Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 1
bernardts3

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Waxaa macquul ah in ay dad badan la yaabaan qormadaan hayeeshee wararka naga soo gaaraya magaalada Belet Weyne ayaa sheegaya in ay jaceyl u qaaday haweeneydii uu ka geeriyooday marxuum Cabdikariim Faarax Laqanyo mid ka mid ah dhalinyarada maamulka gobolka taasi oo hada sida la sheego u dhaxday gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Ma dooneyno in aanu arimahan ku dheeraano waxaase muhiim ah haweeneydaan qaab noocee ah ayey u jeclaatay ninkaan dhalinyarada ah isaga waa ninka ay jaceylka u qaadee iyo ninka qabose ma ogyahiin arintaan?.

Inta aanan jawaabta arintaas bulshada u soo gudbin horta naagtaan ma tahay mid ay ka suurowdo iyadoo la qabo iney nin kale jaceyl u qaado oo ay dhawr rag ah isku dhinac wado?

Dabcan arintaas iyadu ma ahan wax ku cusub xitaa ninka qabo ee gobolka gudoomiyaha ka ah ma ahan wax ku cusub hadey ku dhiirado waayo isaguba markii uu guursanayey waxey la socotay dhawr rag ah oo aan ka xusi karno nin dalka Sacoudiga ugu yimid inuu guursado iyo mid dalka Engiriiska uga yimid inuu guursado iyagoo aan iska warqabina ay mid kasta ku shukaansan jirtay magaalada Addis Ababa midkastana gooynidiisa dhaqaalo ugu cuni jirtay ayaa waxaa dalka Ethiopia safar ku tagay ninka hada iyada qabo ee gudoomiyaha ka ah Hiiraan, iyadoo aan wax jaceyl ah u heyn ayey ku xirtay sharuudo dhawr ah kedib markii ay maqashay inuu heysto lacag fara badan iyadoona sharuudaheeda ay ka mid ahaayeen inuu ka bixiyo dhaqaalo deyn ah oo lagu leeyahay aroosna ugu dhigo mid ka mid ah Hotelada ugu waaweyn dalka Ethiopia arooskaas oo ay sheegtay inuu ku baxayo dhaqaalo ay is laheyd markaas kama bixi karo ee iskaka ceyri hayeeshee waxii dharuud ay ku xirtay dhamaan miiska ayuu u saaray.

Nasiib wanaag naagtii noocaas aheyd waxey warar horudhac ah sheegayaan iney caashaqday mid ka mid ah dhalinyarada isaga ka ag dhaw ee la shaqeeya lama oga in ay dooneyso sidii ay midka hada qabo iskaka furi laheyd kedibna ay nolol cusub u raadsan laheyd iyo in ay arimahan u yahiin wax iska caadi ah oo ay dhaqan ahaan u laheyd weligeed nimanka ay wax dhaxmaraana ay ku ogyahiin iyo in kale.

Ma dooneyno in aanu dib ugu laabano wax yaabaha ay haweeneydaan ka sheegi jireen xiligii ay ka shaqeyn jirtay safaarada ay dowlada Soomaaliya ku leetahay dalka Ethiopia shaqaalaha halkaas ka shaqeeya amaba lagu xaman jiray . sidoo kale ma dooneyno sida ay u jahwareerineyso ninkaan dhalinyarada ha ee iyada qabo oo ay waxkasta oo reer Hiiraan wanaag u ahaa ka leexisay iyadoo ay weli muuqato dhacdadii la yaabka laheyd ee isagoo doonaya inuu qalab lagu dhiso garoonka diyaaradaha magaalada Belet Weyne ka iibiyo dalka Imaaraadka oo weliba qurbajoogta reer Hiiraan qaarkood intuu la soo xariiray yiri waxaan magaalada Dubai u joogaa sidii aan qalabka wax lagu dhiso uga iibin lahaa si loo dhiso garoonka diyaaradaha magaalada Belet Weyne waxaa markii danbe shacabka Hiiraan ugu soo xigtay Gudoomiyaha gobolka Hiiiraan iyo Xaaskiisa oo Gaari qaali ah oo nooca loo yaqaano Hammer-ka ka soo iibsadeen Dubai xiligaasi oo u Isbitaalka magaalada Belet Weyne u xirmayey daawo la,aan.

Nasiib wanaag maadaama aysan haweeneydaan u dhalan Hiiraan amaba Soomaali laguna tilmaamo iney ka soo jeedo qowmiyada Uraagada loo yaqaano ee ku nool dalka Ethiopia halka warar qaarkoodna ay sheegayaan iney dhalasho ahaan ka soo jeedo qabiilka Gurguraha wallow ay iyadu sheegato hadba qabiilkii ay doonto markii ay gudaha Soomaaliya joogto iyo markii ay Ethiopia joogto hadane dadka yaqaano waxey leeyahiin iyadoo la qabo iney nin kale jaceyl u qaado amaba ay nolol la wadaagto hadba midkii ay dhaqaalo ku tuhmeyso amaba ay jeclaato hadba midkii ay isleetahay waad wada noolaan kartaan iyo wax la mid ah waa dabeecadaheeda waayo dhamaan intii nin ee soo martay waxey ku gashay arimo daneysinimo ah midanina waa la mid.

Hadaba si haweeneydaan uusan u dareemin gudoomiyaha gobolka Hiiraan inuu jiro qof ay jeceshahay amaba aan loo dareemin waxey si reer magaalnimo ah uga dhaadhicisay ninka qabo in hebel iyo hebel ay yahiin rag aan gursigiisa iyo siyaasad u socon kuna dhiragelisay iney Shiishada la cabo u shidaan amaba magaalada uga soo iibiyaan hadaba waxii uu u baahdo si ay midka ay jaceylka u qaaday maalinkasta u aragto oo uu guriga dhinaciisa ka joogo.

Sida warar qaar sheegayaan ninka dhalinyarada ah ee ay haweeneydaan jaceylka u qaaday isagu arinta lama socdo weli baa la leeyahay, laakinse ujeedadeedu waa maadaama ay dhaqaalo fara badan ka heshay geeridii ninkii horey uga dhintay iyo sidoo kale dhaqaalo fara badan oo bulshada Hiiraan wax loogu qaban lahaa oo ay ka heshay ninka hada qabo aadna u dareentay inuusan ku sii jireyn siyaasada waxaad moodaa iney ka raadsaneyso nolol cusub.

Hadaba waxaan welito wadnaa baarintaan ku saabsan jiritaanka arintaan wallow ay durbaba soo baxayaan warar sheegaya iney haweeneydaan wax kasta ka suuroobaan.

Arinta iyaduna aad cajiibka u ah markii ay bulshada Hiiraan arkeen sida ay haweeneydaan ninkaan dhalinyaradaa ee qabo ugu jiheeyneyso siyaasadaha qariban una cuuriyaamineyso horumarka bulshada Hiiraan iyagu in waxaan iyo wax ka xun ay labadoodaba la kulmaan aad ayey u jeclaan lahaayeen shacabku maadaama wiilku waxuu ahaan lahaaba ay waxkasta oo wanaag ah oo gobolkaas ku wajahnaa ka weecisay taasi ugu danbeyntii bulshadii iyo ninkii gudoomiyaha u ahaa kala tagaan waxaana arimaha ugu yaabka badan ee marka laga hadlayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo haweeneydaan ka mid ah marka u casuumaad u sameynayo qurbajoogta amaba rag ay horey isku yaqaaneen dalka dib ugu laabtay inta ay casuumadaas aadin waxaa la leeyahay hebel maadba hadaad magaalada ugu nabad gashay ayaad gurigiisa ugu tageysaa war ninkaas ma ahan shaqsi xun laakinse waxaa ku xariira haweeney aad u dhaqan xun iyagoo tusaale u soo qaadanaya dhacdooyin badan oo ay ka sameysay Hiiraan kuwaasi oo ay ka mid yahiin.

1- Waxey dadka aad ugu dhaw qaabka ay ninkaan dhalinyaradaa iyo naagtaan Ethiopiankaa uga howl galaan gobolka Hiiraan una shaqeeyaan waxaa ka mid ah hadii ay shir la yeeshaan gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxgaradka ugu qiimaha badan deegaanka amaba dad xilkas ah u sheegaan inuu bedelo siyaasadaha qaarkood amaba uu dadka kula balamo inuu fulinayo howl markaas dadka iyo gobolka anfaceyso waxuu leeyahay waayahaye aan berito isku imaano markii waqtigii lala balamay la gaaro oo la weydiiyo inuu fuliyey balantii ayuu leeyahay horta ma sidaas ayaan ku balanay maba ogeyne iyo wax la mid ah waayo habeenkii marka uu guriga tago ayey haweeneydaan ka dhaqeysaa waxkasta oo ay waxgaradka kula balamaan.

2- Markii dhawr bilood ka hor laga qaaday xilka gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo lagu bedelay Laqanyo wax yaabahii ugu yaabka badnaa ee ay haweeneydaan sameysay waxaa ugu weynaa intey ooysay oo ay madaxa dhulka ku garaacday ayey ninkaan dhalinyaradaa ku tiri waryaa gobolkaan waanu u soo dhimanay aaway halgangeenii maanta markii aanu dooneynay in aanu mirahii gurano ayaa nala ceyrinayaa miyaa waa wareeray iyo wax la mid ah iyadoo dooneyso inuu waxuu haleyn karo haleeyo ileen waa naag aan dhulka iyo dadka qiimo ugu fadhine ayaa waxaa arintii ka diiday dhalinyaradii Istaafka u aheyd isaguna nin xun ma aheyne maalintii uu Mogdishu aadayey ayey Oohintii iyo qeyladii badisay siduu u eegayey ayuu markii danbe ku yiri Ja Imbaayaa Aamus waa soo laabanee iyo wax la mid ah.

Dabcan dhaqan xumida ay naagtaan Hiiraan ku heyso taasi oo iskugu jirta mid ay wiilkaan dhalinyaradaa oo ay ugu yaraan ka weyn tahay 17 sano maadaama ay dhalikarto maskaxda ayey ka heysataa waana mida keentay maanta......

Isku soo duuboo ma dooneyno in aanu halkaan kaka hadalno arimo badan oo aan mediyaha ku habooneyn waxaase muhiim ah goormee ayaa naagtaan Ethiopianka ah dhaqanadeeda iyo siyaasada guracan ee ay bulshada Hiiraan la dhax joogto la heli doonaa geber reer Hiiraan ah oo bulshada ka qabata amaba dad wiilkaan ay maskaxda ka heysato dgulkiisa iyo dadkiisa horumarkoodana ka ilaalisay maantana ay jacel ku dul jileyso.....

Hadaba dhawaan naga filo warbiixno dhawr ah oo aanu ka soo diyaarinay haweeneydaan dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Ethiopia laakinse muuqaalka Soomaalida leh.







Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,612,605 unique visits