Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Magaalada Belet Weyne oo aad mararka qaarkood moodo wadanka Philipines ama jazeerada Filibiin marka la eego daadadka ku soo rogmada xiliga roobka ayaa waxa gurmad ay aad bulshadu ugu baahnaayeen ayna gabeen iney horey u qabtaan howshaas hayadaha ka howlgala magaalada Belet Weyne ayaa waxaa halkaas ka fuliyey ciidamada dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti.

Howshaan ayaa aheyd biyo xir lagu sameeyey meelaha ay ka jabsadaan biyaha webiga xilkiyada roobka iuyagoo halkaas ka dhisay gidaar weyn kaasi oo ay bulshada ku dhaqan xaafada howshaan laga hirgeliyey aad u soo dhaweeyeen dadaalka ciidamada Hiil Walaal magacaas ma ahan magac si sahlan ku baxay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay halkaas ka fuliyaan mashaariic ciidamada Dowalada Jabouti ee Hiil Walaal waxeyna tani qeyb ka aheyd gurmadyo joogto ahaa oo ay sanadahii ugu danbeeyey ka fuliyeen halkaas kuwaasi oo iskugu jireay kuwo si toos ah uga yimid madaxweynaha wadanka Jabouti Wiil Hoog Cumar Geelle xili ay halkasi dad badan ku barakceen iyo daawo uu la soo gaaray isbitalka guud ee magaalada Belet Weyne.

Sidoo kale waxey ciidamada howshoodii ugu weyneyd ka fuliyeen xerada Lamagalaay oo ay ku dhiseen dhaqaalo ay iska soo aruuriyeen ciidamda Jabouti ee halkaas ku sugan sidey u dhan yahiin rag iyo dumar.


Isha wareka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.23 seconds
14,581,349 unique visits