Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Qormadaan waxaa macquul ah hadii aanu soo qori laheyn 3 samo ka hor amaba hadaan si kale u dhigno waqtigii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud oo aanu isagoo madaxweyne Somaliyeed ah la bar bar dhigi laheyn gudoomiyaal ilaa heer gobol ah oo uu isagu wareegto ku magacaabay dad badan wey ku adkaan laheyn iney aaminaan hayeeshee marka ay shacabka nasiibka u yeesho qormadaan bilaaw iyo dhamaad aqriyo waxaa isla markiiba u soo baxayo xaqiiqada dhabta ah iyo heerka ay maanta joogto siyaasada madaxweynaha Soomaaliya hadaba si degan u aqri faraqa u dhaxeeya masuuliyiintaan oo marka xaqiiqada laga hadlayo kaliya kukala duwan maagca xilka ay hayaan laakinse ay kooban tahay dhulka ay maamulaan.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA LAGA SOO BILAABO XILIGII UU SOO GALAY SIYAASADA ILAA MAANTA HEERKA UU MARAYO AMABA KA JOOGO XIRIIRKA KA DHAXEEYA ISAGA IYO SHACABKA UU MADAXWEYNAHA U YAHAY AMABA BULSHADA SOOMAALIYEED.

Dib uguma laabaneyno taariikh nololeedka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud waayo horey ayaa looga dheregsanaa waa muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeeda qoys intooda badan culimo ahaa, waana aabe leh labo xaas iyo caruur.

Madaxweynaha Soomaaliya waxuu ka mid ahaa kumaanka aqoonyahanada Soomaaliyeed ah ee ay dhibtay colaada iyo dagaalada sokeeye ee dalkeena la haray waxuuna ku dhiiraday in uu ka mid noqdo boqolaal aqoonyahano iyo culimo Soomaaliyeed rag iyo dumarba leh oo ku haminayey maalin uun iney arkaan Soomaaliya oo degan dadkeeduna ay helaan nolol ka duwan mida ay maanta indhaheenu qabtaan.

Sidoo kale waxuu madaxweyne Xasan Sheikh nasiib u yeeshay Allaah Subxaanahu watacaalaane xukmiyey inuu ku guuleyto doorashadii dalkeena ka dhacday 2012 kii taasi oo uu ugu guuleystay si lama filaanah maadaama ay bulshada Soomaaliyeed ku aheyd nin aan horey loo maqal.

Sidoo kale waxaa doorashadiisa kedib loo arkey shaqsi u qalma inuu hogaamiyo bulshada Soomaaliyeed waxaana dal iyo dibad looga soo dhaweeyey si siman ooay ku jirtay Soomaalinimo waxaana heeso amaan ah, gabayo, baraanbur iyo weliba ciyaaraha noocyadiisa kala duwan ku soo dhaweeyey malaayiin Soomaaliyeed oo aan weliba u ala socneyn qabiil iyo kani waa reer hebel iyo wax la mid ah.

Waxuu sidoo kale nasiib u yeeshay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeyey ee loo doorto xilkaan mudo 23 sano kedib dowlad aan kumeel gaar aheyne hogamiya iyadoo sidoo kale ay noqotay dowladii oo hogaaminaye midii ugu horeysay ee dalka Mareykanka laga soo dhaweeyo, ugu danbeyna waxuu sanadkii hore la soo baxay dadaal dheeri ah oo aan Soomaali badankeed ka qarsooneyn waana muhiimin qofka bini'aadamka ah lagu amaano waxii uu qabto laguna dhaliilo waxii uu qaldo.Marka waxaasi oo dhan laga soo tago dib uguma laabaneyno dowladii rajo loo bixiyey ee ay malaayiinta Soomaaliyeed ku hamiweynaayeen in ay ugu danbeyn midabkaan hoose noqoto.

MUDO 3 SANO IYO BAR KEDIB MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA DHIIG INTEE LA EG AYUU FARAHA LA GALAY AMASE IMISA JEER AYUU SABAB U NOQDAY SIYAASADO QALAFSAN OO UU KA FULIYEY DALKA OO AY NAFTOODA KU WAAYAAN SHACAB SOOMAALIYEED OO LAGULA XISAABTAMAYAA MAALINTA YOOMUL QIYAAMA?

Marka laga soo tago sida ay maanta shacabka Soomaaliyeed u kala fogyahiin dhianca aragtida iyo mustaqbalka wadankooda oo weliba aad uga liitada xiligii kumeel gaarka intii uusan noqon madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale qilaafaadkii intooda badan u badnaa dano shaqsi ee ka dhaxeeyey hadba r/wasaarahii uu soo magacaabayey tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtay hadane waxey siyasadiisu maanta mareysaa haar isaga gaarsiisay isaka daa Soomaalida dusha ka daawaneysee inuusan mar kale rajo ka qabin inuu hogaanka dalka isku taago haduu isku soo taagane uusan fileyn guul muuqata.

Marka aad eegto xaalka siyaasadeed ee madaxweynaha isaga shaqsiyan waa laga yaabaa inuu ku haminayey mudadii uu joogay inuu isbedel la taaban karo kusameeyo siyaasada guud ee dalka laakinse maanta waxaan mareynaa in la kala garan waayo madaxweyne maamul goboleed iyo mid federal ah midka uu yahay maadaama caalamka looga qaabilayo si isku mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo isaga.

Hayeeshee waxuu maalinba meel soo joogay awoodiisa waxey ku soo aruurtay heer dhawr safar oo uu qeybo ka mid ah dalka ku tago ay dartiis shacab badan u dhintaan amaba telefoon uu u diray masuul kale fidnadii ka dhalata dartaadeed shacba badan uga qaxaan guryahooda.

Tusaale

gobolada Galgaduu iyo Hiiraan waa meelaha ugu danbeeya dalka Soomaaliya oo uu ugu yaraan arintooda maanta ka hadli karo maadaama ay weli ujoogaan rag uu gacantiis aku soo maagcaawday hayeeshee markaad aragto qaabka ay isaga iyo ragaan midba midka kale gooynidiisa u wataan siyaasado aan isku dhaweyn waxaa kuu soo baxay in aysan waxbo isdhaamin oo weliba ayiyag sii kala aqli badan yahiin bal dib u jaleec dhibaatada uu horseedka u ahaa madaxweynaha iyo sida uu u doonayey inuu u isticmaalo gudoomiyaha gobolka Galgaduud Cirfo shacabkiisa, xiliyadii ay ka socdeen shirarka magaalada Dhuuso Mareeb.

Markaan leenahay madaxweynaha Soomaaliya dhiig badan ayuu faraha la galay waxaan qormadeena ku soo koobeynaa kaliya dhacdooyinkii ugu danbeeyey. markii la guda galay shirkii ay waxgaradka iskugu tageen Dhuuso mareeb ayaa sida aanu war sugan ku heleyno madaxweynaha rag ka socday u balamiyeen gudoomiyaha gobolka Galgaduud Cirfo una sheegeen inuu doonayo madaxweynaha uuna soo weci doono maadaama aysan bulshada soo dooran oo uu xilka uu ku magacaaban yahay ku helay wareegto waxaa ugu danbeyn Cirfo lagu wargeliyey inuu soo afjaro kooxda uu fadhigoodu yahay Curi-Ceel ee la baxday Ahalusuna Cirfo oo iska dhaadhiciyey inuu ku socdo amar madaxweyne ujeedada halkaas loogu dirayne aheyd kaliya sidii isaga iyo dadkiisa leyskaka horkeeni lahaa waxuu dagaal ku qaaday aroor hore magaalada Guri Ceel waxaana dagaalkaas ku dhintay tiro 30 meeyo ah waxaana ku barakacay boqolaal qoys oo u badnaa dan yar, caruur,dumar iyo waayeel.

Dagaalkaas markii ay intaas ku dhimatay dadkiina guryahooda ka barakaceen kedib ayaa la bilaabay waan waan Gudoomiye Cirfe markii hore isma weydiin war ninkaan Villa Soomaaliya telefoonka ka soo diraa ee dadkaada doonaya inuu kugu xasuuqo ka diid iyo wax la midahe, markii la arkey qodobkii 1aad ee ahaa Guri Ceel weerar inuu ku dhiraday ayaa hadane mashruuc kale loo dhiibay waxaana lagu yiri waa in aad shirka Dhuusa Mareeb albaabada iskugu dhufataa kedibna maxaa dhacay Cirfe waa diiday waxuuna ku jawaabay walee mar kale ima dageysid madaxweynoow waxuuna si toos ah iyo si dadban u bilaabay inuu dadkiisa kasbado waxgaradkiina ku yiraahdo habeen iyo maalin dhulkaanidinkaa iska leh shirkiina ku wata hadaad doonaane Xasan Sheikh mediyahay ka caaya hadii uu halkaan idiinku yimaadona afkiina uga ciilbeela.

Madaxweyne oo u mooday iney Cirfo wax badan uga hirgalayaan waxuu halmar ka warhelay gudoomiye Cirfe iyo waxgaradkii oo halmeel ku shiraya shirkii oo si nabad ah u socda awoodii gudoomiyaha galgaduud oo aad u sii kordheysa maadaama uu waxgaradkiisa iyo aqoonyahanadii qurbaha ka timid la saftay waxii markaas ka danbeeyey halkii uu markii hore amarka bixin jiray madaxweyne Xasan waxaa amarka iyo talada la wareegay gudoomiyaha gobolka Galgaduud oo waxgaradkiisa wacad kula galay in uusan mar kale qaadan doonin talo Villa Soomaaliya looga soo sheego ilaa ay shacabka Galgaduud iyo Mudugna dhistaan maamul ku yimid rabitaankooda waxaan u tanaasulayaa sida Maamulka Ximin iyo Xeen iyo Galmudug ragiihogaaminayey ilaa ay si wada jir ah Xasan Sheikh shacabka Dhuusa Mareeb iyagoo is aaminsan waxgaradkooda, ragii hogaaminayey maamulka ee uu ugu horeeyey gudoomiye Cirfo iyo weliba saraakiishii ciidamada dowalda ee halkaas joogay ilaa heer madaxweynaha intey beesha Habargidir sidey u dhan yahiin u shireen markii uu Dhuuso Mareeb tagay la horfadhiisiiyey odoyaal isag amarkii hore ciil u qabay oo weliba si aan caadi aheyn oo aan caruurta loola hadlin ugu caayeen shirka dhexdiisa xitaa muuqaalo laga duubay ayaan bulshada u so bandhigi karnaa jiritaanka arintaas.

Waxaa taasi ka sii darneyd markii markii lagu aflagaadeeyey madasha shirka waxuu k aso tagay Dhuuso Mareeb isagoo ujeedadii uu u tagay shirka oo aheyd inuu furo waxaana loola soo baxay 6 qodob dhamaantoodna waxuu aqbalay.

Hadaba xagey katimid awooda waxgaradka iyo maamulka Galgaduud?

Awooda meel kale kama imaan markii uu madaxweynaha amarada siinayey Gudoomiye Cirfe kuma xirneyn waxgaradkiisa iyo beeshiisa kaliya waxuu ahaa nin kaligii iska socda oo u mooday hadii uu diidoo amarka madaxweynaha in isla goobtaas xilka looga qaadayo, laakinse markii uu diiday inuu shirka Dheesa mareeb albaabada iskugu dhufto waxuu aad u farxad geliyey waxgaradkii iyo beeshii uu ka soo jeeday weyna aamineen waxeyna naxdintii ku wareegtay madaxweyne Xasan sheikh oo aad ugu faraxsanaa markii uu dagaalka ka bilaawday Guri ceel maadaama aysan goobtaas ku dhimaneyn wiil iyo geber uu dhalay. ugu danbeyna maanta Cirfo waxuu bulshadiisa ka rogay heeryadii iyo maamulkii gacan ku rimiska ahaa ee niyad jabka ku ahaa dadkiisa waxuuna qeyb ka yahay dhismaha maamulka gobolada dhexe ee hada ka socda magaalada Cadaado.

Waa socotaa qeybteena labaad sida gudoomiyaha Hiiraan iyo madaxweynaha midba midka kale u qatalayo iyo midkasta sharuudaha uu doonayo inuu midka kale u fuliyo kedibna waxaad isweydiisaa cida aqlii badan ragaan iyo madaxweynaha Soomaaliya.






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,638,436 unique visits