Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Belet Weyne iyo dhinacaas amaba dhulka uu gobolka Hiiraan la wadaago gobolka Somali Galbeed oo maanta loo yaqaano dhulka Soomaalida Ethiopia Zone 5 ayaa sheegaya in ay halkaas ka socdaan shirar wax ku ool ah oo intooda badan u badan nabadeyn kaasi oo ay ka shaqeynayaan dad ahalu qeyr ah oo nabada jecel.

Aan ku hormarno magaalada Belet Weyne.

Waxaa magaalada Belet Weyne soo gaaray waxgarad ka socday beesha Reer Ow-Xasan kuwaasi oo sida aanu warar sugan ku heleyno halkaas kala kulmay soo dhaweyn aan caadi aheyn iyadoona ujeedada ugu weyn aheyd sidii loo soo afjari lahaa mugdi ku yimid siyaabo kala duwan oo waayadii danbe jiray aadne u muuqday. hadal waxuu qurux leeyahy marba hadii waxa laga hadlayo ay yahiin islaaxin iyo nabadeyn dad walaalo ah hadaan shirkaan bilaawgaa soo koobno nuxurkiisa waxgaradkii magaalada Belet weyne loogu tagay warka waxey ka abaareen sidii lagu yaqiinay dad Soomaali oo wleiba dareensan waxa ay Soomaali isku tahay waxeyna waxgaradkii dhinacaas iyo dhulka Soomaali galbeed dib ugu laabteen magaalada Belet Weyne iyagoo ay kalsooni badan ka muuqato iskaba daa inb ashir kale leyskugu yimaadee sida uu warku u dhacayo hadii maskax caafimaad qabto lagu eego inuu shirkaas ku dhamaaday guul waxeyna u muuqataa in ay dhawka maalmood ee inagu soo aadan amaba ugu badnaan isbuuc dhawaan la maqli doono dhalinyaradii deegaanka ee ku sugnaa xadka uu Hiiraan la wadaago Somali Galbeed dhmaanba deegaanada u dhaw dhaw tuulooyinka Abaaleey iyo Burdhible ee halkaas ciidamada Liyou Boliis kula dagaalamayey in lag asoo saari doono waayo waxgaradka Hiiraan sida lagu yaqaano ma ahan dad colaad iyo fowdo jecel ilaa lagu qasbo sida midaan maahane.waxaa kale oo iyadun amarag ma doonto ah hadey mar nabad ku baaqaan waxgaradka ay quseyso iyaduna wey adag tahay in ay hadal ka keenaan dhalinyarada waayo dadku colaada wadada loo marona waa yaqaanaan nabadana wadada loo maro waa yaqaanaan.

Dhinacaas iyo Feer Feer

Dhinacaas iyo Feer Feer waxaa jira kulamo iyaguna u muuqda iney dhawaan miro dhal noqon doonaan kaasi oo dhax maraya waxgaradka beesha Xawaadle ee deegaankaas, gudoomiyaha Feer Feer, taliyaha dowlada federalka u qaabilsan xaduuda ay Somaliya la wadaagto wadanka Ethiopia waxeyna warar qaarkood sheegayaan in ay kulamadu weli socdaan.

Mustaqbalka Dadaaladan nabadeynta halka ay ku danbeyn doonaan.

Marka loo eego sida ay wax u socdaan waxey u muuqataa in dhawaan ay deegaanadaas ka islaaxi doonto nabadgalyo leysku haleyn karo maadaama uu weligii amaanka xadka Hiiraan iyo dhulka Somali galbeedna uu wanaagsanaa waxaa dhawaan sidii la rabay ku soo laaban doona nabadii iyo deris wanaagii labada gobol dadka degan ka dhaxeysay maadaam awax garadka Hiiraan ay la yaab ku noqotay ciidmao ka socda Killinka 5aad oo xabad ku soo ridaya bulshada Hiiraan.

CODSIGII MADAXWEYNAHA DALKA JABOUTI

Shirarkaan waxey u muuqataa sidey u socdaan in ugu danbeyn cuqaasha Hiiraan tixgelin doonaan codsigii madaxweynaha dalka Jabouti bulshaduna ay colaada nabad ku bedelan doonaan.

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo hadba meesha ay mareyso xaalada xaduuda uu gobolka Hiiraan la wadaago dhulka Somali Galbeed iyo shirrka bilaawga fiican ah ee u bilaawday waxgaradka deegaankaas.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,580,981 unique visits