Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Shirweynahii Aayakatalinta Hiiraan oo ay maalintii shalay fureen masuuliyiinta..

Click HereHS:-Magaalada Belet Weyne ayaa waxaa abaarahii waqtiga Hiiraan xiliga ay shacabku u yaqaaniin Barqada waxaa ka furmay shirweynahii ugu balaarnaa oo noociisa oo kale ah oo mudo 23 sano ah ka furma Hiiraan kaasi oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiinta maamulka Hiiraan, waxgarad, aqoonyahano, saraakiil iyo siyaasiyiin hore iyo kuwo danbe.

Shirka ayaa furmay xili barqo ah Barqo waxaa Hiiraan laga dhahaa xiliga ay ardeydu iskuulada aadaan xoolahane la soofiyo amaba duurka loo daaqsin geeyo.
Jawiga magaalada Belet Weyne waxuu ahaa mid wanaagsan cimilo ahaan maadaama lagu jiro xiligii barwaaqada oo uu dhulku yahay doog amaba intiisa badan green.

Madasha uu shirku ka dhacay hadaan waxoogaa ka yara faaloono waxey nagu qaadaneysaa saacado amaba qoraal laguma soo koobi karo laakinse hoolku waxuu ahaa mid aad u qurux badan markaad soo gasho waxuu ahaa mid ay hawadu dhinackasta ka soo galeyso.

Wejiga hore ee shirka waxa ku dhaganaa boor lagu hardhardhay Calanka Somaliya iyo astaanta ay caanka ku tahay dowladnimada Soomaaliya ee ah xidig dhexda ku jira iyo labo Shabeel oo dhinaciisa ku dhegan.

Waxaa ka muuqday isla madasha shirka Calanka Soomaaliya oo ahaa midkii rasmiga ahaa ee baluuga biyo biyaha cirka u ekaa halka waayadii danbe Soomaalidu iska sameysan jireen Calamo kalarkoodu aad buluug u yahay, waxaana dhinaciisa yiilay sawirka madaxweynaha Soomaaliya oo dagaal siyaasadeed meesha uu salka ku hayo aan la garaneyn kula jira bulshada Hiraan laakinse Hiiraan waa meeshii qaranka Soomaaliyeed laga unkay maadaama uu yahay madaxweynaha Soomaaliya ilaa uu maalinta ugu danbeysa ee uu xukunka kala wareegayo muwaadin kale oo Soomaaliyeed micnaheedu maahan in aan madasha shirka lagu soo dhajin karin sawirka madaxweynaha iyo wax la mid ah reer Hiiraan intaas wey ka ilbaxsan yahiin Soomaali badan, waayo waxaan xasuusanaa xiligii Ahmed Madoobe xooga ku dhisayey maamulka Jubooyinka waxyaabahii taariikhda galay waxaa ka mid ahaa in sawirada madaxweynaha wadooyinka magaalada Kismaayo lagu gubayey halka ilaa Jigjiga iyo Qabri Dahare laga soo diro Hees Dhaanto ah oo magaceeda loo bixiyey Aadimeyno Mogdishu Ebed

Markii Ahmed Madoobe maamulkiisa taageeray madaxweynaha oo uu ugu yeeray in aan la dhihi karin hogaamiyaha Raaskaambooni ee loogu yeero Madaxweynaha Juba hadane isla mar kale ayaa hees Dhaanto ah laga soo diray Jigjiga iyo Dhagax Buur lagu leeyahay Mogdishooy Muunadii dalkaay ogow dalkii iyo dadkii isma bedelin kaliya waxaa dalka ka socdo ayaa ah....

Tanina waxey muujineysaa in ay reer Hiiraan isku tashadeen cidii siyaasad kula dagaaleysa iyo midii wanaag kula dhaqmeysaba waxey ogyahiin in aan marnaba wax aysan iyagu rabin aysan jirin cid sanka ka gelineysa laakinse ilaalinta iyo ixtiraamka hogaamiyaasha wadanka iyo sharafta Soomaaliweyn weligoodba dhamaan dowladahii wadanka soo maray iyagoo colaadinayo ayuu dhamaantood waqtigii ka dhamaaday Hiiraane markasto waa Hiiraan waana midaas tan keentay mid la dagaalsan iyo mid jecelba in aysan reer Hiiraan wax badan iskaka qasneyn oo aysan hogaamiye Soomaaliyeedna ku taageereyn inuu iyaga ugu hiiliyo Soomaalida kale amaba uu sadbursi u sameeyo kaliya ilaa hada shirka Hiiraan ka furmay waa sidii ay reer Hiiraan uga tashan lahaayeen aayahooda iyo misirka shacabkooda mana jiri doonto fikir meel Hiiraan ka baxsan amaba gogosha hada loo fadhiyo dhaafsiisan in lagu maamuli doono waayo Somaliya waxey ku socotaa nidaamka federalka Hiiraane waxey u taagan tahay astaanta qaranka Soomaaliya maadaama ay ka danbeyso goboladii curiyey wadankii hore loo dhihi jiray jamhuuriyada Dimoquraadiga Soomaaliya talada iyagey ka godaa not dowlada hada jirta amaba mida imaan doonta.

Rumeyso ama ha rumeysan Hiiraan waxaa ka hirgeli doono amaba ka shaqeyn doono maamul goboleedka ku yimaada rabitaanka shacabka waayo shirka hada Hiiraan ka socda iyo hadafka guud ee bulshada Hiiraan dal iyo dibad hadaan soo koobno waa sidan.

Reer Hiiraan iyagoo aan wax loo yeerin horta aayahooda makatashan karaan Jawaabtu waa Haa oo waaba tan dhamaan min heer federal, heer maamul gobol, Qurbajoog ilaa waxgarad shirkaan isku aragti laga yahay ninkii doonaya inuu fikir ku biiriyo oo reer Hiiraan ahne uu madasha shirka la yimaado fikirkiisa xitaa haduu yahay mid ay u soo dhiibtay dowlada federalka ileen dastuurka waxaa ku qoran in ay dadku ka arin sadaan misirkooda.

Qodobada kale kama hordhaceyno oo waa kuwo aan weli lagaarin waqtigooda laakinse markii aan dhinackasta ka eegnay ma muuqato in bulshada Hiiraan rabitaankooda la hor istaagi karo qiimo kastaba haku kacee dadkuna wey yaqaanaan meesha uu wanaagu ka jiro.

Hadaba si joogto ah ula soco wararka Hiiraan iyo shirka ka socda halkaas oo ay xitaa wanaagiisa iyo habka loo soo agaasimay la yaabeen ciidamada Amisom oo aad hada u dareemay in ay masuuliyiinta dowlada federalka wax badan ka qaldan yahiin dhibaatada iyo mushkilada Soomaaliya ka taagane aysan aheyn shacbaka ee ay tahay hogaamiyaasha oo aan u diyaarsaneyn iney taageeraan hadba meeshii dhulka Soomaaliyeed ka mid ah oo lagu qabanayo shir dib u heshiisiineed amaba ay dadku aayahooda uga tashanayaan marka laga hadlayo bulshada Hiiraan oo aan iyagu ku fadhiyin 3da kursi ee ugu sareysa midkood masuulkasta oo hogaanka dalka ku guuleystana doonayo inuu waxkasta ku tijaabiyaan shacabka Hiiraan.

Sidoo kale bulshada Hiiraan waxbo kama helaan dhamaan deeqaha waxbarasho iyo saraakiisha ciidanka ee dibadaha loo diro waxaana kala qeybsada hadba masuuliyiinta ugu sareysa iyo beelahooda.

Isku soo duuboo ama dowlada dhexe shirka Hiiraan hatagto ama ha iska daayso oo madaxweynahane markii uu arkey in ay reer Hiiraan aayahooda ka tashanayaan hadalo duul duul ah Mogdishu haka soo tuur tuuro waxaan Malaayiin Somaliyeed u qireynaa inay reer Hiiraan ka mareyso Maah Maahdii aheyd (Bulac Seynto ka gooyoow waa u dhimasho caruurne waa u ciyaar)

Hadaan maah maahdaan oo siweyn looga isticmaalo gayiga Hiiraan u jilcino bulshada Soomaaliyeed kuwooda ku hadla afka Soomaaliga.

Waxaa jira Baahal ka mid ah xeywaanka kaasi oo ku nool miyi iyo magaalo loona yaqaano Bulac. Bulacaas marka ay Caruurta arkaan intey soo qabtaan ayey ku ciyaaraan iyagoo haya Seynta kedibna sida uu u rafanayo waxey ka gooyaan Seyntada sidaas ayuuna ku dhintaa caruurtana waxeyba ka aheyd ciyaar ciyaar.

Hada Hiiraan wax badan hogaamiyaal badan iyagoo fulinayo amaba u sameynayo naasnuujin beelo gaar ah Hiiraan horey waa ugu reebeen goboladii 8da ahaa ee ay isku qeyrka ahaayeen laakinse xitaa hadii ay reer Hiiraan damcaan iney deegaan kale wax ku darsadaan waxey noqon doontaa talo iyaga ka timid maahane ma dhici doonto in bulshada Hiiraan fikir meel Hiiraan ka baxsan looga keenay in lagu maamulo taas waa habeenkii xaley ahaay oo tagay marka madaxweynaha hada jira waa inuu xaqiiqada abaaraa oo reer Hiiraan dhex tagaa
waxgaradkooda iyo aqoonyahanadooda sharfaa hadii talo madaxweyne wato iyo siduu wax u arko hortooda ka sheego ha lagu diido ama ha leyska dhaafo.

Waxii intaas dhaafsiisan sow maahan wadanku waxii ka danbeeya bisha 8aad 2015 doorasho iyo dhismaha xisbiyo siyaasadeed iyo u tartanka gursiga uu ku fadhiyo ayaa loo tartami doonaa yuusan waqtiga kaaga dhamaan lugooyada Hiiraan oo ah deegaankii aad ku soo hanaqaaday kuna barbartay dadkuna badankood hada wey isku tashadeen ee kaliya yeysan kaa kala tagin tirada yar ee reer Hiiraanka ah ee qaranimada iyo Soomaalinimada ku weyn tahay ee kugu fikirka ah amaba ku jira dowlada dhexe.

Waayo waxaan shaki ku jirin hadii ay dowladu diido rabitaanka shacabka oo ay iska indha tirto waxaa ku filan awalba dowlada la sheegayo waa shacabka Soomaaliyeed anigaad wax iku aheyd deyda hadaad diido taadana diiday sidaasne doorasho lagu galo.

Hada waxyabaha runta la mooday ee loo cararayey waxey aheyd barnaamijka NEW DEAL ka la lahaa armaa sadbursi lagu helaa kaasina meesha waa ka baxay ee yaan shacabka mustaqbalka laga doonayo cod leyska haleyn meelkasta oo ay wadanka kaka sugan yahiina si siman cadaalada loo gaarsiiyo.

Shirka Hiiraan guul iyo gobanimo is wata reer Hiiraan ma diidana walaalahooda Soomaaliyeed iney arimo badan ku midoobaan laakinse waxaan marnaba aqliga galeyn waan iskaka kaa dul soconayaa 1979 oo goboladii dalka oo 8 ahaa laga dhigay 7 gobolka 17 gobol halka Hiiraan weli.......

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.68 seconds
14,905,731 unique visits