Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
virginiard4

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Maadaama uusan dalku ka jirin dowlad dhexe oo dalka difaacan karta waxey u muuqataa in ay dadku hada kedib iska difaaci doonaan waxkasta oo dulmi ah ama hala siyaasadeeyo ama haleyska dhaafo.

Dhawaan waxaan bulshada Hiiraan u soo bandhigeynaa sawiro muujinaya halka ay ku sugan yahiin ciidamada Liyou Boolis iyo cadadooda iyo ujeedada ugu weyn ee ay Hiiraan ugu duulayaan iyagoo aan weligood 23 kii sano ee la soo dhaafay aan hal maalin xadka Hiiraan iyo Ethiopia ka ridin xabad ujeedada ugu weyn ee ay Hiiraan dagaalka ugu soo qaadeen iyo qaabka dagaaladan loo siyaasadeeyo naga filo dhawaan walow aan si horudhac ah horey ugu iftiiminay bulshada.

Ugu yaraan marka aan muuqaladaan iyo sir badan soo bandhigno waxaa bulshada u sahlanaanaya halkii ay xalka ka abaari lahaayeen iyagoo si waadax ah isku weydiin doono maxey tahay ujeedada ka danbeysa iyadoo ay ciidamo ka socda dowlada Ethiopia gudaha Hiiraan ku jiraan waxa shacabka Hiiraan xabad looga soo ridayo gudaha Ethiopia?.

Sidoo kale hada kama hordhaceyno arimo aanu baaritaan ku wadno oo markii ay noo soo dhamaadaan aanu bulshada u soo bandhigi doono kuwaasi oo ay ka mid yahiin qaabkii ay ciidamada Amisom ee Jabouti maamulka gobolka Hiiraan uga dhaadhiciyeen in ay isku furayaan wadada u dhaxeysa Bulo Burde iyo Belet Weyne halka ay arintaas ku danbeysay iyo ciidamadii wadada wey furayaan la yiri meesha u umashruucoodu ku dhamaaday.

Sidoo kale si ugu yaraan bulshada ugu gaashaantaan wax badan oo dhib ah oo soo gaari lahaa waxaan dhawaan u soo bandhigeynaa qaabka ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jabouti uga howl galaan Hiiraan iyo midkasta siyaasadaha aysan bulsahadu ogeyn oo ay halkaas la joogaan inagoo dhamaan warbixinadaas ku soo aadin doono marka uu dagaalka ka qarxo xadka Hiiraan iyo Ethiopia kaasi oo aan sida muuqato la hureyn inuu halkaas ka dhaco Oneway or another.

Waayo aqli maahan ciidamo Killinka 5aad ka socda ayaa Hiiraan dagaal ku soo qaadaya markii dagaalada lagu jabiyo oo ay gudaha dalka Ethiopia galaane mar kale iska soo abaabulaya ciidamo Ethiopian ah oo dowlada Federalka Ethiopia ka socda ayaana Hiiraan ku sugan waxbona kama qaban karaan arintaan iney xakameeyaan wax aqliga galayo maahan hadii siyaasiyiinta dowlada federalka ee iyaduba bur burka qarka u saaran ee uga mid ah reer Hiiraan aysan qatarta bulshadooda lagu hayo iyo dagaalada laga abaabulayo xadka Hiiraan iyo Ethiopia aysan dhib u arkin waxaan dhawaan bulshada u iftiimin doonaa wax badan oo hada qarsoon kedibna waxuu caalamku arki doonaa midabka rasmigaa ee ciidamada Amisom ee ka howlgala Hiiraan ilaa heer ay shacabku gaasriiyaan waan idiinka baxeynaa Hiiraan oo ay halkaas ku waayaan malaayiinta dolar oo ay sida dhibta yar ku qaataan, waayo hada shacabku wada xog ogaal maahan laakinse markey warka is gaar gaarsiiyaan oo ay isku sheegaan in dagaal looga soo qaaday gudaha Ethiopia markaas kedib ayaan natiijada ka soo bixi doonta wax ka qori doonaa.

Sidoo kale si caalamka loo tusiyo ciidamada Liyou boolis ee Hiiraan duulanka ku soo qaaday hadana qorsheynaya mid kale waxaan ku guuleysanay in aanu dhulka buuraleyda ah ee xadka Ethiopia la socono dhaqdhaqaaqa ka jira inagoo marka uu dagaalka qarxo iyo xiliyada ay ka soo gudbaan xadka iyo meelaha ay dhibaatada ka geystaan aduunyada u soo bandhigeyna si ay xaqiiqada dagaalka u ogadaan qurbajoogta oo ah dowlada kaliya ee shacabka Hiiraan u dhisan dhaqaalona ku taageera sidii ay dagaalkasta oo deegaankooda lagu soo qaado iskaka difaaci lahaayeen.

Dhawaan ayey aheyd markaan bulshada u soo bandhignay in dhawr shir uu ka dhacay gudaha Ethiopia dad badan ayaa arintaas baaritaan ku sameeyey oo weliba la yaabay sida aan ku ogaanay arintaas jiritaankeeda hadana waxaan u sugeynaa dhawr maalmood waxaan baaritaan rasmi ah oo xaqiiqo ah ku wadnaa qaabka ay Hiiraan uga howlgalaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jabouti iyo waxii keenay in dhawaan maamulka gobolka Hiiraan loogu sheegeeyo waxaan galeynaa dagaal oo waxaan isku fureynaa magaalooyinka Bulo Burde iyo Belet Weyne arintaas meeshii ay ku danbeysay oo xaqiiqo ah iyo ciidamadii markii ay Bulo Burde tageen halka ay howshii ku hakiyeen iyo ujeedkoodu markii horeba waxa uu ahaa naga filo dhawaan si ugu yaraan aad xog ogaal u noqotaan.

Ciidamada Amisom waxey dalka ku joogaan magaca ah wax baan nabadeynaa hadeyse dowladaha qaarkood ciidamadooda iyo saraakiishoodu ku milmaan siyaasadaha is diidan ee wadanka Somaliya ka jira waxey ugu danbeyn wadankaas ka baxaan iyagoo dhaleeceysan oo aan wax ixtiraam ah loo hayn.

Isku soo dhuuboo banaan baxa maanta ka dhacay magaalada Belet Weyne hadaan si welibo deg deg ah dib loogu celin ciidamada ka socda Killinka 5aad ee dhawaan intey gudaha Hiiraan soo galeen hadane dad rayid ah ka gubeen tuulooyinkii ay deganaayeen shacabku iyagaa howshooda qabsan doono yaqaanana qaabka ay weligood dhulkaan ku difaacan jireen waana xaqiiqo sida maalinba geed hor leh loo fuulayo in ay Amisom-ta Hiiraan joogto iyo cuqaasha Hiiraan isku dhici doonaan kedibna maadaama uusan dalku laheyn dowlad dhexe oo awood leh waxey dowladaha siiya dhaqaalaha ciidamada Amisom ku waabariisan doonaan malaayiinta Dolar oo ay ku bixiyaan howlgalka amisom in aysan u qalmin dowladaha qaarkood siiba kuwa ku milma siyaasadaha qalafsan ee Soomaaliya ka jira.

Sidoo kale marka uu dagaalkaas dhaco muuqaalo iskugu jira Vedio iyo sawiro ayaan si toos ah ugu soo diri doonaa aaga dagaalka, waxaana si toos ah ugu diri doonaa xarunta Qaramada Midoobay si ay u ogaadaan in uu dagaal ka dhacayo xadka Hiiraan iyo Ethiopia xili ay gudaha Hiiraan joogaan kumanaan ciidamo amisom ah oo ka socda dowladaha Jabouti iyo Ethiopia.

Sidoo kale waxaan muuqaaladaas u diri doonaa dhamaan telefishinada caalamka ugu yaraan Hiiraan waxey noqon doontaa mid indhaha caalamka mudo gaaban gudaheed soo jiitada oo ay ula socon doonaan dowladaha dhaqaalaha siiya wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya xaqiiqada dagaalkaas oo hadii uu bilaawdo micnahiisu yahay Hiiraan waxaa jooga ciidamo ka socda dowlada federalka Ethiopia waxaana dagaalka looga soo qaadayaa shacabka Hiiraan gudaha Ethiopia.

Isku soo duuboo banaan baxa maanta ka bilaawday magaalada Belet Weyne waxuu bilaaw u yahay sasaan colaadeed reer Hiiraan colaad kuma cusba laakinse waxey fadeexad xoogan colaadahan ka soo gaari doonaan ciidamada Amsiom ee Hiiraan kusugan dowladahooda waayo gobol ku yaalo amaba hoos tago dowlada federalka Ethiopia ayaa isagoo hubkiisa iyo ciidamadiisa wato gobolka Hiiraan dagaal ku soo qaadayo shacabkuna waxey indhaha ka fiirsanayaan oo loogu sheekeynayaa ciidamo nabad ilaalin ah ayaa jooga Hiiraan bil xaqiiqo meelo badan oo dalka ka mid ah arimahaas wey ka hirgeli karaan laakisne Hiiraan maya.......

La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,586,267 unique visits