Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Inkasta oo aan welito la gaarin doorashadii madaxtinimada dhulweynaha Hiiraan musharaxiinta u taagane ay ka mid noqon doonaan wejiyo cusub iyo kuwii hore kuwaasi oo ay dooran doonaan mustaqbalka hadba xildhibaanadii golaha deegaanka u soo xulaan cuqaasha Hiiraan.

Ma dooneyno in aanu ku dheraano siyaasadaha xawaaraha ku socda ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sida musharaxiintu ugu tartami doonaan sidii ay shacabka deegaanada ay isku soo sharaxaan u kasban lahaayeen siiba waxgaradka ay taladu ka godo.

Hadaba waxaan qorno kooban ku cabireynaa mustaqbalka siyaasadeed ee gudoomiyaha Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo isagu sheegay inuu yahay musharax doonaya inuu calafkisa ka raadsado doorashada soo socota.

Hadaba aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo weliba dhalinyarada isku soo taagi doona xilka ugu sareeya ee Hiraan kaasi oo ay hada gogoshiisu taalo magaalada Belet Weyne xili ay halkaas ku sii qulqulayaan siyaasiyiin, waxgarad, culimo iyoweliba dhalinyaro rag iyo dumarba leh.

Sidoo kale maamulka halkaas lagu dooran doono qofkii bulshada hogaamin lahaa iyo nuuca uu noqonayo waxuu ka imaan doonaa bulshada Hiiraan rabitaankooda laakinse marka lag ahadlayo siyaasad iyosida uu markaas ugu bisil yahay qofka doonaya inuu hogaamiyo bulsho ku nool dhul baaxadweyn oo Hiiraan oo kale ah ma sahlana in uu si sahlan ugu guuleysto xil loo galayo trartan waxaase jira musharaxiin aad u aqli badan oo muujiya dulqaad ilaa laga gaaro maalinta ugu danbeysa ee ay dhaceyso doorashada inta ka horeyso shacabku waxey saadaal ka bixiyaan miisaanka iyo degenaanta hadba qofkaas doonaya inuu bulshada hogaamiyo waxeyna ilaa maalinat uu sheegoinuu yahay musharax ilaa maalinta wax la dooranayo ku wadaan imtixaan iyo heerka ay garashadiisu la eg tahay.

Hadaba inagoo bulshada si toos ah ugu soo bandhigeyna xiligasta heerka ay mareyso xaalada doorashada madaxtinimada Hiiraan iyo shirarka loogu diyaar garoobayo siiba shirarka ay hada gogoshoodu taalo magaalooyinka Belet Weyne iyo Cadaado halka uu dal iyo dibad ka socdo wadatashi ay maalmahii tagay lahaayeen bulshada ka soo jeeda Banaadir iyo Sh/dhexe kuwaasi oo iyaguna ka arinsanaya sidi ay maamul goboleed u gaar ah u yeelan lahaayeen ayna horboodayaan aqoonyahano,siyaasiyiin iyo welibo waxgarad ka soo jeedo deegaankaas.

Sikastaba waxaan maanta qoraal kooban ka sameyneynaa musharaxa u tagan xilka madaxweynenimada maamul goboleedka ay yeelan doonaan bulshada Hiiraan mustaqbalka dhaw hadana ku magacaaban xil uu waqtigiisa dhamaday oo ah ilaa heer gobol /Fataax Xasan Afrax.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan marna ah musharax rajo intee la eg ayuu ka qabaa inuu ku guuleysto madaxtinimada Hiiraan?

Hadaan soo koobno nuxurka rajadiisu waa inuu soo gaari doono ugu badnaan 3da qof ee iskugu soo haro tartanka weliba waxey arintaan dhici kartaa haduu si deg deg ah u saxo qaladaad hada bilaaw ah maadaama marka uu qofku sheego inuu musharax yahay loo baahanyahy inuu wax badan habdhaqankiisa bedelo waayo doorasho iyo jago qoray caaradiis lagu helo waa kala duwan tahay.

1- Rajo lagama qabo in uu bulshada Hiiraan hogaamiyo qof aan dadkiisa ixtiraamin mid ka soo horjeda iyo mid taageersanba.

2- Sidoo kale sida aan warar xaqiiqada u dhaw ku heleyno waxaa aad u adkaan doonto in uu bulshada hogaamiyo qof aan isku kalsooneyn siyaasadiisuna aysan fadhiyin oo maalintii uu is yiraahdo xaalka wuu kugu xunyahay buuqa amaba sal fudeyd muujiya.

3- Waxaa sidoo kale musharaxiin badan ku adkaan doonta kaliya maahan gudoomiyaha gobolka Hiiraan dhamaantood hadeysan cadeynin mudada ay xilkaas hayaan waxa ay howshoodu noqon dooto iyo sida ay u kala horeyso in ay doorashadaas ku guuleystaan.

4-Musharax aan laga hageyn meel Hiiraan ka baxsan oo maanta waxii u sheego berito wax ka bedelan mediyaha ka sheegayo amaba aan haba yaratee degenaan u muujin waxgaradka iyo bulsahda uu doonayo inuu hogaamiyo oo waxkasta ka hormariya danta Hiiraan iyo Somaliweyn.

Hadaba sharuudahaan oo ah inta badan waxa qofka lagu imtixaano midkeebuu ilaa hada buuxiyey Gudoomiyaha gobolka Hiiraan?

Waa macquul hadii uu hada kedib yeesho dad aqoonyahano ah oo dhianca siyaasada kala taliya wadada wanaagsane ku haga inuu doorashada soo socoto meel fiuican soo galo oo uu helo fursad hayeeshee sida uu hada yahay haduu doorasho ku galo rag aiyo duamrk ala tartami dono meel cidlo ah ayey xilkaas ka helayaan sabatuna waa sidan.

1- Markaad aragto sida qaabka uu doonayo inuu doorashadaas ku galo waa mid hada k asii dhamaneyso dalka Soomaaliya iyo deegaanada yeelanaya maamul goboleedyada weliba marka Hiiraan oo kale laga hadlayo wax badan kama shaqeyn doonaan.

2- Waxuu doorashadaas amaba siyaasada Hiiraan uga bixi doonaa haduusan isdaba qaban sida waxiui ku dhacay wasiirkii arimaha gudaha Cabdulaahi Godax oo inta r/wasaarahii kala saftay madaxweynaha shirkii Denmarka kala qeybgalay madaxweyne Xasan Sheikh kedibna isagoo ay koxda Dam Jadiid ogaayeen inuusan xukumada uuka tirsanaa mark ala rido uusan soo laabaeyn ayuu shirkii Denmark meelkasta idaacadaha ka lahaa r/wasaarah awuu fashilmay iyo wax la mid ah weliba waxaa taas u dheeraa intii uu wasiirka arimaha gudaha ahaa hal mar xitaa ma tegin magaalada Belet Weyne waana la ogaa halkii ay marsiiyeen Dam Jadiid oo uu kula shirkobay siyaasado ruwaayad u badnaa.

Hadana wasiirkii arimaha gudaha waxuu ka mid noqon doonaa musharaxiinta Hiiraan u tartameysa isla sidii wasiirka arimaha gudaha ugu shaqeysteen Mr Godax kedibna daaqada ugu tuureen ayaa gudoomiye Cabdifataaxne ku socdaa qoraal dheer ayaane arintaan ka soo diyaarin doonaa mar kale.

Sidoo kale markaad aragto sida iyadoon doorasho la gaarin maalinba idaacad waxuu doono uga sheegayo amaba internet-yada u soo gelinayo warqad uu madaxweynaha Soomaaliya iyo Dam Jadiid u so qoreen.

Sido kale sida uu iyado aysan reer Hiiraan wax badan meel isla meel dhigin oo ay shir diabda ug ayimaadeen aqoonyahano, qurbajoog iyo weliba waxgarad kulamona u socdaan beelaha reer Hiiraan iska iclaaminayo shir 1da May isagoona ku cel celinaya shirkaas ayaa waqtigaas furmayo waxaana ka soo qeybgalayo madaxweynaha iyo wax la mid ah iyadoo ay weli socdaan shirarkii qabaa-ilka halkii uu mediyaha ka sheegi lahaa talo ay isla meel dhigeen maamulka gobolka ee uu madaxda ka yahay, waxgaradka iyo aqoonyahanada gogosha u tagay Hiiraan ee hada ku mashquulsan la kulanka qabaailka oo ay arintiisu mneel fiican mareyso.

Isagoo waxaasi o dhan hareer marayo oo kaligiis qoray iyo ciidamola cararyo haduu ku casuumo shirkaas madaxweynaha maxaan ceeb aheyn oo ka so raacayo madaxweynaha iyoisaga weliba bulshada Hiiraan u sheegay inuu yahay musharax waayo waxaa ku filan kaliya waxgaradka beesha Xawaadle iyo beelah akale cuqaashooda oo yiraahdo shirka lagu soo dhaweynayo Xasan Sheikh kama qeybgaleyno, marka sow arintu ma noqoneyno in madaxweynaha ay soo dhaweeyaan dad jidadka lag asoo aruuriyey amaba uu ka laabto garoonka diyaaradaha halkaaasne kula kulmo kaliya intii musharax Cabdifataax oo soo aruuriyo.

hadaba Gudoomiye Cabdifatax hadsuusan ixtirmaamin waxgaradka, aqoonyahnada iyo weliba culimada reer Hiraan oo uu iyadooba la gaarin doorashadii weli sidee ayuu guul gu helayaa>

Dalka Soomaaliya waa la waayey shaqsi aan dadkiisa ixtiraamin oo heer taariikh ah ka gaaro siyaasadaha isag ala hagayo.

Wey socotaa weli.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,569,493 unique visits