Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Qorshe si hoose u socday oo ay waayadii danbe caasimada Soomaaliya iyo wadamo dibada ah ka wadeen wasiirkii hore ee cadaalada Faarax Cabdulqaadir iyo rag aanu ka xusi karono Xeer Ilaaliyaha iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabouti ayaa waxaa ku yimid hakadweyn kedib markii ay siweyn halmar isku bedeshay siyaasada dowlada oo ay dhamaanba meesha k abaxeen ragii hore siba wasiirkii hore ee cadaalada.

Hadaba hadaan soo koobno qorshaha hakadka galay ayaa ahaa sidii ururka Dam Jadiid doorashada soo socota u soo sharxan lahaayeen shaqsi aan aheyn madaxweynaha Soomaaliya oo horey u sheegay inuu yahay musharax u taagan doorashada soo socota, iaydoo ay taasi jirto ayaa waxaa dhinac akale si hoose olole xoogan oo aysan ka warqabin inta badan xubnaha ku bahoobay xisbig amadaxweynaha waxaa caasimada Soomaaliya iyo dhawr wadan oo dibadah ah ka waday wasiirkii hore ee cadaalada Farax C/qaadir iyo rag laga xusay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabouti , halka xeer ilaaliyaha uuba ragaan ka sii xagjirsan yahay.

Marka lag soo tago ragaan waxaa iyagana caasimada Soomaaliya ka waday dhalinyaro dib loog asoo celiyeye dibadaha iyo deego ka mid ah dhulka Soomaalida Ethiopia oo loogu yeeray iney yahiin xirfadle yaal amab amustaqbalka Dam Jadiid dhalinyaradii la wareegi laheyd. ragaan iyo dhalinyaradaan ayaa intii aan la ridin xukumadii dhaweyd ee gebi ahaanba laga saaray wasiiradii u badnaa garabka madaxweynaha siiba Faarax Cabdulqaadir ayaa waxey howshooda si kumeel gaar ah ugu wateen mid ka mid ah xaafadah aay ka kooban tahay magaalada Mogdishu sida la sheegayna dhawaan ku soo biirtay degmooyinka uuka kooban yahay gobolka Banaadir taasi oo uusan gaarin inta badan maamulka gobolka Banaadir maadaama ay ku taalo duleedka kore ee magaalada Mogdishu.

Iksu soo duuboo hadafka ragaan ayaa ahaa inuusan doorashada soo socota madaxweynaha Soomaaliya ka qeybgalin kuna mashquulsanaa sidii ay bilaha ugu danbeeya miiska u soo saari lahaayeen shaqsi cusub o oay iyaga wataan. dabacan nidaamka uu ururka madaxweynaha ka tirsan ku dhisan yahay u shaqeeyo amaba qaabdhismedkiisa ayaa ah in awood loo yeelo beelaha yar yar xilal muhiim ahne looga dhiibo jagooyinka dalka ugu muhiimsan taasina waxey dhashay in ururka ilaa Ethiopia dhalinyaro looga keeno si loo sii dababaro inta aan doorashada la gaarin.

Arintaan wararka qaarkood sida ay sheegayaan waxaa qeyb ka ah mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada XDS kaasi sida la sheegay qaraabo la ah safiirka Soomaaliya u joga dalka Jabouti.hadaba arinta sidii hore waxoogaa wey iska bedeshay tan iyo markii uu saxada ka baxay wasiirkii hore ee cadaalada oo isagu arintaan furo u ahaa mark alaga soo tago safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka jabouti.

wararka qaarkood ayaa sheegaya in ay ragaan taladaan in uusan madaxweynaha doorashada soo socota ka qeybgelin isl aqaateen kedib markii ay suuqa soo gashay in ay siweyn ugu diyaar garoobeen doorashada soo socot aururka Islaaxa oo ay doonayaan iney soo sharaxdaan asqoonyahan sida la sheegay dhalasho ahaan ka soo jeeda Hiiraan laakinse ku barbaaray gobolada jubooyinka kaasi oo ay wararka qaarkood sheegayaan inuu ku nool yahay waqooyig aAmeerica wallow aanu helin magaciisa rasmiga ah, laakinse waxaa lagu soo waramayaa in ay xubnaha ugu fir fircoon ururka Islaax qaarkood si horudhac ah talo ku soo jeediyeen dhawr shaqsi mid ka ay sharaxanayaan welina howsh aay qabyo u tahay leyskuna raacin qofka doorashada soo socota u metelaya.

Ragaan xisbiga madaxweyanaha ka mid ah ee uu hogaaminayo wasiirka cadaalada ayaa waxey leeyahiin hadii ay Islaax la yimaadaan wejiyo cusub fursada uu madaxweynaha ku soo laaban karo wey adagtahay iyo wax la mid ah laakinse fikirkaas hada wax baa iska bedelay oo arimahaas waxaa lag ahadlayey waxey aheyd intii aan xukuamda dhan laga dhigin wejiyo cusub.

Waxaad moodaa mararka qaarkood in uu madaxweynaha Soomaaliya daacad yahay waayo wasiirka cadaalada waxuu ahaa ninkii isaga daraadii xukunka loog atuuray 2 R wasaare isagana arimahiisa ayuu hosta ka watay waatii horey loo yiri siyaasadi dano joogto ah ayey leetahay ee saaxiib joogto ah ma leh.

Walee Faarax Cabdulqaadir iyo Xaafada Kaxda oo Mogdishu ku taalo xukumadii ayaa dhacday maahane howl culus ayey wadeen, weliba xaafadaas dilalka iy oqaraxyada Mogdishu inteeda kale ka dhaca iyadu kama dhacaan waayo rag siyaasada ku jira iyo rag kooxah axagjirkaa ka tirsan ayaa ka shaqeeyey in ay noqoto goob k acaagan gumaadka Mogdishuda kale ka jira maadaam ay xarun u tahay dhalinyaro meelo fog fog laga soo daadgureeyey oo qaaarkood ardey u badan markii ay dhawr bilood joogaane dibada loo diro kuwaasi oo loogu yeero dhalinta mustaqbalka siyaasada Dam Jadiid.

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate,com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,614,212 unique visits