Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Siyaasi Reer Hiiraan ah oo caan ah marna ka mid ah odoyaashii hore oo hadaan magaciisa soo qorno laga yaabo in ay dhamaan xildhibaanada ugu jiro baarlamaanka federalka beelahii ku abtirsan jiray USC Hawiye ma dhihi karnee waayo magacaas oo leyskugu gargaaro amaba leysku walaashado mar hore ayaa ugu danbeysay been qaawane bulshada uma soo qori karno hayeeshee waxaan qormadeena inagoo ka duuleyna odaygaas reer Hiiraankaa ku soo koobeynaa 3 qodob.

1- Bal weligaa maad aragtay Xildhibaan sheeganaya inuu ka soo jeedo amaba metelo shacabka ku nool Mudug ilaa Sh/hoose oo hadane meel la fadhiya nin soo dhistay Somaliland oo inta lacag iyo maamul uu ugu yeeray wadan sameystay hadane ay wada joogaan caasimada Soomaaliya ee Mogdishu oo la leeyahay waa xildhibaano qaran.

2- Ma weligaa ayaad aragtay nin sheeganaya xildhibaan ka soo jeeda deegaanada aanu kor ku soo sheeganay ee hadane meel la fadhiya Xildhibaan kale oo ay u dhisan tahay maamul goboleed la magac baxay Killing 5aad oo ku yaalo dhulka Soomaali Galbeed hadane xoog ku qabsaday goboladii Jubooyinka oo Mogdishu u jooga fidno iyo fowdo oo sidey maalinba meel horleh ugu boodayeen maanta baarlamaankii dhexdiisa ka sameystay wax loogu yeeray qudlado lagu bur burinayo dowlada federalka oo mushaarkooda laga bixiyo deegaanada ay ka soo jeedaan hadane meel la fadhiya kuwaan sheeganaya Hawiyaha ee deegaanadooda dayacay.

3- Ma weligaa ayaad aragtay nin meel la fadhiya Xasan Abshir iyo Jurile oo ay u dhisan tahay Maamulka Puntland oo caasimada Soomaaliya hadii ay danahooda ka waayaan dharaar cad leh dowlada federalka waxaanu kala laabanay galsoonida hadaan Puntland sidaad iyo sidaas loo yeeleyn.

Hadaba waxaa isweydiin leh in maanta deegaanada ay ka soo jeedaan xildhibaanadan ku abtirsanjiray beelahii wada dhisay USC noqdaan kuwa ugu colaada badan meelkastana laga soo kuuso shaahne ku wada cabayaan caasimada Soomaaliya iyagoo magac Hawiye Sheeganaya rag hoosta ka wada socda oo maalinkasta Mogdishu loo joogo sidii loo cuuriyaamin lahaa hadba dowladii ka dhalata Soomaaliya marba hadeysan hogaanka u heynin ragaan maamulada u soo dhistay beelahooda ee hadane caasimada Soomaaliya fidnada la jooga weligoodna aan ka shaqeyn wax wanaag u ah umada Soomaaliyeed in ay waxkasta ku saleeyasan danta qabiiladooda maahane.

Hadaba ma soo jeedineyno in dhaqanadaas foosha xun ee Soomaali kala dilayo looga daydo Xildhibaanada aan ka hadleyno iyo beelahooda ee waxaa muhiim ah in leys weydiiyo kaliya amaba Xildhibaanadaan Sheeganaya iney metelaan belweynta Hawiye maxey tahay sababta ciidamada Africanka ee Amsiom loogu soo daabulayo deegaanadooda? Maxey tahay aqliga siiyey in shacabka Direed ee ku nool waqooyi galbeed iyo kuwa Daarood ee ku nool Puntland u sahlay iney deegaanadooda nabadeystaan oo uu askariga jooga yahay wiil deegaankaas u dhashay, Maxey tahay aqliga ka danbeeya ee gobolka Galgaduud wadada waxii bari ka ah loo geeyey ciidamada Amsiom ee aan loo geyn waqooyiga Galgaduud.

Maxey tahay sababata ka danbeysa ee inta u dhaxeysa magaalooyinak Ceel Buur, Maxaas, Belet Weyne, Bulo Burde, Jowhar, Balcad, Mogdishu, 18 kun oo African ah loogu daadiyey oo aan loo heyn xili xitaa la hubo oo ay halkaas ka baxayaan.Hadaba Xildhibaanka sheeganaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ku joogo magacaan maqaar saarka ah ee Hawiye ee aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dhamaan beelahii ku abtirsan jiray USC marka laga reebo in idaacadaha oo kaliya war murtiyeed si macaan loo qoray kaliya bulshada loo soo bandhigo.

Hadaba xaqiiqadu waxey tahay in maanta madaxweynaha Soomaaliya iyadoo lagu xumeynaa magacaan Hawiye 62 xildhibaan ee baarlamaanka ku jirtana la kala qoqobo oo marka dowlada ay hogaankeeda hayaan la doonayo in la bur buriyo iyaga loo siticmaalo iyaga oo weliba ay yahiin kuwa mediyaha ka qeyl qeyliya xitaa ceebtooda wey isla saxan yahiin markaas ayaa waxuu madaxweynahii gaaray ilaa uu maciin bido kuwii wadanka burburkiisa ka shaqeynayey.

Hadaba hadeysan Xildhibaanada Hawiye ogeyn waxa deegaanadooda ciidaamada Africanka ah loogu soo daabulayo waxaa la ogaaday dadka Soomaaliweyn iyo in dalkaan gumeysi la geliyo diidan cidkasta oo dooneysana iney dagaal kala hortagto diyaarka u ah iney yahiin kuwa la dul dhigay ciidamada Africanka ah magacey doonaanba ha wataane Soomaalidii kale rumeyso ama ha rumeysan wey is dhiibeen waxeyna noqdeen kuwo awalkoodii horeba aan xoriyad weligood sooarkin iyo kuwo caadifad qabiil ay ka xoog badisay.

Sidoo kale bal u fiirso deeganadaas kuwa masuulka ka ah kuma jiro shaqsi dugsi sare xitaa si quman u dhameeyey markaad eegto raga gudoomiyaasha ka kala ah Banaadir, Shabelaha dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo waxii la mid ah Galmudug oo qeyb Galkacyo ka mid ahne waxaa hogaaminaya Colanal ciidamo iyo wax la mid ah.

Wax yaabahii aan deegaanadaan siiba mar aan booqasho ku tagnay gobolka Hiiraan kala soo kulanay waxaa ka mid ahaa mar aanu shacabka magaalada Jalalaqsi si saf balaaran ah u weydiinay yaa idiin xakuma oo Hiiraan madax ka ah waxeyna bil xaqiiqo inoogu jawaabeen in uusan Hiiraan ka jirin wax maamul ah ayna ugu wardanbeysay inuu gudoomiyahii gobolka Hiiraan oo ay maqlaan ahaa marxuun Xasan Cabdule Qalaad oo isagu ay wax ka doorteen shacabka ku nool Jalalaqsi oo ay xiligaas metelayeen 21 xubnood oo laga soo xulay degmo kasta oo Hiiraan ka mid ah.

Mid ka mid ah dadka ugu cimriga dheer magaalada Jalalaqsi ayaa yiri waxaan maqalnaa kaliya wiil dhalinyaro ah oo xaaskiisu Ethiopian tahay oo kaliya magaalada Belet Weyne iyo xarunta Ceel Jaale wax dhaafsiisan tegi Karin kana mid ahaa Burcad Badeeda Soomaaliya oo laga sheego magaalada Belet Weyne iyo wax la mid ah.

Bal ka waran dadka noocaas ah raga sheeganaya iney wakiil uga yahiin baarlamaanka Soomaaliya amaba wasiiro ugu yahiin dowlada dhexe ileen wiilkaan yar waxaa Hiiraan ku soo celiyey wasiiro iyo xildhibaano uu sida u sheegay laaluushay sidaasne madaxweyne Xasan Sheikh ugu magacaabay in ay shacabku weli sheegaan qofkii ay doorteen waxaa keenayo hadaan qofka bulsahda hogaaminayo hadaan la helin nidaam ay shacabku ku soo dooran karaan amaba aysan arimaha deegaanadaan iyo sidii maamul wanaagsan loogu heli lahaa si dhab ah oo Soomaalinimo leh oo weliba hadii xitaa sidey xildhibaanadaan u hadleen Hawiyenimo leh hadeysan u wajahin xaalada waxey deegaanadaan oo hada bulshadooda shisheeye iyo sokeeye u tashadeen sidii jiritaankooda loo bur burinlahaa waxaan talo ku soo jeedineynaa inagoo ka duuleyno xaqiiqada maanta deeganaadaan taalo.

1- Dhamaan raga hada hogaaminaya Banaadir, Shabelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, iyo qeybaha kale ee gobolada dhexe maamulada ka jira waa in si isku mid ah mediyaha maalmo is xig xiga dhamaantood halmar xilka ka wada degaan 3 shir oo muhiim ahne gogoshooda la dhigo Mogdishu, Belet Weyne, iyo Dhuusa-Mareeb.

Xidhibaanda Hawiye go,aan cad la qaataan madaxweynaha iaygoo qiyaaliga ay Mogdishu ku hayaan ka baxaya kedibna wasiirada deegaankaan ka soo jeeda uga sii gudbaya waa in marka hore deegaanadaas waxgaradkooda, qurbajoogtooda, iyo hadba intii wanaag iyo maslaxo lagu tuhmayo in loo yeero xalkan alag aabaaro meesha ugu haboon.

Tusaale qaabka maamul goboleedyada la doonayo iney deegaanadaas ka hirgalaan hadii bulshadaas horumar iyo wax wada qabsi lala doonayo waa in howshu noqotaa sidan amaba ugu yaraan wax u dhaw.

1-Dadkaan ugu danbeyn iyagaaba horumarka si isku mid ah ug awada shqeyn doonee oo qeyraadka iyo ganacsiga si isaku mid ah uga wada faaideysan doonee waa in marka hore maamulka gobolada dhexe xooga la saaro sidii loo dhisi lahaa dhamaane siyaasiyiinta iyo xildhibaanada deegaankaas ka soo jeeda waa in ay daacad ka noqdaan lagan adaayo madaxweynaha dhaliisha joogtada ah iyo hada ka hor ayey sidaan aheyd iyo reer hebelaa sidan I yeelay ee laga howlgalo maxaan hada wada qabsan karnaa iyo sideen ku helnaa shaqsi nadiif ah maamulkasme lagu dadaalo sidii qof ka soo jeeda beesha Habargdiir oo nadiif ah bulshadana isku wadi karo loogu doorto hogaanka guud beelaha kalena gudoomiyaha baarlamaanka, kuxigeenka iyo weliba golaha deeganka iyo gudoomiyayaasha labada gobol xilal haka kala qaateen inta lag agaarayo in ay shacabka soo doortaan shaqsiga ay doonayaan hada gole guurti iyo gole deegaanka laga soo dhisay bilaawga hore ha doorteen cida hogamineyso.

2- Gobolka Banaadir oo aan laga reebin Shabelaha dhexe sidaas hala yeelo xooga hala saaro sidii loogu heli lahaa aqoonyahan ka soo jeeda beesha Mudulood siiba Abgaal Cismaan oo nadiif ah horeyna aan xil u sooqaban maamulkaan alagu tijaabiyo dadka kale ee deegaanka degana maamulk aintiisa kale laga siiyo saamigooda inta laga helayo qaab ay bulshada ku soo dooran karaan shaqsiga hogaaminaya.

3- Hiiraan waa inuu noqdaa maamul goboleed keligii taagan oo aan marnaba la xaqirin taariikhda uu ku leeyahay dalka Soomaaliya waana in isaga loo helo aqoonyahan reer Hiiraan ah kana soo jeeda beesha Xawaadle beelaha kalena maamulka intiisa kale saamigooda lag siiyo inta laga gaarayo heer ayshacabku soo doortaan shaqsiga hogaaminaya.

Waxa aan sedaxdaan maamul ugu dooranay sedaxdaan qabiil ujeedada ugu weyn waxey tahay waa sedaxda qabiil ee cuuriyaamiyey horumarka deegaanadaan aanu ka hadleyno waayo.

a) Markaad u fiirsato Hiiraan waxaa siyaasad ahaan iyo maskax ahaanba la haray bulshada Hiiraan beesha Xawaadle marka Xawaadlaha la sii kala qaado jufo la yiraahdo Cali Madaxweyne oo aan ilaa maanta laheyn ninkooda qaldan nabadoon ay ku mideysan yahiin oo jufadaan ninkooda qaldan uu bulshada ka qaban karo, waxaa taas kaaka sii daran bulshada haba hogaamiyaane maxaa kaa bi lahaa hadey qof aqoon leh uu horboodi lahaa bal u fiirso laga soo bilaabo Marxuun Qalaad ilaa maanta Hiiraan waxey isbaaro u taalaa shaqsiyaad dhalinyaro ah oo jufadaan ka soo jeedo kaaka sii darane mid markii maamulka qabto waxaa cuuriyaamiya mid kale oo iyaga ka mid ah aaway Faarax Macalin midowgii maxkamadaha. Aaaway Cabdiraxmaan Ibraahim Macow waxaa lagu jabiyey awoodii Amiin Barqadle Cagaweyne (Amiin Daacad) oo Shabaab ahaa iyo Yusuf Ahmed Hagar Dabageed oo gudoomiye Hiiraan ka ahaa xiligii dowladii KMG, waxaa ku soo xigay sidey u dhan yahiin waxey 90% jufadaan mucaaradeen maamulkii Hiiraan State xitaa haba mucaaradaane maxaa kaa bi lahaa hadey hayaan qorshe ay bulshada Hiiraan ku heli karto maamul goboleed ma dhicine waxaa hadane gudoomiye ka noqday Cabdi Farax Laqanyo ilaa markii magaalada Bulo Burde ay ciidamada Hiiraan iyo Amisom qabteen loo diido inuu ka qudbeeyo waxaana u diiday Yusuf Dabageed oo ay isku jifo hoose yahiin ogow Laqanyaha loo diidaa inuu Bulo Burde ka qudbeeyo waxuu kaalinta 1aad uga jiray shaqsiyaadkii Hiiraan State mucaaraday ee kaliya ku diiday in qofka maamulkaas hogaaminayey uusan aheyn Cali Madaxweyne bal ka waran isagiina waxaa u diiday inuu Bulo Burde ka qudbeeyo isla rag jufadiisa ka mid ah waana kii markii danbe dib ugu soo laabtay magaaladii uu ka tagay ee London. maantana waxaa Hiiraan jooga wiilka aanu tariikhdiisa ka dheregsanahay Cabdi Fataax Xasan Afrax bal u fiirso gobolka uu madaxda u yahay baaxadiisa tirada dadka iyo weliba meesha uu wadanka kaka yaalo dhamaan waxaa sedaxda magaalo ee ugu waaweyn Hiiraan maro wabiga Shabelle reer Hiiraan iska daaye xitaa beesha Xawaadle ayaan 90% ku qanacsaneyn joogitaankiisa jufadii uu ka dhashayne warkeedaba daa iney la shaqeyaan maadama aysan bulshada ka hor leexineyn odaygii ugu xigmada badnaa beesha Xawaadle oo u soo joogay beeshaan ilaa ay ka caleema saartaan 3 Ugaas waxaa laga soo xigtay mar la weydiinayey qaab darada Jufadaan Cali Madaxweyne iyo siyaasad xumida iyo sida dhalinyaro iyaga ka soo jeeda Hiiraan loogu bur buriyey waayadii danbe iyo weliba damiir xumadooda xad dhaafka ah intooda badan waxuu ku jawaabay.

Xawaadle jiritaankiisa ayey qeyb ka yahiin Cali Madaxweyne haduu wanagsan yahayne cidu waa wanaagsan tahay haduu xun yahayne cidu cumaantaas ayey la wadaageysaa, waxaanse idiin sheegayaa sidan maleynaa jufadaan waxaa laga gaaray Ugaas Khaliif xili ay dadka masaafurkaa ku dhibi jireen qaar iyaga ka mid ah wadada laamigaa ee dhaxmarta Hiiraan marka ama Xawaadlow waxaad sugtaan inta ay iyaga dib isku xisaabinaan oo ay is garanaan ama intiina kale xal midka ay hayaan ka duwan la imaada waayo jufadaan waayadii hore waxey ku asturnaayeen miyiga hadase waxey barteen noloshii magaalada weliba uma kala soocna danta guud iyo waxa iyaga iyo reer Hiiraan bahdilka ku ah, hadii kale sida ay rag badan oo kamid ah beelweynta Xawaadle oo aan garanayo in ay dharaar cad Hiiraan uga tageen qaabdaradooda si uusan dhiiga ugu garina guryahoodii iyo beerahoodii iskaka iibiyeen sameeya oo nimankaan Hiraan uga taga qaabdaradooda hadii kale aqli uma harin ninka maanta isagoo ku sugan caasimada Hiiraan masuuliyadna sheeganaya ciidamo dhawr kun oo Amsiom ah iyo dhawr kun oo kuwa Hiiraan ah iyadooy la joogaan kaliya aan furi Karin wadada isku xirta Bulo Burde iyo Belet Weyne amaba Bulo Burde iyo Jalalaqsi cid dhinaca siyaasada kala talisa oo xigtadiisaa oo dib u saxdana aan la heyn siwada jir ah haleys kaka qabto kan reer Hiiraan kaliya ma cuuriyaaminayo Soomaali oo idil ayuu cuuriyaaminayaaye ayaa ka mid ah marka laga sheegeynayo qaabdarada siyaasadeed ee Hiiraan maanta taalo oo loo aaneynayo jufo ka mid ah beesha Xawaadle oo ah mida aan kor ku soo xusnay.

B) Hadaad dhinaca kale eegto gobolada dhexe cida dhibta ugu badan ku heyso bulshada waa Habargidir bal u fiirso koox waxey leyahiin waxaanu nahay Galmudug kuwane Ximin iyo Xeeb halka kuwo kalena leeyahiin waxaanu nahay maamulk adowlada iyo Ahalusuna waa hal qabiil oo dhawr firqood ku kal asocda waxaadse moodaa in ay guranayaan dhagartii faraha badneyd ee ay Soomaalida koofurta degan ku hayeen 23 kii sano ee ina dhaaftay maadaama natiijadii ay noqotay in maanta General Galaal oo ciidamadii XDS heer ka gaaray kana mid ahaa sarakiishii Soomaaliyeed ee dagaalkii 77 qabteen magaalada Harar inuu maant ahogaaminayo garab ka mid ah jufo hoosaadka habargidir Ceyr oo sii kala baxay.

B) Banaadir waadba aragtaan Ahmed Daaci, Cabduqaadir Cosoble, Ina Macalin Nuur ,Cabdulaahi Sheikh Xasan, Cali Geedi, Bashiir Raage, Cabdiraxmaan Baadiyoow Dhamaantood waxey ka soo jeedaan beesha Abgaal imisa jeer ayey inadhiinu qabteen iyagoo inta vedeo iska duubay madaxweynaha Soomaaliya xag xaganaa iyadoo ay gadaasha ka fadhiyaan siyaasiyiin ka soo jeedo beelo deegaanadooda soo naabdeystay ilaa mantana Abgaal Cismaan waa mucaaradka ugu badan ee madaxweynaha Soomaaliya ha moodin aamusnaanta ay aamusan yahiin iney siyaasada madaxweynaha taageersan yahiin laaluush ayaa la siiyey qaarkoodna xaasaska madaxweynaha oo ay si hoose qaraabo la yahiin ayaa si hoose ula hadleen kuwane sharuudahii ay doonayeen ayaa loo fuliyey.

Tusaale

Cabdulqaadir Cosoble waxaa loo fuliyeye sharuudihii uu doonayey oo waxaa ka mid ahaa in maamulk aShabelaha dhexe loo dhiibo nin uu isagu watay waana loo dhiibay. Cabdulqaadir Macalin Nuur waxuu doonaye in walaalkiis loo siiyo qandaraas waana loo siiyey.Cabdulaahi Sheikh Xasan waxuu doonaeyy Jago waxaana lagu daray maamulka Koofur Galbeed. Ahmed Daaci waxuu doonayey Lacag waana la siiyey, Cali Geedi waxuu doonayey inuu lacag ku lahaado baasaboorka Soomaaliya ee laga bixiyo safaarada Kenya waxeyna safiirka safaaradaas Cali Ameerica iyo Cali Geedi si sharci daro ah dhaqaalo uga helaan baasabooro Soomaali ah oo lagu soo daabaco dalka Hindiya maadaama uu diilkaas soo dhameeyey Cali Geedi xiligii uu reysulwasaaraha ahaa waana u meel martay sidoo kale codsigiisa waxaa ka mid ahaa inuu Mogdoshu ku soo laabto mushaarna loo qoro waana looyeelay beesha Abgaal siiba qolada uu ka dhashay maxamed Cali America hadii leysku dayo in xilka safaarada Kenya laga wareejiyo maalin cad ayey caasimada mogdishu gubayaan rumeyso ama ha rumeysan waana mida keentay in Cali Ameerica noqodo safiir aan dhicin 10 sano ka badana safaarada Kenya jooga halka safaaradaha kale dadka jooga marar badan la kala bedelay.

Waxaana aad ula yaabnaa qabiil iyaga dhexdooda sidaas isku ah oo mediyaha ka leh Hiiraan ayaan siyaasad kula midoobeynaa iyo wax la mid ah waana midaas waxa aan u leenahay maamulada 3da ah ee imaan doona sedaxdaan qabiil haloo kala dhiibo.

Hadii taladaan la raaco faaidada ka imaan karta hadaan soo koobno waxaa macquul ah in ragaas aqoonyahanada ah ee kala hogaaminaya Banaadir State, Mudug iyo Galgaduud State iyo Hiiraan State in ay ka shaqeeyaan sidii bulshadaan mustaqbalka u noqon lahaayeen hal maamul oo mideeya Mudug ilaa Banaadir inta u dhaxeysa.

Sidoo kale waxey meesha ka saareysaa in madaxweynaha Soomaaliya isagoo ragaas garab muuqda ka helaya inuu si sahlan ugu guuleysto mar labaad doorashada soo socota halka hada ay hadalo uusan muteysan uga imaanayaan rag ku dhashay Qabri Dahare iyo wax la mid ah kedibna waxaa marka deegaanadaan maamul loo helo meesha ka baxayo dulmiga lagu hayo shacabka beelaha USC uga nool Jubooyinka iyo Shabeelooyinka dadkuna waxey mar kale noqon doonaan dad isku ujeedo iyo hadaf leh cadawgooda iyo saaxiibkoodna aysan iskaka qasneyn meesha hada danaha qabiilka laga shaqeynayana waxaa lagu midoobi doonaa amaba intii isla jaanqaadi karto wax u wada qeybsan doonaan war dalka danta isku si ma u wada aragnaa mise maya.

Laakinse xili deegaanada qaarkood hogaanka u hayaan rag Profesore ah iyo rag sida Siilaanyo siyaasada ku soo jiray 50 sano hadii maanta la yiraahdo deegaano ay Hiiraan oo ku taalo halboowlahii wadanka la leeyahay waxaa hogaaminaya wiil burcad badeed ah iyo haweeney Ethiopia ku dhalatay oo aysan howshoodu dhaafsiisneyn xaafad ka mid ah magaalada Belet Weyne sidee ayey ku imaan kartaa is dhaxgal bulsho iyo sidii shacabka ku nool deegaanada aan kor ku soo sheegnay iskugu xirmi lahaayeen waayo deegaankii xiriirin lahaa oo Hiiraan ahaa ayaanbe wanaag ka soo muuqane.

Isku soo duuboo waa in qiyaaliga laga baxo shacabka deegaanadaan aan ka hadleyno ma mudna inuu maanta horboodo qabqable dagaal amaba burcad badeed maalinkastana qalad ay iyagu sabab u yahiin maadaama aysan deegaanka nabadeyn Karin amaba aysan jirin cid soo dooratay dagaalo ay abuureen qaarkood in ay bulshadu ku barakacdo aqli maahan hadan kedib waa in xaqiiqada aan laga tagin.

Waan ku celineynaa ilaa Hiiraan oo kaligiis ah maamul goboleed sidii uu ku noqon lahaa laga wada shaqeeyo dhibta deeganadaan mudo wey sii Jiri doontaa waayo Hiiraan waa awooda siyaasadeed ee kaliya ee maanta jirta oo qofkii doonaya inuu federal galo u sahlan tahay inuu Soomaaliweyn hogaamiyo mustaqbalka hadii kale Ha lagu jiro Cali Maxamed Geedi oo wadanka Reysulwasare isagoo ah waxuu galo iyo waxuu gudo aan la arag ayaa yiri iyo wiil burcad badeed ah oo Hiiraan joogo ayaa yiri iyo kooxo diinta ka beensheegayo oo Galgaduud ka dagalamayo ayaa yiri iyo maamulo xaafado laga dhaxsameeyey ayaana nahay iyo wax la mid ah sidaasne bulshada qeyrkood ha uga haraano.

Xildhibaanow bal ficil ayaa loo baahan yahay qoraalo mac mac oo aan ficil wadan waa waxa Soomaaliweyn lugooyey shacabku isma diidana ee ama meesha ka muuqda ama ka maqnaada.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,638,040 unique visits