Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-( Villa Somaliya iyo caawa) Maxaa ka jira in xisbiga madaxweynaha Soomaaliya iskaka baxeen 5 ka mid ah

Click HereHS:-Warar sugan oo aanu caawa ka helnay ilo 99% lagu kalsoonaan karo oo ku sugan xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in shir hoose oo dhax maray xubo muhiim ah oo weliba aysan jirin cid aamineysa arintaas jiritaankeeda maadaama ay yahiin ragii uu ku taaganaa amaba sabab u ahaa Allaah ka sokow in uu ku soo baxo doorashada madaxtinimada Soomaaliya 2012 kii ahne rag isku xiran oo gaaraya ilaa 5 sedax ka mid ahne ay naga codsadeen in aanan magacaabin halka labo ka mid ah sheegeen in aysan waxbo u arkin xitaa hadii aanu soo qorno maadaama go,aanka ragaan gaareen iyo qorshaha yahay in madaxweynaha loo sheegi doono weliba marka ay madaxweynaha Soomaaliya u sheegaan in ay xisbiga uu gudoomiyaha u yahay iskaka baxeen waxaa u qorsheysan in ay ku biiraan kooxda.....

Siyaasadeey nacaalaa kuku taal saaxiib joogtaa ma leh hadeyba sidan tahay ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah kooxda madaxweynaha oo talada ay qaateen ragaan sheegay inuu ka soo fikirayo oo isbuuc la siiyo.

Hadaba si aad u ogaado wax badan oo kaa qarsoon sida iyadoo aan welito la gaarin doorashada ay madaxweynaha uga sii tashanayaan saaxiibadii uu ku dhaaranayey oo hada siweyn u dareemay in aysan muuqan fursad kale oo xisbiga madaxweynaha jaanis uga heli karaan shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalkaan Soomaali badan meel gooyni ah haku keydiyeen jiritaankiisa si hadii aan mar kale u soo bandhigno Warbixin aan weli mediyaha iyo shacabku maqal u rumeystaan.

Intii uu madaxweynaha ku maqnaa safaradii ugu danbeeyey ayey shirarka ugu badan ee ay ragaan go,aankaan ku gaareen si yaabo kala duwan u dhaceen.fadlan si degan magacyadooda iyo weliba xisbiga cusub ee ay ku biirayaan dhawaan naga filo ,kedib markey soo gabo gabeeyaan kala doorashada amaba aqoonyahanada ay siyaasad ahaan ku biiri doonaan.

Marka aad eegto sida ay wax u socdaan waxaa kuu soo baxeysa in ay madaxweynaha ka tashadeen inta badan xubnaha ugu fir fircoon xisbigiisa maadaama ay Soomaalidu u badan tahay dad hadla afmaalna u badan waxey ragaan xaqiiqsadeen dal iyo dibad in uusan wax sumcad ah ku laheyn magaca ururka marka loo eego sumcada uu lahaa ururka markii uu si lama filaan ah ururka u noqday mid himilo leh oo ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

I Laha aanu xogtaan ka helnay oo inoo xaqiijiyeen 3 ka mid ah fashil kii ugu weynaa amaba dhaawac siyaasadeed kii ugu XUMAA oo ay mudo ka qoomameyn doonaan ayey ku sheegeen in ay aheyd markii ay xilkii gudoomiyaha bank dhexe iska casishay haweeneydii lagu magacaabi jiray Yustur.

Sidoo kale waxey sheegeen in siyaasada oo ay ku cusbaayeen awadeen qilaafyadii is xig xigay ee dhax maray madaxweynaha iyo r/wasaare Saacid iyo C/welina ay ku lumiyeen kalsoonida shacab badan oo Soomaaliyeed oo dowlada taageerayaasha sida ay sheegeen.

Hadaba Inkasta oo aysan Soomaali badan aamineyn jiritaanka warbixintaan horu dhaca ah sida ay hada ka hor dad badan u aa mini waayeen wax badan oo xaqiiqo isku bedelay.

Isku soo duuboo waxaa jira shaqsiyaad weli daacad u ah madaxweynaha laakinse marka ragaan loo dhigo sida ay udub dhaxaad ka uga yahiin xisbiga taladiisa iyo dhaqaalaha ay heystaan iyo sidey 5 tooda u yahiin kala qabiil markaas ayaad ddareemaysaah in uu ururka madaxweynahu kali ku yahay hayeeshee ay saaxiibadii tashadeen.

Mar aanu si Somalinimo leh u waydiinay mid ka mid ah ragaan waxa ay madaxweynaha Soomaaliya u qiyaanayaan oo aysan waqti munaasib ah ugu sheegeyn maadaama laga yaabi lahaa inuu go,aan geesinimo ah qaato oo uu is casilo si doorashada looga soo hormariyo waqtigii u qorsheysnaa?,waxuuna ku jawaabay Walaal ma jirto rageenaan hebel iyo hebel iyo hebel cid kaka aqoon badan madaxweynaha ma jirto laakinse inta aqoonyahano ah oo noola talisay si hoose iyo si ay bulshadu arkeysaba xalka kaliya ee noo furnaaday rageenaan waa in aanu is dabaqabano inagu CIDII sugeysa inta uu madaxweynaha iska garanayo waqtigaa garadsiin doono iyo duufaanta siyaasada meesha ay u socoto ayuuna mid ka mid ah ragaan inoogu soo koobay hadalkiisa.

La soco wararkeena danbe iyo warbixintaan ugub ka ah.sidoo kale dhawaan naga filo halka ay reer Galbeedku u jiheeyeen barnaamijkii New Deal iyo sida madaxweynaha Soomaaliya loogu mashquulinayo arimaha maamul goboleedyada oo laga yaabo in ay faacad ka tahay isagu koleyto dhaqaalahii New Deal ee magaca Soomaaliya lagu yaboohay hadeyba dhacdo in ay qeyb ka mid ah soo gaaro Africa waxaa heli doona madaxweynaha Ugandha waxuuna ku mashquulsan yahay sidii ciidamo hor leh ugu soo diro lahaa Soomaaliya ilaa mucaaradka Ugandha wal wal ka mujiyaan Ilmo yar yar oo la askarenayo lagana soo aruurinayo isla wadanka Ugandha iyo dalkii horey loo dhihi jiray Zaire hadana loogu yeero DR Of CONGO.

Madaxweynaha Soomaaliya waa in uu Sameeyaa Home Work culus hadii kale waxaa ku dhici doona waxa ay reer Galbeedku dhahaan (It's easy to be smart after the fact) intaas maanta uma dhaafayno arimaha socda.


Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
Admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 2.65 seconds
14,905,399 unique visits