Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wadooyinkii ay hubka marsiin jireen Shabaabka Mogdisho oo u xiran Amisom

Wararka MaantaTalaado 15,Maarso 2011(HSOL)- Kedib dagaalo isdaba joog ahaa oo maalmahani ka socday magaalada Mogdisho ayey ugu danbeyn ku guuleysteen ciidamda dowlada iyo kuwa ka socda midowga Africa iney xiraan wadooyinkii qaar ka mid ah ciidamda dowalda oo kooxahaani ku xiran hubka u marsiin jireen ururka Shabaab iyo Alqacida.

Inta badan marka ay Shabaab jabaan amaba ay qatar ku sugan yahiin waxey iska soo hormariyaan shaqsiyaad ku hadla magaca ganacsatada magaalada Mogdisho maadaama ganacsatada qaarkood ay fududeeyaan amaba ay dalaal ka yahiin kala iibinta hubka laga keeno ciidamda dowalda una gudba Shabaab.

Ururka Shabaab iyo ajaanibta wadankeena ku soo duushay ee Alqacida ayaa iyagu hakiyey dagaaladii magaalada Mogdisho iyagoo sugaya inta laga furayo wadooyinkaas ay hubka u soo mari jireen oo ay dhibaato weyn ku qabaan hada isticmaalkeeda, kedib markii laga eryey soonahaas oo loogu awood sheegtay.

Dhinaca kale madaxda TFGda ayaa hada sida muuqata hal meel wax iskula wadin waxeyna awooda hogaanka sare u muuqataa hadii ay kooxahaan ka saari waayaan magaalada Mogdisho awoodii ay doonaanba ha isticmaalaane oo aysan inta Mogdisho xoreyaan isla markiiba shacabka duurka qaxootiga ku ah soo gala magalada dhihin, in aysan u muuqan hogaamiyaal waajibkii saarnaa sidii la rabay u gutay.waxeyna xafiisyada dowlada iyo xilalkooda ka tagi doonaan ugu yaraan iyagoo dhulka ay beelahooda ka soo jeedaan xoreystay kedibna waxaa taariikhdey ka tagaan laga wareysan doonaa reeraha ay markaasi degaanadey ka soo jeedeen u xoreeyeen oo kaliya.

Inta la hubo 12 kun oo ciidamo ajnabi ah oo ka socda midowga Africa ayaa ku suigan caasimada Somaliya oo kaliya waxaa kale oo jira ciidamo gaaraya ilaa 3500 oo dheeri ah oo la qarinayo isku darka ciidamda Africa jooga kama yara 15 kun hadeysnba ka badneyn waxaana mudo bil ka badan leysku heystaa dhawr xaafadood oo Mogdisho ka tirsan aqligaasi ma ahan mid shaqeeynayo ayuu yiri mid ka mid ahaa saraakiishii hore ee Somaliya. waxaa taasi sii dheer sida ay alqaacidada Somaliya joogta ay si aan caadi aheyn u guursanayaan dumarka Somaliyeed.Halka kuwa ka socda ciidamada Africana ayba ka sii daran yahiin dhinaca guurka dumarka Somaliyeed iyadoo daruufaha adag looga faa'ideysanayo dumarka, taas oo u muuqaal ek in 20 sanoo oo hada kedib ah ay wadanka xaquuq ku yeelan doonaan caruur ay waalidkood ka soo jeedaan wadamo aanba Somali aheyn.

Qatarta kale ee iyaguna shacabka ku soo fool leh waa in howlahii xukumada laku koobay caasimada oo kaliya oo wadanka intiisa kale ay ka taliyaan umad aanba Somali aheyn oo iyagu iska soo hormariyey ururo magacyo Somaliyeed loo yeelay dhalinyaro Somaliyeedna hogaanka loo dhiibay gadaalne ay ka fadhiyaan ajaanib kala ujeedo ah oo midkasta dan u gooyni ah u soo aaday dalka Somaliya.

Sida muuqata dowlada hada jirto rajo lagama qabo iney wax badan ku soo siyaadiso dhibaatada shacabka Somaliyeed ka heysta xaga nolosha iyo colaadaha daba dheeraaday. xitaa dowlada mida hada jirta bedeli doonta wax badan ma soo siyaadin doonto inta ay wadanka joogaan xildhibaano kor u dhaafayo 550 mudane baarlamaan oo aanu ognahay wadanka ay intaasi oo xildhibaan ka howlgalayaan inuu yahay Somaliya oo iyaga dhanba ah 10 million hadeysanba ka yareyn. laakinse mida taasi ka danbeysa ayaa macquul ah iney isbedel la taaban karo la timaado.

Dalka Somaliya waa dal kii lahaa iibsanayo mid aan u dhalane leeyahay anigaa nabad ku soo dabaalayo oo Afircan ah. halka mid kalena leeyahay anigaa diinta barayo shacabka Somaliyeed oo ku jihaadayo si aan u xalaaleyto hantida, dhaqanka, Calanka iyo dumarka Somaliyeed. Dalka Somaliya waxuu hada mareyaa nin buka boqol u talisay halka shacabkiine darxumo iyo macluul ugu dhimanayaan wadankey iyagu lahaayeen oo lagu yaqiinay oo ay u dhasheen.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net>

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,568,970 unique visits