Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in aysan jirin wax safar ah oo u qorsheysan madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku tagayo Hiiraan dhawaanahan culeysyo siyaasadeed muuqda awadood kuwaasi oo kala ah.

1-Maadaama uu dhawaan ka furmayo shirkii golaha shacabka Mogdishu warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in howsha ugu horeysa ee baarlamaanku qeyb ka tahay sidii loola xisaabtami lahaa madaxweynaha qudhiisa maadaama aan weligiis mooshin laga keenin xili ay u diyaar garoobeen tiradii ugu badneyd ee xildhibaano ah oo xilka si sahlan ugu qaadi kara.

2-Waxaa madaxweynaha lama filaan ku noqotay jawaab uga timid isbitaal ku yaala dalka Jarmalka oo uu dhawaan isku soo baaray caafimaadne uu tagay walow aan si rasmi ah loo hubin jawaabta uu ka helay laakinse warar leysku haleyn karo waxey sheegayaan inuusan ka helin wax farxad geliya waxuuna dhawaan qorsheynayaa inuu safar ku tago dalka Mareykanka si uu u ogaado in Jawaabta uu ka helay Jarmalka iyo mida uu u tagayo Mareykanka ay isku mid yahiin koleyto xanuun waa jiraa laakinse heerkiisa bulshadu weli ma oga.

3- Warar xaqiiqada u dhaw oo aanu ka heleyno siyaasiyiin lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuusan u socon waayadan amaba uma qorsheysna inuu dhawaan gaaro magaalada Belet Weyne oo uu sheegay gudoomiyaha gobolka Hiiraan in shirka ka furmayo uu ka soo qeybgeli doono madaxweynaha Soomaaliya arintaasne waxaa ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka qaarkood waxey sheegayaan in aan madaxweynaha markii horeba afkiisa laga maqal inuu Hiriaan boqonayo laakinse kooxda Dam jadiid oo doonayey iney bulshada Hiiraan tusiyaan midabka rasmigaa ee gudoomiyaha gobolka Hiiraan in ay sida ay beeshiisu moodaan uusan aheyn ragna gacanta ugu jiro kaliya ay aheyd siyaasad tijaabo aheyd oo ku socotay waxgaradka,siyaasiyiinta ay ku jiraan xildhibaanada, qurbajoogta iyo weliba aqoonyahanada ku sugan magaalada Belet Weyne si ay u tusiyaan in aysan Hiiraan weli ka bixin siyaasadii 23 kii sano ee ugu danbeysay ka jirtay halkaas ee dhalinyarada ka soo jeeda hal jufo oo ka mid ah beesha Xawaadle la isticmaalayey.laakinse markaad xaalada dhinaca kale ka eegto magaalada Belet Weyne ma jirto iskabadaa shir waxgaradkaas laga hor istaagee howshooda si wanaagsan ayey u socotaa welina waftiyadii wey ku sii qulqulayaan waxa ay Dam Jadiid iska dhaadhiciyeen iyo waxa Hiiraan yaalo waa kaaf iyo kala dheeri

Laakinse marka dhamaan laga soo tago wararka kala duwan ee ka imaanayo xarunta Villa Somaliya iyo baaqashada in uusan madaxweynaha u socon Hiiraan waxaa keenay baa la leeyahay kedib markii uu madaxweynaha ka baqay hadii uu halkaas iyadoo safarkiisa ay ka soo horjeedaan waxgaradka Hiiraan siyaasiyiinta ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka halka kuwo kalena ay halkaas ku sii jeedaan dhawaan in ay halkaas ka dhacaan rabshado ay dad ku dhintaan ,waxaana laga soo xigtay baa la leeyahay la taliyayaasha madaxweynaha in ay dhaheen siiba rag ka tirsan kooxda Dam-Jadiid in ay ujeedadoodu aheyd sidii ay qabsoomida shirkaas u fogeyn lahaayeen inta laga dhisayo maamulka gobolada dhexe uuna madaxweynaha markii ay hal maalin ka dhiman tahay shirka uu sheegay gudoomiyaha gobolka Hiiraan inuu ka furmayo magaalada Belet Weyne 1da May madaxweynahu yiraahdo dib hadane ha loo dhigo ilaa bisha Juun, waayo waa siyaasadahii uu ku bilaabay shirkii Dhuusa Mareeb laakinse waxaa arinta si horu dhac ah inuusan shirkaas tageyn ka sii hordhacay taageerayaasha madaxweynaha.

Isku soo duuboo hadii uu Hiiraan booqdo madaxweynaha iyo hadii uusan booqanba waxaan shaki ku jirin haduusan si dhab ah ula heshiin qabiilka Xawadlaha oo uu madaxweynaha mugdi xoogan kala dhaxeeyo kaasi oo waxii keenay aysan Soomaali badankeed ogeyn dhawaana ay maqli doonaan maadaama uu dagaal siyaasadeed uu ka dhaxeeyo beeshaan iyo madaxweynaha.

Waa macquul in Soomaali badankeed maqleen oo kaliya in uu madaxweynaha ku dhashay kuna barbaaray Hiiraan ayna reer abti u yahiin qabiilka Xawaadlaha.

Waa run inuu ku dhashay dhul miyi ah oo u dhaw degmada jalalaqsi laakiinse markii uu dhashay warqadii dhalashada loogu qoray inuu magaalada ku dhashay. waa run hooyadii Soomaaliyeed ee dhashay Xasan Sheikh waxey ka soo jeedaa qabiilka Xawaadlaha waxeyna ka sii tahay Jufada Cabdalle Samatelis.

Waxaa kale oon la dafari karin in ay 90% beeshaani ka mid ahaayeen qabiiladii Soomaaliyeed ee markii la doortay soo dhaweyey si niyadsami ahne ku taageeray hayeeshee beeshaani iyo madaxweynaha wax xiriir ah oo ka dhaxeeyey labadii sano ee ugu daneysay ma jirto waxaana arimaha ugu weyn ee mugdiga keenay ka mid ah......

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno Hiiraane waxey sheegayaan haduuba ku dhiirado inuu halkaas safar ku tago isagoo aan wax badan si horudhac ah iskaka hubin oo aan hubin in meesha uu u socdo laga soo dhaweynayo iyo in kale amaba si hoose u xuuraansan......

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan dhaawac siyaasadeed intee la eg ayaa soo gaaray tan iyo waxii ka danbeeyey markii uu idaacadaha u soo bandhigay warqadii Mogdisho looga soo xawilay.

1- Gudoomiyaha markii ay soo gaartay warqadaan isla markii sooma bandhigin ee inuu fuliyo waxuu ku xiray sharuudo dhawr ah kooxda Dam Jadiid waxuuna u sheegay in loo xiro ninka isaga kuxigeenka u ah oo lagu magacaabo Qalaafoow iyo nin kale oo ka tirsan maamulka oo u qaabilsanaa arimaha bulshada.

Isla subaxii waxaa idaacadaha ka hadlay xubin ka mid ah xarakada Dam Jadiid oo ku magacaaban Xilka Xeer ilaaliyaha qaranka kaasi oo lagu magacaabo Ahmed Daahir waxuuna idaacadaha ka sheegay in la soo xiro ku xigeenka gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo nin kale iyadoo loo cuskaday iney iibsadeen lix bilood ka hor dhul hanti guud ahaa.

Waxaa isweydiin leh dhulka labadaas shaqsi lagu heysto in ay iibsadeen oo aan lagu heysan gudoomiyaha gobolka Hiiraan ilaa madaxweynaha oo maanta la ogyahay heerka uu dalkeenu kaaray musuq maasuqa.

Sidoo kale hadiiba cadaalad jirto maxaa lix bilood ka hor loo soo xiri waayey marka hada markii ay isku dhaceen gudoomiyaha gobolka Hiiraan si ay kooxkasta ugu fusho danahooda bulshada lagu korkortamayo oo ay Dam Jadiidna u dooneysaa fashilinta shirka Hiiraan gudoomiyahana u doonayaa inuu maamul isagiiba waqtiga ka dhamaaday qilaafkiisa u bilaabayaa maadaama ay hada gogol taalo Hiiraan.

Waxaa kale oo isweydiin leh gudoomiyaha gobolka Hiiraan ma awoodaa inuu madaxweynaha soo dhaweeyo ileen waxa laga hadlaa waa dib u heshiisiin iyo mustaqbale in uu maalinta uu madaxweynaha imaanayo madasha shirka keeno waxgaradka ka soo jeeda kuxigeenkiis amaba ku qabiil ah ileenqabiilkasta o oreer hiiraan ah fikirkooda saliimkaa shirarka hada socda ayey si horudhac ah u soo bandhigeen mowqifkoodana Xasan Sheikh iyo Dam jadiid ma bedeli karaane.

Iskaba daay taas Yaa iibsaday Xuuqii hore ee Xoolaha ee magaalada Belet Weyne ee ku yiilay gudah amagaalada inta aan kan hada jira la hirgelin?

Waxaa hibanti ah sida muuqata dalka kama jirto dowlad ay dad xilkas ah hogaaminayaan Hiiraane gudoomiye Cabdifataax wax badan horey reer Hiiraaan waa u soo lugooyey tani waxey noqon doontaa midii ugu danbeysay hadii la waayo nabadood jufadiisa hoose amaba waxgarad qabashadiisa leh oo ama umada ka qabta ama qabiilka Xawaadlaha hadaba dhimasho ku ma yaro oo waxaa maalinkasta Hiiraan uga geeriyooda dad badan oo qaarkood ku godoonsan magaalooyin badan iyo kuwo colaad aan loo baahneyn iska wado ee ama bartamaha magaalada Belet Weyne waxaa ka bilaaban doono xabad u dhaxeeyso qabiilka ..... si ay wiilashaan waayadii danbe Hiiraan isku bed bedeli jiray ee reer Hiiraan gaarisiiyey ilaa ay Hotel Webi Shabelle intey Hoobiye saareen Xaafada Nuur Xawaad ku garaacaan xiligii ay joogeen magaalada Kooxdii Xizbul Islaam..

Gudoomiye Cabdifataax waxuu ilaah ka sokow wax ku yahay Xawaadle, reer Hiiraan iyo Soomaaliweyn hadii uu waxgaradkiisa ixtiraami waayo oo isxtiraami waayo raga maamulkiisa kula jira maadaama uu waqtigii ka dhamaaday dhamaantoodna si wadajir ah uga shaqeeyaan kaalinta kaka aadan shirweynaha ay reer Hiiraan u fadhiyaan magaalada Belet Weyne oo uusan ugu danbeyn dantiisa gaar ah ka hormarin mida Soomaaliweyn oo muqadas ah waxaan arki doonaa waxgaradka reer Hiiraan ee inta gudoomiye Cabdifataax u yeero Xasan Sheikh Hiiraan ku soo dhaweyn doono waana midaas marka aan leenahay haduusan madaxweynaha wax badan iska hubin inta uusan Hiiraan aadin ceeb iyo weji gabax ayaa u yaalo halkaas.

Waan ognahay gudoomiye kuxigeenka Mr Qalaafoow isaguba Cabdifataax wax badan ma dhaamo waxuu ka mid yahay Soomaalida uu dilooday qabiilka hamiweyn isagaba kuma jiro laakinse waxaa qalad ah dhul dadweyne iyo musuq maasuq ilaa heer dowlada dhexe ah gaaray ayaa waxaa la doonayaa in dano shaqsi leyskaka faaideysto.

Gudoomiye kuxigeenka haduu rag yahay qabiilkiisa kaliya haka dhaadhciyo in aysan soo dhaweyn Xasan Sheikh siyaasada gudoomiye Cabdifataax oo fashilka ku socotana mid ka duwan hala yimaado oo waxgaradka Hiiraan intuu danaha qabiilka ka fogaado si dhaw ha ula shaqeeyo isagaaba fashil deg deg ah ku dhici doonaa Gudoomiye Cabdifataax haduu doonayo inuu reer Hiiraan hogaamiyo dhinacne waxgaradkii iyo dadkii uu ka dhashay amaba deegaankii uu ka soo jeeday lugooynayo....

Bal dib u jaleec Xasan Sheikh isagoo madaxweyne ah oo hantibadan wadanka ka dhacay hadane waxuu ogyahay inuusan qabiilkiisa ka maarmin waxuuna isku wataa waxgaradkiisa oo waa kii dhawaan inta shiriyey ka dhaadhciiyey waa inaad dhisataan wado marto Mogdishu ilaa meesha ugu danbeysa xeebta ay degaan beesha Abgaal isagoona mashruucaas uga soo dhameeyey dowlado dibadaa laakinse Soomaalida u sheegay iney tahay iskaa wax u qabso Hiiraantii uu ku dhashay ma aragteen isagoo ka hadlayo siiba degmadii uu ku dhashay ee jalalaqsi waa meesha dalka Soomaaliya ugu liitada caafimaadka halkii mar la doonayo in wanaag eeda laga shaqeeyona sidan ayuu bulshada tashwiish u gelinayaa.

Markaad eegto dhinaca mediyaha bal u fiirso sida ay iskugu xiran yahiin isaga iyo kuwooda mediyaha ku jira siiba ninka madaxda ka ah VOA Yabaroow oo kaliya wareysta markii uu madaxweynaha doonayo inuu ogaado mowqifka dadka qaarkood.

Dhinaca siyaasada bal u fiirso isagoo ka tirsan Dam Jadiid ayuu hadane beeshiisa garab ka dhigtaa markaas ayuu Cabdifataaxne garan la yahay awooda uu yeeshay tan iyo markii ay Hiiraan gaareen waxgaradka iyo aqoonyahanada dhulalka fog fog ka yimid ayna Mogdishu ka soo wacaan dad aan weligiis soo xariirin oo Dam Jadiid ka tiirsan, waayo raga Hiiraan tagay waa madhaafaankii reer Hiiraan Xasan Sheikhna wuu ka dheregsan yahay ragaas iney ka buuxaan rag isagoon waxbo aheyn jaamacado macalimiin ka ahaa oo miisaan culus ku leh caalamka mana hor istaagi karo ee waxey Soomaali badan waayadii danbe Hiiraan ku lugooyeen shaqsiyaad ka dhashay jufo ka mid ah qabiilka ......oo loo bixiyey ma liibaanayaasha laga liibaaney waana kuwa Hiiraan horey qeyrkeed uga reebay, dadkaani waxaa la ogaaday ineysan jirin waxgarad qaban kara oo ay ka baqayaan laakinse waxaa hubanti ah Xasan Sheikh inuusan Hiiraan sharaf kala soo laaban doonin ilaa maamulka gobolka Hiiraan shir gooyni ah la yeeshaan waxgaradka, aqoonyahanada iyo culimada Hiraan sidey u dhan yahiin iyagoo qabiilkasta leh wax ay isku ogyahiina ama ku diidaan safarka Xasan Sheikh ama iyagoo wada jira si sharaf leh u soo dhaweyn doonaan, waxii intaas dhaafsiisan waxaan sugnaa ama gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo la helo dad uu ka dhashay oo qaban kara amaba waxaa la yiraahdaa reer hebel weligood isma dilin midaan waxey noqon doontaa tii ay iyagu ku kala bixi lahaayeen kedibna kuwii guuleysto ay sharafta Hiiraan qabiilada kale nala raadiya dhihi lahaayeen.

Marka madaxweynaha Soomaaliya ama safarka Hiiraan ha baajiyo ama halkaas hatago isagoo fidno wado waxaan aan ka hadleyno waa xaqiiqo iyo guuxa jira Cabdifataax Xasan Afrax isagaa qurbajoogta markii uu arki waayey inuusan xaaalada Hiiraan wax ka qaban karin u yeeray gurigiisa ku soo dhaweeyey albaabada u furay shirarka reer Hiiraane yiri cid faragelineysa ma jirto oo waxgaradka hada halkaas joogo iskama tegin halkaas ma shaley ayuu waalnaa mise maanta ayuu waalan yahay codkiisa dhawaan filo?

Guusha qurbajoogta hada Hiiraan ku sugan waa in ay xaqiijin doonaan dhawaan midabka rasmigaa ee gudoomiyaha Hiiraan waayo wax badan ayaan horey uga qornay in ay run ahaayeen ayey hada kedib xaqiiqsan doonaan haduusan si deg deg ah dadkiisa wanaagooda uga shaqeyn.

Welcome madaxweyne Xasan sheikh adiga iyo xertaada gobolada dhexe ayaa i qarso noqon doono hadaad reer Hiiraan la soo gasho siyaasadaha fowdada u badan ee aad dalka ku heysaan adiga iyo kooxdaada ka sii baxeysa saxada siyaasada waa hada laga ugu badan ee deg ahaa da ku soo dhacay a markaad bulshada Hiiraan dhaxgasho.

Thanks to golaha wasiirada badankood sida ay qaladaadkii hore u saxayaan badankoodna xiriirka kala dhaxeeya r/wasaarahane uu wanaagsan yahay, wey dhamaatay xiligii uu madaxweynaha r/wasaarayaasha Soomaaliya dhihi jiray hebel ceyri iyo hebel keen taas wasiiro badan ayaa eeday waayo Kooxda Madaxweynaha amaba Xarakada Dam-Jadiid qofka siyaasadooda markii ay guuleysteen kedib ku biira waxey uga ciyaaraan mustaqbalka waa in lawaayo siyaasiyiinta ay ula baxeen Dam Jadiid Top-UP amaba Pay As U Go.

Joogto halkaan ugala soco shirarka Hiiraan ka socda ee ay ujeedadiisu tahay dib u heshiisiinta iyo maamul u sameysashada Hiiraan ma ahan maamul u sameynta waayo waxa hada wax dhisanayo waa reer Hiiraan

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com








Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,581,020 unique visits