Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 152,372
· Newest Member: Barniqirk

Welcome

HS:-Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo u jawaabay

Click HereHS:- Xili uu dhawaan ka soo laabtay wadanka Ugandha gudoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari ayaa mar qura ka hadlay arimo quseeya Somaliland iyo caasimada Somaliya ee Mogdishu ayaa waxaa hadalkii gudoomiyaha baarlamaanka qaabab kala duwan uga jawaabay xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo sheegay in aysan arinta caasimada Somaliya iyo waxa uu mustaqbalkeedu noqonayo u oolin ka hadalkeeda gudoonka baarlamaanka loona baahan yahay marka uu fikirkiisa ka hadlayo uu sheego in uu san ku hadleyn xilka uu ku magacaaban yahay maadaama uu isagu ka hadli karo oo kaliya waxii ay go,aan ka gaaraan golaha shacabka isagoo weliba qodobeynayo dastuurka wadanka inta ka quseysa gudoonka baarlamaanka prof Jawaari arinta gobolka Banaadirna sheegay xildhibaanku iney u taalo go,aankeeda iyo sidii ay maamul goboleed u noqon laheyd 3da Million ee ku nool halkaas.

Sidoo kale mar uu ka hadlay gudoonka baarlamaanka maamulka Soomaaliland ayaa waxaa isaguna hadalkaas ka jawaabay Feysal Cali Waraabe oo hadalo kooban ka sheegay mar uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Hargeysa yiri waxaa ayaan daro ah maanta waxaa arimaha Somaliland ka hadlayo ina Jawaari oo isaguba ah dhibane iyo wax la mid ah sida uu hadalka u dhigay.

Marka laga soo tago jawaabta xildhibaan Cosoble ee ku wajahneyd Prof Jawaari ayaa hadane waxaa maanta magaalada Belet weyne uga jawaabay r/wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid oo ka hadlay arimaha Hiiraan xildhibaan Cali Nuur Xuseen Boodaaye oo r/wasaaraha ku dhiirageliyey inuusan ka hordhicin shirweynaha wadatashiga ee dhawaan ka furmi doono magaalada Belet Weyne iyo go,aanka bulshada Hiiraan oo ay dowlada dhexe ku qasban tahay isagoona tusaale u soo qaatay qodobo dastuuri ah una sheegay iney shirkaas ka soo qeybgalaan masuuliyiinta dowlada.

Hadaba aragti noocee ah ayey bulshada Hiiraan ka bixiyeen hadalkii R/wasaaraha dadku hada waqtiba uma hayaan ay ka hadlaan wax aan la gaarin taasi bedelkeedana waxey maanta iskugu yimaadeen kulan ay kaka hadlayeen mashruuc ay ugu magac dareen Dhiso Dalkaada oo lagu dayac dirayo garoonka diyaaradaha magaalada Belet Weyne sida aad ku aragtaan sawirada hoose maadaama aan sidii hore loogu hami weyneyn dowlada hada jirto dadku iyagaa isku tashanaya oo dhisanaya goobaha muhiimka ah marka masuul inta idaacadaha kaliya ka hadlay noloshii guud ee dalkana meel iska dhigay shacabka Soomaaliyeed kuma cusba waana midaas wax yaabaha keenay inaysan dadku dheg jalaq u siinin wax badan hada kedib.

Hadaba ma dooneyno in aanu dib ugu laabano arimo badan oo aanba weli la gaarin laakinse waxaan malaayiin Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in aysan mustaqbalka bulshada Hiiraan aheyn amaba noqon doonin waxa ay Somalidu tiraahdo Geela Gal ee Garoor ka keen amaba ay reer Galbeedku yiraahdaan ( You con't get blood out of a Stone)

Dowlada hada jirto midabkeeda rasmigaa waxaa ka hadlay gudoomiyahii hore ee gobolka Banaadir Tarzan oo qiray in ay fashilantay dowladii ka jirtay koofurta Soomaaliya Somaliland ugu baaqay in ay ka noqoto gooni isku taaga si loo bad baadiyo midnimada umada Soomaaliyeed oo meel xun ku socda.

Isku soo duuboo waxa magaalada Belet Weyne ka socda dadaalo xoogan oo loogu sameynayo dayactir goobaha muhiimka ah waxaana hada miiska u saaran bulshada amaba shir maanta ka dhacay magaalada Belet Weyne ayna ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada sida ganacsato, Injineero iyo weliba gudi dhawaan isku xilqaamay dhismaha sidii wado laami ah loo saari lahaa qiimeyna ku soo sameeyey wadada dheer ee ay diyaaraduhu kusoo degaan oo ay dhawaan waxyeelo ka soo gaartay roobabkii dhawaan ka da'ay magaalada.










isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
11,852,183 unique visits