Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Sida aanu ku heleyno warar xaqiiqada u dhaw oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonan karo oo ku sugan dalal ay ka mid ayhiin dowladaha Ugandha iyo Kenya sidoo kalena aad isku soo taraya 24 kii saac ee ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ay aad u adag tahay sidii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud oo horey ugu guleysteen isaga iyo koxdiisa ceyrinta amaba shaqo ka eryida dhawr r/wasaarayaal ayaa hada u muuqda in la soo gaaray waqtigiisa.

Sida aan xogtaan oo aad ugu yar hada iney maqlaan Soomaali badan amaba siyaasiyiin badan madaxweynaha Soomaaliya kulamda ugu horeeya waxaa miiska u saaran mudanayaasha baarlamaanka ma ahan oo kaliya ka hadalka sidii ay doorasho ku dhici laheyd ee waa la xisaabtanka dowlada u madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamud oo sida la rumeysan yahay dhaawan ka mid noqday raga ugu tujaarsan bulshoweynta Soomaaliyeed xili uu wadanka madaxweyne ka yahay wax ka yar 3 sano.

Wa macquul in ay dad badan isweydiiyaan halkey joogaan xildhibaanada tiradaas la eg ee madaxweynaha la xisaabtami kara iyo in ay welito u moodaan dad badan in u madaxweynaha sidii hore u laaluushi karo tiradaan xildhibaanada ah ee aanu ka hadleyno, waxaanse bulshada Soomaaliyeed u xaqiijin karnaa tii Ilaahey iyo nasiibka qofka waa gooyni saadaasha uu madaxweynaha Soomaaliya ku sii joogi karo ilaa bartamaha sanadka danbe amaba 2016 ka waa one million to one, marka la eego siyaasadaha laga gargarinayo meelo badan oo ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya qaarkood iyo gudaha wadanka.

Arinta kale ee iyaduna laga yaabo in ay soo degdegto sidii dalka Soomaaliya loogu heli lahaa hogaanka cusub ayaa waxaa arintaas aad ugu ololeynayo tiro aad u badan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo hada intooda badan ku kala sugan deegaanada ay ka soo jeedaan iyo dalka dibadiisa, laakinse ku wada xariiro dhinaca telefonada iyo aalada internetka.

Waxaanse si dhab ah loo ogeyn qaabka uu madaxweynaha Soomaaliya oo hada ku sugan magaalada Dhuuro Mareeb shirkii gobolada dhexena waxgaradka ogoleysiiyey in lagu qabto magaalada Cadaado kedib markii waxgaradka Dhuso Mareeb qeyb ka mid ah oo dhawr qodob ku xirtay inuu shirka ka dhaco Cadaado uu u ogolaaday codsigooda oo ka mid ahaa hadii shirka lagu qabanayo Cadaado in ay caasimadu noqoto Dhuuso Mareeb iyo in loo sii daayo Xasan Daahir Aweys oo hada xabsi guri ugu jira magaalada Mogdoshu laakisne ku heysta halkaas nolol raaxo leh uu iska difaaca doono duufaanta siyaasadeed ee mudanayaasha baarlamaanka.

Isku soo duuboo marka laga soo tago balanqaadka iyo shirka Cadaado ka furmi doono maalmo dhaw waxaa ka baaxad weyn ololaha ay mudanayaasha barlamaanku ku doonayaan iney xukunka uga tuuraan madaxweynahii uu dalka Soomaaliya yeeshay mudo aan dhameyn 3 sano.

Hadaba si ay dad badan u qancaan dhawaan naga filo xildhibaanadaan si uu dad badan shakiga uga baxo iney jiraan iyo in kale halka ay ka soo jeedaan iyo sida ay uga go,an tahay in ay madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo waa sidey sheegeene ay umada dhawaan ka horleexin doonaan ,weliba xildhibaanadaan rumeyso ama ha rumeysan ma jirto qof ka mid ah 3da masuul ee ugu sareeysa golaha shacabka oo ka soo horjeeda mowqifkooda markey miiska soo saraan mooshinkaasne sidii caadada aheyd madaxweynaha iyo kooxdiisa oo weli aaminsan in barlamaanka kasta lagu laaluushi karo wax aan ka badneyn 200 oo kun oo dolar waxey geli doonaan dagaal xoogan oo ay arintaas kaka hortagayaan waayo waxaa weli qabyo ka ah oo meelo badana kaka xayiran malaayiin dolar oo ay qaab balan qaad ah uga heleen dowlado Carbeed oo aan welito gacanta kooxda madaxweynaha soo gelin inta taas laga helayana iska iloow Soomaaliya oo maamul goboleedyo yeelata in ay sii murjiyaan arinta maahane.

Laakinse marka xaalada dhinaca kale laga eego waxaa madaxweynaha iyo kooxdiisa saaran cadaadis ilaa heer caalami ah aduunyaduna aad ayey u dareensan tahay inuu doonayo 2 sano oo mudo kordhin ah ayna wado kasta u marayaan isaga iyo kooxdiisa xaalkuna ma sahlanaan doono siduu u rafanayo ugu danbeyn waxuu xukunka ka degi doonaa isagoo maalinba tolbeelayeeye war yaa Hawiyaaheey , marna leh wadankii Daarood ayuu u gacan geli rabaa, marna leh war yaa Hiraabaheey oo u celadhaansan doonaa Habargidir iyo Abgaal oo leysku yiraahdo Hiraab weliba waxaan xog ogaal u nahay kaararka uu isticmaali doono oo dhan in ay ka mid noqon doonto muuqaal dii dilkii Salaad Gabeyre si uu dagaalo sokeeye wadanka uga huriyo siiba marka ay xildhibaanada baarlamanka mooshin ka keenaan amaba ka horyimaadaan inuu helo mudo 2 sano oo dheeraad ah.

Waxaase ilaah mahadii ah in aysan maanta waxaas ka soconeyen dalka Soomaaliya maadaama uu wadanku ka dhamaaday xiligii dadka lagu cuisine jiray reer hebelaa dalka qabsanaa iyo waa soo laabteen Daarood iyo wax la mid ah oo uu dalkaan mustaqbalka hogaamin doono qof kii muwaadin Soomaaliyeed ah bulshadana isku wadi kara,iyo hadba intii nidaamka federalka isku fahamsan inuu wadanka ka hana qaado si ay ceeb too da banaan ka ku timaado kuwa uu wadanku ka degi waayey 23 kii sano ee ugu danbeysay walow ay hada muuqaneyso in ay shacabku ku baraarugeen wax badan.

Hadaba si joogto ah ula soco arimo badan oo aysan dad badan ogeyn oo aanu bulshada u soo bandhigi doono walow ay xaqiiqo tahay in madaxweyne Xasan Sheikh uusan siyaasada Soomaaliya ka degi doonin isagoo aan ugu yaraan dhiig u daadin sidii uu gursigiisa ugu sii nagaadi lahaa, waxeysa waxkasta ku xiran yahiin sida ay go,aankooda u meel mariyaan xildhibaanada sida muuqata iskuku xiran ee aanu weliba tiradooda aysan yareyn kuwaasi oo xukunka dhawaan ka tuuraya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud.

La soco wararkeena danbe iyo xildhibaanadan isku xiran qaabka ay isku soo abaabuleen iyo waxa iyaga mideeyey kedibna waxaad si dhib yar isku weydiisaa....

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,600,539 unique visits