Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Sida ay rumeysan yahiin malaayiin Soomaaliyeed dadka Soomaaliyeed marka laga reebo daruufaha adag oo ay ku jiraan maanta taasi oo iskugu jirta colaado iyo dagaalo sokeeye oo uu wadanku mudo ku soo jiray tiiyoo ay u dheertahay dowlado uga faa'ideystay daruufahaas kala duwan ee ay bulshadu soo mareen iyagoona weliba doonaya iney dalka Soomaaliya gaarsiiyaan heer aan laga soo gabsan karin.

Hadane Mararka qaarkood markaad aragto hab-dhaqanka Soomaali badan waxaad isleetahay in la dhaleeceeyo shisheeye ma mudna waayo waxaaba shisheeyaha ka dhaqan iyo garasho xun Soomaali badankeed oo ay arintoodu ku soo aruurtay anigoo reer hebel ah iyo wax la mid ah taasi oo meesha ka saartay jiritaankii Soomaalinimo lana waayo dad u istaaga danta guud ee dalka iyo dadka.

Markaad taariikhda dib u yara jaleecdo waxey u muuqataa in ay hada wax badan oo ay run moodeen Soomaali badan in ay hada riyo ku noqoto iyagoo markii horeba ogaa xaqiiqada dhab ah in ay adkeyd waxii wada jir lagu waayo in aan lagu heleyn kali kali taasina maanta Soomaali badankeed kama qarsoona.


Hadaba dib uguma laabaneyno qaabkii qaldanaa ee ay Soomaalida u kala fogeyn jireen qeybo badan oo ka mid ahaa bulshada Soomaaliyeed amaba kooxo is tusiyey iney wax badan ku heli karaan sadbursi iyo handadaad amaba iyagoo is leh qeyb dalka ka mid ah intey gubaneyso waxii aad sameyn kartaan sameeya waxey bulshadii Soomaaliyeed noqdeen isma dhaanto iyo dhashood.



Bal taariikhda dib ugu laabo dhacdooyinkii la soo maray iyo meesha ay maanta ka joogaan Soomaali badan oo xaqiiqada soo taabtay, hadaanse waxoogaa u iftiimino bulshada arimaha markii horeba riyada ahaa runtana maanta isku bedelay waxaa ugu weynaa riyadii maamulka Soomaaliland oo iyagoo islahaa hadii aad koofurta Soomaaliya colaada ka jirta deb ku sii hurisaan waxaad heleysaan aqoonsi ah in aad noqotaan dal madax banaan oo jira xornimadiisana ka qaatay Soomaali inteeda kale iska daay in ay maanta helaan ictiraafe waxey maanta ku calaalayaan maamulka Puntland ayaa weerar ku soo ah Sool iyo Sanaag oo waa kii dhawr maalmood ka hor lahaa Feysal Cali Waraabe Shacabka Soomaaliland hubkooda ha qaateen waxaa magaalada Laascaano weearar ku soo ah Puntland oo doonayaan iney mar kale dib noo xasuuqaan isagoo weliba hadalada uu markaas ku hadlayo qofkii Soomaali ah ee ku dhageysta maskax caafimaad qabto uu dareemayo heerka ay maanta Soomaaliland ka mareyso caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed dhexdooda.



Weli waxaan ku sii jirnaa ka hadalka Soomaalilande xili waxaa soo maray hadii dadka koofurta laga soo bilaabo koofurta Galkacyo ilaa Kismaayo hadii bulshada laga qaado afti oo la yiraahdo sideeed u aragtaan gooyni isu taaga Soomaaliland waxey jawaabtoodu aheyd waxkasta oo ay dadkaas walaalaheena doonayaan diyaar ayaan u nahay iyo wax la mid ah.



Maantana siyasad xumo heerka ay ka gaareen reer Soomaaliland waxey isku direen dhamaan sidey u dhan yahiin shacabka koofurta Soomaaliya Daarod ha dhihin oo waaba kuwan leh Laascaano ayey naga qabsanayaan reer Hiiraan oo jabhadii SNM ku soo dhaweeyey Farjano wey isku direen. Hawiyaha kale , Digil iyo Miriflena waaba kuwii shacabkooda u diray Ahmed Godane si uu u baabiyo ilaa ay qabiilba mar isku taagaan oo ay deegaano ay weligood si nabad ah ugu noolaan jireen colaad aan loo baahneyn ku galaan taasi oo maanta keentay hadii uu dagaal rasmi ah dhex maro Soomaaliland iyo Puntland waxuusan shaki ku jirin in ay Soomaali badankeed Puntland garab ku siineyso sidii ay uga guuleysan laheyd Somaliland maadaama ay ku soo aruureen kaliya ceyda iyo aflagaadada Soomaali badan kuwooda sheeganaya iney yahiin siyaasiyiin waxaad moodaa in si ku tala gal ah looga guuleystay siyaasadii arimaha dibada hadana u muuqaal ekaadaan mid ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira hadeysanba kuwa jira qaarkood ka liidan.



Ujeedadeenu ma ahan in aanu ka hadalno Somaliland laakisne waxey naga aheyd oo kaliya sida bulshada Soomaaliyeed 25 kii sano ee ugu danbeysay ay maalinba koox amaba qabiil u soo lugooynayeen taasi oo shacabka Soomaaliyeed ugu danbeyn si siman ugu soo gaartay dhibaato aan la qiyaasi karin iyo dib u dhac.



Sidoo kale wax yaabaha Soomaaliland kedib riyada u muuqday hadana runta iskugu biyo shubtay waxaa ugu weyn shirka maanta gobolada dhexe uga socda bulshada gobolada dhexe heer waxaa la soo maray idaacada BBC ay shacabka Soomaaliyeed ka dhageystaan 4 nin oo ka soo jeeda jufo hoosaad ka mid ah beesha Habargidir (Ceyr) oo iyaga kaliya is wareysanayo oo midna Kismaayo arimaheeda laga wareysanayo isagoo sita magaca Dooxada Juba kaasi oo la dhihi jiray Goobaanle. sidoo kale waxaa gobolka Sh/hoose laga wareysanayey Cirfo oo halkaas madax ka ahaa. sidoo kale waxaa isla markaas la wareysanayey Indhacade oo ku hadlayey magaca Midowgii maxkamadaha Islaamiga waxaana wareysiga si sharaf leh u daadihinayey ina adeerkood Yusuf Garaad maalintaas qofkii baaritaan ku sameeya wareysigaas sida uu u dhacay maantana dib u eega halka ay wax marayaan waxuu ilaah qadaray in ay dhawaan magaalada Dhuuso mareeb iskugu tagaan Yusuf Garaad, Goobaanle, Indhacade iyo Cirfo waatii horey loo yiri kuli sheyin yarjicul asli iyadoo aysan jirin midkasto xiligii uu xiligaas hayey mid ka duwan asoo haya halka qaarkoodna aysanba wax xil ah heyn hada.



Hadii ay maalintaas iyagoo deegaanadaas maamulaya ay gobolada dhexena u istaagi lahaayeen sidii ay maamul muuqda ugu yaraan ugu sameyn lahaayeen maanta dhibta ay ka marayaan dhismaha maamulkaas iyo inba ay hanjabaad uga yimaadaan beelo iyagoo kale ah sida Puntland waxey ku timid xaqiiqada oo ay sida Soomaaliland iskaka indho tireen waayo Soomaaliland raga hogaaminaya shacabku dhibaato kamaba taagneyne waxey maalin iyo habeen la soo taagnaayeen cay iyo aflagaado dhinacne waxey leeyahiin waxaanu dooneynaa in aanu noqono dal madax banaan waxa ay caynayaane waa dadkii ay wax ka wada dhaxeeyeen oo aysan la aantood go'i karin waxaana marqaati ma doonto ah hadeysan shacbaka koofurta Soomaaliya oo ay iska xumeeyeen weliba dadka ay sida gooynidaa u aflagaadeyn jireen amaba ay deegaanadooda colaadaha ka abuurijireen hadeysan dib isku sixin waxaan wax ka qori doonaa 2016-ka marka la gaaro iyagoo xiligaas kuwooda koofurta Soomaaliya ku nool iyo kuwooda waqooyi ku nool bulshada Soomaaliyeed ka noqda duko cambaar leh awood qeybsiga dowlada soo socotana ay meesha ka bixi doonto 62 daan kursi ee been beenta lagu heli jiray,xumaana nagama ahan waa xaqiiq jirta waana ognahay Soomaalidu runta ma jecla.

Sidoo kale hadaan u soo laabano muhiimada qoraalkeena iyo shirka ka socda magaalada Cadaado inagu kama hadleyno shaqsi doonaya kursi siyaasadeed kaliyana fowdo iyo dhaqaalo ku raadinaya siduu xil amab agursi u heli lahaa,laakinse marka laga hadlayo nolosha dhabta ah ee ay ku noolyahiin maanta shacabka gobolada dhexe oo iyagoo heli kara nolosha aas aasigaa maanta nabadgalyo ku heli karin dhulka ay ku nool yahiin hadane shirkan hada maanta ka furmay Cadaado waa guul u soo hoyatay shacabka siiba kuwooda la xarbinaya nolol maalmeedka caruurtoodana u awoodin iney ka bixiyaan waxbarasho lacag ah amaba aysan dibada u jirin dad ehelkooda ah ileen Soomaali oo dhan dibada looma jiree.

Guusha shirkaan. shirkaan waxuu ka dhacayaa magaalo ka mid ah degmooyinka gobolka Galgaduud dhibkasta oo la maro iyo fikir kasto oo lagu kala duwan yahay muhiimadiisu sida hada muuqato waa sidii ay bulshada gobolada dhexe u heli lahaayeen maamul goboleed ay hogaaminayaan masuuliyiin u naxaya bulshadooda.



Sidoo kale waxey dad badan aad ula yaabaan sida wax aan la gaarin marar badan looga hordhacayo waxaad arkeysaa maamulka Puntland oo ka hor dhacay shirka gobolada dhexe oo leh inagu Mudug qeybteena kama mid ahan maamulka loo dhisayo gobolada dhexe iyo wax la mid ah arintaas maba la gaarin nidaamka fedralkuna maahan sida ay Puntland moodaan oo ma jiri doonto xudud qabiileed ee waxaa jiri doona xaduudaha ay hadaba goboladu kala leeyahiin laakinse marka la gaaro in shacbka laga qaado afti iyagaa waxii Puntland doonaya aysan jiri doonin cid ku qasbeysa maxaaba in bulshada walaalahaa la jahwareeriyo keenaya oo hada uu ganacsigooda is dhex maro?.

Waxaa sidoo kale arkeysaa madaxweyne umadii oon tashan leh caasimad hebel waa meeshaas iyo gobol hebel waxuu raacayaa gobolkaas waa yaabe xakuu ka keenay awoodaas sharcigeese dhigayo dadka uu go,aanka iskiis ah u gaarayo iyagu ma xoolaa sow inta uu ka hadlayo ma ahan iney iyaga ka bulsho ahaan ka timaado?

Isku soo duuboo waa muhiim in la eego danta guud ee bulshada lana joojiyo aragtida aan wax dhiseyn ee bulshada lala dhexjoogo amaba sii kala fogeyneysa hadii kale dad badan inta ay isleeyahiin bulsho kale oo walaalahood ah lugooya iyagaa is lugooyn doono sida waxa hada ku dhacay Soomaaliland oo wax kaleba iska daaye Dhulbahante iyo Warsangeli oo Daarood ah iskaba daaye kasban waayey shacabka Boorame oo ay isla yahiin qabiilka Dirta oo weliba waqooyi la degan markaas ayey si ay mustaqbalka uga lumiyaan Dirta koofurta Soomaaliya ku nool madaxa u geliyeen dadkii ay la deganaayeen weligood halkii ay u cagli celin lahaayeena iyagiina hamigoodii ahaa gooyni isku taaga uu maanta meesha ka baxay kuwii koofurta Soomaaliya kunoolaane dadkoodii ku abuureen colaad iyo barakac.

Hadaba waxaan bulshada intooda samaha jecel oo ay Soomaaliniamda ku weynatahay u soo bandhignay quruxda iyo muuqaalka magaalada Cadaado daawasho wacan.

Qeybteena labaad waxaan kaka hadli doonaa shirka ka socda magaalada Belet Weyne iyo heerka uu marayo maanta daawasho wacan City of Adaado.

Qeybta labaad ee aanu kaka hadleyno shirka Belet Weyne dhawaan naga filo

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.34 seconds
14,638,123 unique visits