Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Magaalada Belet Weyne oo ay maalmahii tagay ku sii qulqulayeen wafuud kala duwan kuwaasi oo iskugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan laguna wado in uu dhawaan ka furmo shirweynahii wadatashiga iyo dib u heshiisiinta bulshaweynta Hiiraan ayaa waxaa muhsaraxnimadiisa kaka dhawaaqay magaalada Belet Weyne mid ka mid ah qurbajoogta Hiiraan.


Musharaxan oo lagu magacaabo Dr Cabdiraxman Xuseen Cadoow ayaa markii ugu horeeysay isku soo taagay qabashada xilka maamul goboleedka ay dhawaan yeelan doonaan bulshada Hiiraan amaba hadaan si kale u dhigno madaxweynaha Hiiraan.

Musharaxan ayaa maanta munaasibad ay ka soo qeybgaleen odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada kaka dhawaaqay halkaas

Sidoo kale waxaa halkaas hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyey nabadoono aanu ka xusi karno nabadoon Fara Dheere oo kamida odayaasha dhaqanka gobolka oo kulanka ka hadlay sheegayna inuu soo dhaweeynayo masharaxan waxana uu ku tilmaamay mid guul ah oo u soo hoyatay shacabka ku dhaqan gobolada Hiiraan iyo Sh/Sare.

Intaasi kedib waxaa hadalka qaatay Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka deegaanka hada loo yagleelayo maamul goboleedka amaba dhulweynaha Hiiraan nabadoon Dacar Xersi Nuur oo isna ka hadlay kulanka lagu taageerayay musharaxa cusub ee markii ugu horeeysay isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha Hiiraan waxana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay uuna soo dhaweeynayo musharaxa waxana uu rajeeyay in uu noqdo kii samata bixin lahaa shacabka goboladaan ku nool isagoona aad u dhiirageliyey nabadoonka in ay dhalinyaradu u kacaan dadkooda hogaankana u qabtaan wanaagana u horseedaan.

Kedib qudbadahii nabadoonada madasha ka hadlay waxaa hadalka qaatay Xubno u hadlay ururada dhalinyarada haweenka iyo qurbo joog siweyn loogu casuumay madasha shirka, waxeyna ku nuux nuuxsadeen in ay si weyn ugu faraxsanyihiin musharaxan isku soo taagay qabashada madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan ee Soomaaliya, sababtoo ah bey yiraahdeen waa markii ugu horeysay oo ay bulshada Hiiraan nasiib u yeeshaan iney soo doortaan shaqsigii iyaga hogaamin lahaa kuna doortaan talo ka timid bulshada Hiiraan maadaama aysan weligeed doorasho xor ah ka dhicin dhulweynaha Hiiraan oo uu wadanku ahaa mid gacanta ugu jiray mudo fog nidaam shuuci ah oo aysan dadku wax dooran karin.

Ugu danbeyn waxaa hadalka qaatay oo lagu soo dhaweeyey Musharaxa Dr Cabdi-raxmaan Xuseen Cadoow waxuuna faah faahin kooban ka bixiyey waxyaabahii ku dhaliyey inuu qaato go,aankaan ay dad badan ku tilmaameen mid geesinimo ah oo dhiiragelinaya dhalinta Hiiraan meelkasta oo ay joogaan sheegayna in sababta uu isku soo sharaxay aay tahay markii uu arkey baahida hogaamineed ee jirta diyaarna u yahay inuu bulshada ku hogaamiyo rabitaankooda una hogaansami doono dastuurka iyo hadba sharuucdii ay ku heshiiyaan waxuuna si ay ku jirto niyadsani kaka codsaday bulshada intii ka soo qeybgashay munaasibada iyo inta maqli doontaba iney fursad u siiyaan uu ku hogaamiyo isagoona madasha ka sheegay inuu soo bandhigi doono dhawaan qorshaha iyo istiraatijiyada uu ku doonayo inuu ku hormariyo bulshada Hiiraan..

Musharaxan ayaa ah musharaxii ugu horeeyey ee magaalada Belet Weyne inta iskugu yeero bulshada kaka dhawaaqay musharaxnimadiisa walow ay jiraan musharaxiin mediyaha kaliya k asheegay laakinse munaasibadaan waa munaasib ka turjumeysa in uu musharaxaan dhex tagay bulshada uu doonayo inuu hogaamiyo kedibna halkaas kaka dhawaaqay isagoona awoodi karay inuu qurbaha kaka dhawaaqo arintaasne ma yeelin madaama dadkii la hogaamin lahaa ay gudaha Hiiraan joogaan hadane markii uu Mogdishu gaaray halkaas kakama dhawaaqin ee waxuu si toos ah fikirkiisa la tagy meeshii ku habooneyd in looga dhawaaqo.

Musharaxan oo aanu markii uu ku dhawaaqay kedib bulshada wareysanay ayaa durbaba inoo sheegay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo aad u degan hadaladiisuna ay miisaaman yahiin una muuqada shaqsi u diyaar ah inuu isbedel la taaban karo ka sameeyo dhulweynaha Hiiraan oo ay hada taalo wajigii koobaad ee shirweynaha dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee reer Hiiraan kedibna loo gudbi doono dhinacii siyaasada ugu danbeyna halkaas ay ku soo bandhigi doonaan musharaxiintu aragtidooda.

Isku soo duuboo musharaxaan oo u muuqda mid aad u diyaarsan ayna sugeyso loolan adag oo uu la gali doono musharaxiin badan ayaa magaalada Belet Weyne ka qabsatay xarun weyn oo uu ololahiisa ku wadan doono iyadoona sida warar horudhac ah sheegayaan ay jiraan team Campeynka u qaabilsan oo gudaha iyo dibada jooga.

Hadaba sdia muuqata waxaa la joogaa xiligii ay reer Hiiraan dooran lahaayeen shaqsi nadiif ah oo bulshada oo dhan isku wadi kara xili lagu wado in ay dhawaan yeeshaan bulshada ku nool gobolada dhexe, Hiiraan iyo EX-Banaadir 3 maamul goboleed kedibna hogaamiyaasha halkaas laga soo doorto ay bulshada u noqon doonaan dhawrka sano ee inagu soo aadan kuwii hogaamin lahaa deegaankaas iyadoona loo tartami doono guud ahaa dalka Soomaaliya dhinaca horumarka lana joojin doono colaada iyo isnaceybka maadaama Soomaali oo dhan ay yahiin dad wada dhashay.

La soco wararkeena danbe iyo hadba musharaxii sidan oo kale inta bulshada dhex taga ugu dhawaaqa musharaxnimadiisa waqi badan amagelin doono musharaxiinta dibadah akaka dhawaaqi doono ee aan gudaha intey tagaan sidan uu sameeyey musharaxaan shacabka hortooda kaka dhawaaqa.

Isha warka Hiiraan State
admin@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,568,604 unique visits