uu ka tirsanaa ee fashilkaan siyaasadeed geliyey sidey maalinba meel hor leh farta ugu fiiqayeen oo uu run u mooday.


Isku soo duuboo waxkasta oo ay soo saaraan koleyto waa wax ku koobnaan doona deegaanada ay metelaan ragaan hadii aysan qodobadooda ka mid aheyn arinta ciidamada XDS sidii loo mideyn lahaa si looga maarmo ciidamo shisheeye C/weli Gaas/ Ahmed Madoobe iyo Shariif Xasan koleyto waa koox sida muuqata iyaguna hal xisbi ah xawaaraha ay ku socdaan meesha uu ku danbeyn doono waxaan ku soo qaadan doonaa qoraaladeena danbe.

Xasan Sheikh ninka yiraahdo siyaasad ayuu yaqaanaa aley lehe waa qof dan ku wato isaga amaba waxoogaa dhac dhac ah ka helo Bal ka waran waqtiga uu geliyey dhismahii maamulada uu ka hirgeliyey deeganaada raga hada xukunka in ay ka tuuraan ku talo jiro kuwii uu magacooda ku helay kursiga uu ku fadhinaya waa iska indho tirayaa oo xataa hal maalin kama hadlayo gogosha loo fadhiyo gobolada dhexe ee la doonayo in maamul goboleed lagu curiyo,odaykii Soomaaliyeed waxaa laga hayaa Dabadaadiyoon dadneyn in aad dabo kale dado waa wax ula jeedo.

Walee wax badan heeso iyo gabayo waa loo tumay madaxweyne Xasan shacabkuna intii karaankood ah meelo badan oo caalamka ka mid ah waa ku soo dhaweeyeen sanadkii ugu horeyey ee uu xilkaan haayey hayeeshee sidii maalinba maalinta ka danbeysa waqti looga dilayey oo loogu mashquulinayey arimaha Jubooyinka iyo ridida Reysulwasaare kasta oo uu soo magacaabo isaga iyo koxdiisa waxey maanta siyaasadiisa mareysaa meel alow sahal ah.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,579,577 unique visits