Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Magaalada Belet Weyne oo maanta tababar loogu furay qeybaha bulshada

Click HereHS:-Magaalada Belet Weyne oo ay ku sugan yahiin hayaddaha ugu badan ee UN-ka iyo NGO fara badan kuwaasi oo intooda badan guryo qurqurxan k akireystay gudah amagalada laakinse mark ala yiraahdo wax qabad iyo in la taageero shacabka aysan weligood gaareyn gurmadka ay marar badan sameeyeen ciidamada Hiil Walaal ayaa hadane wxaa maanta k afurmay magaalada Belet Weyne siminaar socon doona mudo cayiman kaari oo ay soo qaban qaabisay mid ka mid ah hayaddaha ku sugan magalada Belet Weyne .

Siminarkan ayaa wax Soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Hiiraan waxan taabo galinaya fulinteeda mid ka mid ah ha’yadaha ka howlgal magaalada Belet Weyne.

Mudane lagu magacaabo C/wahad Abuukar oo ka mid ah masuuliyinta ha’yadaha taabo galineysa tababarkan ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay uu yahay sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa in ay ilaliyaan mashaariicda laga hirgalinayo Baladweyne ilaa hada Hiiraan intiis akale lagama hadlo waxaa laga hadlaa kaliya hal magaalo maadaama ay maamulk aHiiraan had aka jira kaliya gobolka ka maamulan magalada Belet Weyne oo kaliya.

Sidoo kale waxaa xaflada furitaanka ka hadal kooban ka jeediyey taliyaha booliska Baladweyne Cali Dhuux Cabdi Mahadalle sheegayna in bulshada ku nool magaalada Belet Weyne in looga baahan yahay ilaaaliyaan iyo la socodka mashariicda ka Socota magaalada Baladweyne sida garoonka ku- bada cag ee Hiiraan Stadium oo dhismihiisa uu ka socdo magaalada Belet Weyne kaasi oo noqonayo kii ugu weynaa ee laga hirgaliyo dalka Somaliya marka lag areebo Stadium Mogdisho.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Duqa degmada Baladweyne Cumar Ibraahim (Cumar Baadiyow) oo ka qeyb galay furintaanka siminaarkan ayaa sheegay in loo bahan yahay in bulshada ku dhaqan magaalada Belet weyne ay ka qab qaataan horumarka ka socda magaalada islamarkaana ay ilaaliyaan mashariicda laga hirgalinayo Baladweyne.

Si kastaba mark aloo eego hayaddaha ku sugan magaalada belet weyne iyo waftiyada ka socda dowlada federalka ee Hiiraan marka ay booqanayaan u taga oo kaliya siudii ay bulshada iskugu masawiri lahaayeen kaliyana halka mar ay hadlaan ka hadlaan wax aan bulshada faa'ido u laheyn ayaa hadane marka xaalada dhinaca kale laga eego waxaa jira daloolo koobna iyo gurmadyo ay sameeyaan ciidamada Hiil Walaal ee jabouti oo ilaa madaxweynaha wadankaas ilaa askariga jooga Hiiraan uu kaalin muuqato ka qaataa arimaha horumarinta.





Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.36 seconds
14,905,870 unique visits